Danaysiga Siyaasiga iyo Dhoy la’aanta Shacabka Somaliland

    0

    MohamedMarkaynu ka hadlayno siyasidinta Somaliland iyo habdhaqankoda way ku kala aragtiyo duwanyihiin hananka siyasada, bal hadaba aan in yar aan ka iftiimiyo siyasiyiinta reer Somaliland siday ula dhaqmaan bulshada iyo dadka dan yarta ah iyo siday waliba ugu guraan markay danta leeyihiin.

    Markay inagala hadlayan bahda warbaahinta iyo masraxyada ay ka qudbadaynayaaan ,waxay inogu qudbadeyaan af-macan iyo hadal aad modo inay run inoo sheegayan, dabadeed markaynu usacabo tuno ee aynu is nidhaahno kana wax idin qabanaya oo aynu la garab istaagno hiil iyo hooba, ayuu inagu noqdaa jirjiroole, dabadeedna markuu helo wuxuu ku haminayey ama dantisii gaar–ahaneed ee uu naga donayey ayuu murayadaha inaga dalacdaa . taasna waxa ku cadaynaysa intii doroshoyin laqabtay ee aynu doranay siyasiyiintaas ha-ahadan barlaman, madaxweyne iyo golaha degaanka oo ah kuwan iminka ugu danbeyey.

    somalidu waxay tidhahda mayd maxa udanbeyey kaas la sisido. Markaynu eegno siyasiyiinta iminka joga waxay noqden qaar eganaya hadba halkii dani ugu jirto oo aan egayn danta guud iyo ummaddan maxay ubahantahay , maxad ku soo kordhinkartaa sideed ubad-badinkartaa dhalinyaradan marba marka kasidanbaysa tahribaya ee dhibatadu ku soo gadhayso dhul aan dhul koodi ahayn.

    Shicibkii reer Somaliland waxay noqdeen dad lawada majara-hababiyo oo nin walba oo siyaasiya siduu doonayo dadka wax ugu sheego oo uu  u adegsado siduu doonayo waxayna dadkii reer somalilnd ka dhigeen siduu sheegayey ALLE ha unaxaristee maxamed xaashi dhamac gaariye gabay-gabayadisa ka mid ahaaa. Aan idin soqabto tuduc kamid ahaa waxana uu yidhi

    Dadna waa hangoolkii

    Maalintay cidi danledahay

    Dalmaroow latabijiray.

    Markaa miyeynaan ka ilbaxayn siyaasi eeganaya dantiisa oo kaliya? Se miyeynan kala baranayn runtooda iyo beentooda? Miyeynaan ka ilbaxayn qabqable danaysta ah oo xoolaha ummadda dhiigmiranaya?

    Hadii aad eegto maanta marxalada uu ku suganyahay dalka Somaliland dadkii wuu kala baxay waxaana kala saartay sadex wax oo mid waliba mid kadaran tahay. Waxayna kala yihiin

    1. Qabyalad

    2. Nin jeclaysi iyo anigaa talinaya.

    Markaad eegto maanta dhalinyarada Somaliland dhamantood waa bila camal ,wana kuwo wax wada bartay oo waliba ku hamiyaayey inay maanta dalkoda wax kaqabsadan kana wadabaxay Jaamacado waxa fadhiya bosaskodii dad lagu wada kenay qabyalad, nin jeclaysi  iyo ninkaas meel egega buuxi. hadaba marxalada intaas leeg waxan filaya dadka halkaas gadhsiyey ee kadhigay wax walba inuu siduu doonayo u isticmalo waa siyaasi dangara wata.

    Hadaba maxaynu ku tilamami karnaa siyasiyenteena reer Somaliland inay yihiin dad nooceye? Anigoo kolay anan isku wada darayn oo ay jiraan dad siyaasiyiin ah oo jecel dadkooda dalkooda inay wax uqabtaan doonayana inay horumar iyo badhaahde gadhsiyaan ay jiraan hadana waxa muquninaysa inta dane gara wadata ee siyasiyiin sheeganaya ee xalkoodu yahay geedoow markan midhaha kugu arko kaa gostay marka kalena iskaga ka tagay. Oon utudhayn shacabkooda . iyagoo dhib iyo hagardamo moyaane aan wax fa,iido kale aan usoo wadin iyo siday hantida umada u cunilahayeen usoo xidhanaya suudhka.

    markaa waxan odhanlahaa waar ALLIHII idin abuurtay utoobadkena oo ummaddan masakinta ah ee marka danta kadonaysan aad isku nasakhaysaan iskadaya oo ninkii doonaya inuu dalkan iyo dadkan wax u qabtoow cadalad wax ugu qabo oo uwada sinoow dadkaaga .waana inaad ka fogataa nin jeclaysiga, dantadana ka hormarisaa danta guud  waxan ku soo gabagabaynaya tuducyo kujira DABA HUWAN ee uu tiriyey abwanka canka  ah ee MAXAMED IBRAHIM WARSAME(HADRAAWI) WUXUNA YIDHI:-

     Cilmigan dib u heega-dhaca

     Cilmigan dul-ka-xaadiska ah

     Cilmigan sama-dawdarka ah

     Caqligu ka daboolan yahay

     Bukaankiyo daafka qaba

     Gumaysigu diin u yahay

     ILaah lagu diiddan yahay

      Islaam-la-dagaallanka ah

      Danaysigu weel u  yahay

      Dir-soocu u aabbe yahay

      Daandaansigu guul u yahay

     Dabkiyo wada hawsarka ah

     Dilkiyo wada dhiig-cabka ah

     Duullaankiyo boobka jecel,

     Cilmigan dal-daloolka badan

      Damiirku ka meydka yahay

     Khansiirkiyo duufka cuna

     Dillaalkiyo tuugga dhala

     Wanaaggu ka dayro yahay

     Xumaantu u dooran tahay

     Dadkiyo simay xoolihii

    Raggiyo dumarkii fur-furay

     Intuu dumarkii is-baday

     Raggii dumar qaar ka dhigay

     Af-duubkiyo qoolka taxan

     Run baa lagu daahayaa

     Dijaal korayaa qarsoon.

     

     

     

    Dalaal iyo been madow

     Ninkii Run ku doonayow

     Abuurtu dumaal miyaa?

     Ma duur iska beermay baa?

     Ma baadi dibbootey baa?

     Ma doonni hallawsan baa?

     Dawliil iyo quus miyaa?

     Ma buur lagu daalayaa?

      Ma boog damaqdaa wadnaha?

     Ma doonis calool bugtaa?

     Ma shay laga daawadaa

     Garaadka nin daymo dhow?

     Ma Daarwin siduu yidhaa?

      Daayeer nin ka soo farcamay

     Ma suu u dareemayaa?

     Miyaanay dastuur lahayn

     Kitaab iyo diin lahayn?

     Miyaan laga sii danbayn?

     Sidii Daraygii miyaa

     Midhii daraygii miyaa?

     Duudduub ku liq yaa ku yidhi?

     

    Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar (Gaabane)