Af-soomaaliga cusub ee dhalinyartu isku af-garato – W/Q: Cali Coomay

    0
    Cali Coomay
    Cali Coomay

    Waa kalmado ay si joogto ah, u isticmaalaan da’yartu oo dhexdooda ay isku fahmaan, balse aanay dadka waayeelka ahi fahmin. Marka laga reebo dadka waayeelka ah ee dhalinyarta xidhiidhka la leh. Bal ee hadda eeg:

     

               Erayada cusub                                                                                                      macnahooda

    1.       Wuu is-rifayaa………………………………………………………………………….wuu qayilayaa
    2.       Waad igu liin-baxday…………………………………………………………….waad iga hadhi weyday

    3.       Yaa la socda……………………………………………………………………………… yaa taageersan
    4.       Waa loo raran yahay…………………………………………………………………..uurbaa loo leeyahay
    5.       Nadiif baan ahay…………………………………………………………………………lacag ma haysto
    6.       BBC-da og…………………………………………………………………………………….qof kasta og
    7.       Lugtuu aastay………………………………………………………………………………wuu guursaday
    8.       Waa loo qayilay…………………………………………………………………………… waa la khiyaameeyey
    9.       Baddaa ku kacsan…………………………………………………………………………. Wuu lacag la’yahay
    10.   Waa lala soo darsay……………………………………………………………………….jacayl baa ku dhacay
    11.   Tacsibaa u taal……………………………………………………………………………….waa lala guursaday
    12.   Afkuu furtay……………………………………………………………………………………wuu caytamay
    13.   Dhiiqaduu cabay………………………………………………………………………………wuu ceeboobay
    14.   Noo baandhee…………………………………………………………………………………aynu is-dhagaysano
    15.   Waa laga lushaa………………………………………………………………………………..waa la jecel yahay
    16.   Nalbuu shitay……………………………………………………………………………………sirtiisuu sheegay
    17.   cid kale ayey u raran tahay ………………………………………………………………qof kalay la sheekaystaa
    18.   naftay dhigeen…………………………………………………………………………………way tahriibeen
    19.   badduu galay……………………………………………………………………………………balwad ayuu yeeshay
    20.   jeebiisaa qoslaya………………………………………………………………………………waa oday lacag haysta
    21.   gaadhigayga maaha………………………………………………………………………….kama helo noocan
    22.   shahaadaa loo dalbay………………………………………………………………………dhaawac baa gaadhay
    23.   miisaan ayaa saran……………………………………………………………………………meel baa laga haystaa
    24.   jilbuhuu aastay…………………………………………………………………………………caruur buu dhalay, aabo
    25.   google weeyi…………………………………………………………………………………….waxba lagama qarin karo
    26.   timuhuu daystay……………………………………………………………………………..wuu waashay
    27.   hawo ayuu soo doontay………………………………………………………………….Dibada ayuu ka yimid
    28.   gacantaa dheeraatay………………………………………………………………………wuu shaxaad badatay
    29.   yaa kula og…………………………………………………………………………………….macquul maaha
    30.   maskaxduu furtay…………………………………………………………………………maandooriyuu soo cabbay
    31.   cirkuu galay………………………………………………………………………………….wuu dhoofay
    32.   wuu ku qarxiyey………………………………………………………………………….wuu ku caddeeyey
    33.   luuq buu ku jiraa………………………………………………………………………….wuu guursaday
    34.   wuu tigtigan yahay…………………………………………………………………….. .waa tahriib
    35.   yaasiinkaa dhaafay…………………………………………………………………miinaa la qaraxday
    36.   wuu baxsan yahay……………………………………………………………….. sheekada lama socdo
    37.   ducadii ma timid…………………………………………………………………….biilkii ma yimid.

     

     

    Cali cabdi coomay

    Suxufi, qoraa ah.

    B.A in Journalism

    Hargaysa, somaliland

    calicoomay@hotmail.com