Beledkii Hal-doorka: Maasno Loo Hibeeyay Buco iyo Bulshadeeda – Ereyada Siciid Gahayr (Hargeysaawi)

    0

    Jiiftadan waxa aan tiriyay 22/01/2013-ka markaas oo aan u geeddiyay Burco si aan uga qaybgalo Barnaamijka Waddaniyadda oo uu hormood ka ahaa Abwaan Axmed Axda.. Sooyaalka iyo doorka ay Burco ugu jirto Somaliland ayaa ay ka warramaysaaa…. Nuxurku waa dheehashada iyo akhriska maansada Beledkii Hal-doorka..

    Waa kuwan meerisyadi

    Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
    Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

    Baradii Togdheer iyo

    Biixida dhulkeygaay

    Burco ciid leh barakooy

    Belelkii xornimadee

    Ingiriiska baacsaday

    Waaguu bakhtiyay amin

    Geesiyaal bidhaanshoo

    Ka afuufay boodhkaa

    Burcooy lagugu ababshoo

    Innagoon beryaba jirin

    Waataynu booraan

    Midnimiyo bilaash lura

    Calankii ku bixinnee

    Dib u-baadidoon qaran

    Beryihii dagaalkiyo

    Halgankeennu buuxsamay

    Xaruntii bilawdee

    Biimaha naf-huriddaa

    Hadhcad loo badheedhaay

    Geesiyaasha aan biqin

    Halka lagu barbaarshee

    Ku bogaadin mudataay

    Inaan nahay dal buuxoo

    Madaxii bannaan yahay

    Halkii laga bayaanshaay

    Fanka baallihiisiyo

    Batar iyo tix iyo hees

    Suugaan bahdeediyo

    Abwaaniinta caanbaxay

    Beledkii gardaadshoow

    Haddii uunku baratamo

    Waxa badiya ruuxii

    Cilmi iyo buruud lee

    Bandhigyada aqooneed

    Bareyaasha ka u mudan

    Bartii lagu xannaanshaay

    Waxa dawlad bili kara

    Diricii bulshada ay

    Billaad maamul saartee

    Madaxweynayaal bilan

    Boqorrada intaw badan

    Bayd lagu canqariyoo

    Biyaheeda siisaay

    Dalka beegsigiisiyo

    Boggu horumar uu rabo

    Dhaqaalaa baxnaanshee

    Waxaad tahay bu’dii ay

    Beertiyo wax-soosaar

    Badigoobba xooluhu

    Dhab ka soo burqanayeen

    Culimada ku baaqdee

    Barbar taagan diintiyo

    Ganacsade bilkhayroo

    Marka baahi loo qabo

    Binidiisa dhiibaa

    Baradaada joogee

    Bigilkii xaqsoorkaay

    Marka baadil uu dhaco

    Boollida magaalkii

    Boholaha ku tuurtaay

    Anoon maanso badinayn

    Burco iyo dadkeedoow

    Birlab iyo hal-doorbaa

    Guulluhu ku beegoo

    Badhi-taarid mooyee

    Baylah kama filaynee

    Barkhad iyo riyaaq iyo

    Ku bariista raynrayn        Aamiin

     
    Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

    Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA) 

    saedmgahair@hotmail.com

    Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

    Tell: 4428604/9169034