Hidde-raac: Hilin-sooyaalka iyo Hawraarta Hal-abuur Hargeysaawi, Qaybta 8aad

    0
    Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
    Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

    Waxa aynu qormadan 8aad ee Hidde-raac: Hilin-sooyaalka iyo Hawraarta Hal-abuur Hargeysaawi ku soo qaadanaynaa tix magaceedu yahay hilin toosan oo curatay  gu’gii 2006-da.

    Maansadan Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr, wuxuu ku tilmaamayaa habka iyo wadada saxda ah ee lagu gaadhi karo wadamada hore umaray, waxaanay guubaabada ugu badan siinaysaa dhallinyarada oo ah laf dhabarta bulshada.

    Meelaha ay maansadu diirada saarayso waxaa ka mid ah samirka iyo wanaagiisa,shaqada iyo midhaheeda,dadaalka iyo aayihiisa ,aqoonta iyo waxtarkeeda,diinta iyo ku dhaqanteeda samaha laga helo,qaadka iyo qabyaalada dhibaatooyinka laga dhaxlo,dhoofka ku hamigiisa in ay ka habboontahay dhulka oo la hawl gashado , lana aamino ciidda hooyo, waxaanu abwaanku maansada ku bilaabay

    Had kastaba cidii

    Hadlaysee alkuman

    Geeribaa hurrane

    Dhagax waa halkane

    Warka haatuf iyo

    Hudhud baa udiran

    Heego duulayoo

    Taariikh hadhaa

    Kala haadisoo

    Hayinkiyo ratiga

    Haamaha rariyo

    Layli kala hufane

    Waxay kala huftaa

    Hor-fulaha san iyo

    Ka habsaanka ahe

    Hoggaankii la rabay

    Dalka inuu hagoow

    Dhallinyahay hufani

    Idinkaa hantiyay

    Hilbo xooggan iyo

    Garaad heeganee

    Duqay hawl gabiyo

    Mid hadaaqayaba

    Hormoodkii bulshada

    Hirsan gaynayoow

    Halbawluhu qofkii

    Aanu dhiiga habin

    Halis buu darsee

    Horseedkii shacbigu

    Waddankuu hurdaa

    Ma hayaamayoo

    Haradiyo biyaha

    Hibaaqiyo nimcada

    Hodanimo adduun

    Hiigsan maayo oo

    Ma haabhaaban karo

    Hirarkii saree

    Hiimsahiimsihiyo

    Nimaan hiirta kicin

    Habeen iyo dharaar

    Heensayn nafteen

    Hodadaamo iyo

    Hurgunmaba wajihin

    Huluul iyo lur marin

    “Hoo” lama yidhaa

    Wuxuu hibanayee

    Hawadiyo dayaxa

    Heegada koreba

    Horaa loo dagoo

    Dayuuraad hugmuu

    Hal-abuur dhisee

    Haadkiyo wadada

    Hilinkay socdeen

    Haddaynaan ku dayan

    Talaa hoosaysee

    Hakrashada nacoo

    Hanaqiinu samir

    Haddii uu hadhsado

    Libta waa la heli

    Dantu way hirgali

    Himir waa la guran

    Hoggaankii la rabay

    Dalka inuu hagoow

    Dhallinyahay hufani

    Duqay hawlgabiyo

    Mid hadaaqayaba

    Hormoodkii bulshada

    Hirsan gaynayoow

    Jahligaa ah holac

    Heeryo kugu raroo

    Ku habsaynayoo

    Gankaa kaa hadhsoo

    Harraad kugu ladhee

    Aqoon waa hillaac

    Hadhac damala oo

    Hadh qabow leh oo

    Hareeteeda ruux

    Ka hirqanaya oo

    Wakhtigana huraa

    Hantay guul dhabee

    Higaaddiyo tacliin

    Hanashada cilmiga

    Ummaddaan ku hiran

    Hammigooda iyo

    Himilada qorshuhu

    Wuu hungoobayaa

    Intaydaan hog galin

    Hiyigiina abid

    Ha ka saarinee

    U hollada aqoon

    Haween iyo ragoow

    Hanuunka iyo diin

    Hadalada Ilaah

    Hawraar Rasuul

    Haye kii la yimi

    Een kala hambayn

    Lama hoojiyee

    Halisaha ifkaa

    La hareer duwaa

     Hibo iyo ladnaan

    Hooduu mutaa

    Hebednimada iyo

    Hooy buu ka galay

    Cudurada hiroo

    Halasaha faqriga

    Kol ma halacsadee

    Giniguu hayuu

    U hanwayn yahoo

    Heemaal qurxoon

    Hoobaan Farduus

    Qiyaamaha halkii

    Haqab-beelka luu

    Hanjab li”i nastaa

    Hargab iyo gabaw

    Gaajiyo harraad

    Waa laga hadhshee

    Ka horoo dar khayr

    Ha hallaabinina

    Hoggaankii la rabay

    Dalka inuu hagoow

    Dhallinyahay hufani

    Duqay hawlgabiyo

    Mid hadaaqayaba

    Hormoodkii bulshada

    Hirsan gaynayoow

    Haleelada dhashaa

    Hadhuub loo cushaa

    Wax hanaan leh baa

    Qudha lagu habaa

    Hammuun looma qabo

    Mid huq keenayee

    Kuwii hiigay qaad

    U hiloobayee

    Lacagtaw huree

    Hadyad moodayuu

    Hanqaaruu dhib iyo

    Hiirtaanyo baday

    Wuu habaaranyoo

    Samo lagama helo

    Hurdaduu jaraa

    Hadris buu unkaa

    Hawo caafimaad

    Wuu haraatiyaa

    Hanti kaa lunshaa

    Dhaqaalaha hirdiyi

    Hammi iyo qamuu

    Kuu horseedayaa

    Shakhsi habayacaa

    Ka hadh aan kasine

    Wuu hagaagsanyoo

    Hambalyaan idhee

    Hadraawiba ka giig

    Hankiisana ka jar

    Hunguraynta jaad

    Hantaaq beerayee

    Halyaygaasi raac

    Ha u heelanaan

    Haawadayga xune

    Halmaan oo illoow

    Hogoshiyo rugtuu

    Mayay hoorayaa

    Habsan ugu da”aa

    Hanti loo raraa

    Wax aan hilaw qalmayn

    Ha u haadin gacan

    Hayb-sooca iyo

    Hirashada qabiil

    Reer hebelnimaa

    Na habsaamisoo

    Haadiga Raxmaan

    “Ka hadhuu” yidhoo

    Hogga loo caddee

    Hanadkii Suldaan

    Halganbuu u maray

    Inan hiifno oo

    Waa hoseeg suniyo

    Leeb hadoodilmoo

    Hubka iyo warmaha

    Holacay shiddaa

    Lagu hoobanoo

    Horor iyo libaax

    Intuu laayay halaq

    Intay hooysaybaa

    Hubaashii ka badan

    Hayaankii la waday

    Way heeraysaa

    Heshiiyoo midnimo

    Hal ku wada noqdoo

    Qudhun huursan iyo

    Huubaha quboo

    Ka hakada ardaa

    Hirdankiisibaa

    Ku hagaasiyee

    Hoggaankii la rabay

    Dalka inuu hagoow

    Dhallinyahay hufani

    Duqay hawlgabiyo

    Mid hadaaqayaba

    Hormoodkii bulshada

    Hirsan gaynayoow

    Ruux kale hugii

    Noqon waa hagoog

    Astur lagu heloo

    Hohob laalan taad

    Hadda haysataa

    Ka haboon waxtarid

    Hanqal taagistiyo

    Inad halacsataan

    Hummaageeda Yurub

    Wax ka haybad bilan

    Haamaddiina iyo

    Maankoo hindisa

    Hawlgalkii dhulkeen

    Hadaafinayayee

    Horu marinayee

    Heer wacan ka dhigi

    Hargaysiyo arligan

    Inna wada hurrane

    Labka iyo habloow

    Halcashada gadaal

    Haakah baa xigtee

    Hambaabira maruun

    Khaddar Maxamed Faarax

    khadarmfr@gmail.com