Wasaaradda Kalluumaysiga oo Hakad Gelisay Ruqsadaha ay Siiso Maraakiibta Ajaanibka ah ee Kalluumaysiga iyo Digreetooyin Wasiirku soo saaray

    0

    Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda ayaa  ku dhawaaqday inay mudo sanad ah hakiyeen  maraakiibta ajaanibka ahayd ee ay ruqsada u siiyeen inay  ka kaluumaystaan badda Somaliland.

    Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda Mud, Cabdilahi Jaamac Cismaan (Geel-Jire) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa,ayaa sheegay in ay go’aan ka soo saareen maraakiibta ajaanibka ah ee badaheena ka kaluumaysta , Waxaanuu wasiirku sheegay in markii ay daraasad iyo daba gal badan ku sameeyeen maraakiibta  ka jilaabta baddeena ee  ruqsada la siiyay waxaanuu cadaatay ayuu yidhi wasiirku in ay ku  xad-gudbeen  nidaamkii loo  qoondeeyey, isla markaasina ay ka soo gudbeen   Jiidihii loo asteeyey inay ka jilaabtaan,iyaga oo adeegsanaya shaabaag aan ahayn kuwii loo ogolaaday,kuwaasi oo wax yeelo u gaysanaya  noolaha  kale ee badda ku jira.

    Dhinaca kale,  Wasiirka wasaarada kaluumaysiga  iyo khayraadka badda  Md. Cabdillahi Jaamac  Cismaan-geel-jire  ayaa soo saaray  wareegto  Magacaabis, isku bedel iyo Xil kaqaadis  uu ku sam eeyey qaar ka mid ah  masuuliyiinta  wasaarada, kuwaasi oo kala ah:

    1-    Xuseen Haybe Cige…………………….Waxa loo magacaabay La taliyaha wasiirka kalluumaysiga& khayraadka badda ee rimaha kaluumaysiga

    2-    Axmed Aadan Madoobe………………..Waxa loo magacaabay Agaasimaha waaxda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka badda

    3-    C/qaadir ismaaciil Jaamac……..Waxa loo magacaabay Isuduwaha Gobolka Selal ee wasaarada

    4-    Maxamed Aadan  Jaamac…………………..Waxa loo magacaabay Isuduwaha Gobolka Sanaag

    5-    C/llahi Cali Maxamed…Waxa  loo magacaabay  isuduwaha Gobolka Saaxil

    6-    Maxamed Muuse Gudaal…..Waxa loo magacaabay maamulaha Degmada Saylac ee Wasaarada kaluumaysiga

    7-    Maxamed Siciid Xirsi…………waxa loo magacaabay Maamulaha Degmada Berbera e Wasaarada kalluumaysiga

    8-    Cali Xasan Nuur…..Waxa loo magacaabay.Maamulaha degmada Maydh ee wasaarada kalluumaysiga

    9-    Siciid Warsame Cumar…Oo laga qaaday xilkii isuduwaha  Gobolka sanaag ee wasaarada kalluumaysiga.

    SomalilandPost/Hargeysa