Gantaal: Gabay Ku Xardhan Halgankii Qaran ee SNM Hormoodka Ka Ahayd!

    0

    Hordhac:

    Gabaygan Gantaal waxa tiriyay Abwaanka Weyn ee Maxamed Jaamac Cabdi (Gaax-nuug) isaga oo jooga Jabuuti,  taariikhdu markii ay ahayd 21/10/1984 kii, maalintaas oo ahayd sannad-guuradii 15aad ee ka soo wareegtay markii ay maamulka Soomaaliya af-ganbiga ku qabsadeen tooraddii kelidii taliyihii Maxamed Siyaad Barre uu madaxda ka ahaa, oo loo debbaaldegayay xuskeeda.

    Abwaan Gaax-nuugna waxa uu u arkayay Soomaaliyi in ay muddadaas 15-ka sanno ah gaadhay heerkii ugu xumaa waqti soo mara, dagaalo ka socda, dalkii oo laga tegayo oo ay ka baqoolayaan aqoonyahannadii, culimo-aw-diinkii, maal-qabeennadii, ilaa geel-jirihii. Gabaygu taas ayuu ka hadlayaa, oo hoggaamiyii Milatari ayuu ku leeyahay “dalkii iyo dadkiina halkaasuu marayaa, adna guri-cas laga guuray ayaad sacabka isu tumaysaa”!.

    Gabaygani waa gar-naqsi iyo dood uu Abwaanku kala horyimi kacaankii talada hayay, waxaanu Gabaygani tilmaamayaa dhibaatada ay Siyaad iyo ciidamada uu madaxda uu u yahay ay u geysteen dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed, iyaga oo dalkii ka dhigay goob go’doon ah, oo aan ku xidhnayn adduunka, maamulkii dalkuna uu ku mashquulsan yahay kala qaybinta, laynta, barakicinta iyo dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed.

    Waana kan gabaygii Gantaal.

    Sidii geesi hiil dirirayoo, guluf u heenseeyay

    Oo gaas digtoonaa col iyo, guuto qabadsiiyay

    Oo goob dagaal la isku helay, laga gol roonaaday

    Oo gacanta lagu soo dhigoo, gibil madoobaaday

    Ama curad ninkeedii go’oo, galabta loo sheegay

    Oo gocashadiisii qalbiga, meeli gubaneyso

    Oo inay nin kale guursatiyo, godob ka yaabaysa

    Xalay gelin dhexaadkii hurdada, goohi maan ledine

    Gabaygayga maqal Ina Barroow, waa gantaal culuse

    Soomaali gabbal baa u dumay, garab la’aaneede

    Godolkeedi Maandeeq la waa, gaaxsanaan jiraye

    Ragga yidhi “gujaa lagu lisaa”, waanay garanayne

    Hashii gorofka laga buuxin jirey, waa galoof75 madhane

    Geyigii barwaaqada sugnaa, labada gooroodba

    Geel kama dareeriyo lo’iyo, gaabanoow adhiye

    Dhulkan aad nabaad guuriseen, adiyo geeshkaagu

    Quruumuhu wax kama soo gataan, mana gunneeyaane

    Dalka waxa go’doonshee ka dhigay, meel gabxiyo soora

    Ee uunku uga giigayaad, garan aqoon wayday ?

    Gobanimadi waad dhaawacdiyo, guushi qarameede

    Good iyo abees baad ku tahay, gebiga Soomaale

    Dad waxad gummaadaa ka badan, geedahaa baxaye

    Ninkii goolibaadhkaa ka tegay, goor kastaba taagan

    Raadkiisa waad daba gurtaa, gu’iyo jiilaale

    Inta gudaha joogtana dil iyo, waw ganaax culuse

    Gaal-shire76 la soo wada mar iyo, gocondho naareede

    Hadba kii xilkiisii gutaad, guduri77 siisaaye

    Gungumiyo aboodaa ka fuley, gedefki reeraaye

    Dhulkan lagu gafee aadmigii, lagu gasaaraayo78

    Guurtidi ka yaacdoo ma hadhin, guud-cad taliyaaye

    Waxa loo gantoobee79 arliga, looga wada gooshay

    Uu geel-jirii uga socdaad, garan aqoon weyday ?

    Gocoryohow abtiriyaa khalqiga, goysay boqontiiye

    Reerahan goblamay uumiyaa, garangar loo laayey

    Reerahan waxay galabsadeen, aan la garanaynin

    Gurboodkii ka hadhaybaa ciqaab, guudka loo sudhaye

    Haweenkaa raggoodii go’ee, golongolee hoobtay

    Hengef iyo haweenkaa gambacad, geeri dhugatoobay

    Ee gabanadoodii xabsiga, lagu garaacaayo

    Guul-wade sawaabiyo askari, gura ma waayaane

    Haddaanaad galiilyada ku taal, uga garaabaynin

    Ha gabraarsan Gooboow miyaad, garan aqoon weyday ?

    Darkii geesi xidhaybay waqee, doqoni goysaaye

    Ummaddii gob lama caasiyee, gees ka wada jeedday

    Gaas iyo kabriid bay’sku yiin, gooshkan maanta ahe

    Gabanada walaala ah haddii, eedi kala gaadhay

    Gurmad baa lagaa eegayiyo, guuto nabadeede

    Hayeeshee gu’baa kaa dhiciyo, garasho waayeele

    Laba kuu gudboonaa haddaad, gaash80 isugu dhiibtay

    Wakaa gaanba gaan weeraree, geeska lays daraye

    Waxa gocashadiisii qabiil, loogu wada guuxay

    Ee loo gabboodsaday miyaad, garan aqoon weyday ?

    Nin direys gashani uumiyii, guri-madoobeeye

    Gaashaanki daafaca la yidhi, geyiga Soomaali

    Gubbe81 iyo dadkay goor kastaba, gibir ka qaadaane

    Girligaanka waxa loogu raray, geel ku soo dhaca’e

    Garoomahan xilkoodii gabiyo, geeshkan qalatoobay

    Ee guunyo baadiyo ku nool, ganacsi xaaraana

    Een habar gidaar yuururtiyo, gaban yar dhaafaynin

    Waa gun iyo caadkeed haddaan, gaar u fiirsadaye

    Waa waxan gumeystihi ku kicin, maalin gelinkeede

    Waxa shicibku uga giigayee, uga gobtahanyooday

    Ee looga geydhamay82 miyaad, garan aqoon weyday ?

    Bari iyo Galbeed baa dunida, loo gudboon yahaye

    Kolka geedka baanaha talada, lagu gorfeynaayo

    Ama golaha ummaddaa midow, rag isku gooraamo83

    Dal waliba dalbuu gacalsadaa, garabna siiyaaye

    Gaal iyo Islaam kama tirsana, geeskan wadareede

    Adaa gooni-daaqaa badiyo, gorofta caydheede

    Gudcurkaad gudeysaan hadduu, gebiyo kaa tuuray

    Ha galaafan beelaha miyaad, garan aqoon wayday?

    Gallad malaha aakhiro ninkii, maati gawracaye

    Gacantaadu dhagar bay qabtaa, goor iyo ayaane

    Hayeeshee marbay gabaxsanoy, teedaba u go’iye

    Geeddiga hayaanka ah haddaad, gaadhi keri weydey

    Ama aad gulaanyoow xorriyo, guul ka dhalin weyday

    Nin geyaa ha guursado miyaad, garan aqoon weyday?

    Tebinta iyo tifatirka

    Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

    saedmgahair@hotmail.com