DAYOW: Maanso Cusub ~ W/T: Yaasmiin M Kaahin

    0

    yaasmiin

    Weedhsamow dabuubtii
    Aan daayay waayadan
    Xalay maanku dayn waa
    Damqan waa jidhkaygii
    Ma dareemin dhaxantii
    Show waan dakaamo
    Way durugtay ruuxduna
    Dunidaan warkeedii
    Kolba baal duljoogo
    Ku dawakhay dhankaygoo
    Xaajo iga da’ roon baan
    Furfurkeeda doontoo
    Madaxaygu daalaye
    Bal dareen warkaygoo
    Jawaab dabacsan ii sheeg
    Haday durugto xaajadu
    Sidiiq iyo dadkeenii
    Abwaannadii dun-dheeraa,
    Iyagana ka doondoon.

    Maxaa diir cadaawaha
    Degalkaa galbeed jira
    Maxaa iigu daw galay?
    Kolba waranka duuggaa
    Maxay iigu durayaan?
    Mindi hoose oo dedan
    Maxay iigu dooxaan?
    Maa anaa is-dagayoo
    Kolba daw u soo fura
    Inay nagu dekeeyaan?
    Hadalkay dedeyaan
    Maxay uga danleeyiin?
    Waxa sida daruurtaa
    Ruuxa sabigii daalaco
    Een baabaco daboolayn
    Miyey daah madow iyo
    Xumbo dagagaraysaa?
    Miyuu ruux dulaysani
    Damiirkayga xadayaa?
    Qof damiirku eber yahay
    Ama dayro iga maqan
    Carabkooda dalabta le
    Degalkay ma wiiqaan?

    Maxaa helay dadkeenii?
    Isku duubnidii mee?
    Maxaa dilay hankeenii?
    Dawgii hiigsi yaa jaray?
    Yaa dabarka igu xidhay?
    Gacantayda dib u dhigay?
    Danankay baxaayaa
    Miyaan iyaga kuba duxin?
    Mise waa dareenli’i
    Waxan lala digriyayaa
    Oo iyaga ma daarana?

    Aan kuu dilaacshoon
    Dul-ka-xaadis dhaafee
    Dulucdiyo ujeeddada
    Deelkaygan maansee,
    Dalmarow ogaalkay
    Di’i waayay roobkii
    Dalka wada dhamayn jiray
    Wixii cudur dillaacana
    Daxalkiisa biin jiray,
    Indhihii dam weeyaan
    Daafbaana soo galay
    Daacuunna lagu arag
    Kala diray dadkeenii.
    Siyaasiga dullaystee,
    Dulmanaha xadaayee,
    Maatidan dayaanka ah,
    Halkii uu hir-doogliyo,
    Gole cadow ka dadaniyo,
    Daruuraha uu geynlaa,
    Marka ani lay doortaa,
    Dalka hooyo degayaa,
    Haddii kale dam weeyaan,
    Dagaaliyo dhib weeyaan,
    Dirir aan hadhayniyo,
    Dayac iyo lur weeyaan,
    Reer hebel ma doorana,
    Anaa lay dan leeyahay,
    Danihiisa ku af-jaray,
    Ku doobyaaya waan dili,
    Dam-dagiigan bay noqon,
    Muxuu daarran yahay sheeg?

    Dadkeenuunse maahee
    Afrikaba dam weeyaan
    Danaheedii laga rabay
    Mashquul daalan weeyaan,
    Dib u curasho weeyaan
    Damacoodu wuxuu yahay
    Dib inay gumaystaan
    Dal waxaynu leenahay
    Ama diir madow jiro.

    Tolow diricyadeenii
    Gabbalkood miyuu dumay
    Ma intii la duugaa
    Mise duul qarsoonbaan
    Ani iga dahsoonoo
    Daljirkii ma dhiman weli?

    Waxa aan dabuubtaa,

    Aan uga dan leeyahay

    Halgan iyo dagaal adag,
    Qalin dirirtii weeyaan,
    Afku ima daboolnee
    Iga hoo digniin culus
    Heegan duur xulkiisi

    Su’aashaa da’weynta ah,
    Ruuxaan ka doonaa
    Halabuur damiirliyo,
    Abwaankow damqanayee,
    Danta caamka ee guud,
    Deelqaaf-la’aantii,
    Dadweynaha la liidee,
    Dulman hoos u eegiyo,
    Waa hormoodka aan dagan.

     

    Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin

    Email: qalinbila01@gmail.com

    Hargeisa, Somaliland.