Madaxweyne Siilaanyo oo Digreetooyin ka soo saaray Wakaaladaha Korontada Hargeysa iyo Berbera

    0

    Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer madaxweyne ku dhaqan geliyey In laga bilaabo taariikhda maanta oo ay bishu tahay 27/09/2012  laga  dhigay  Hay’addaha Korontada Berbera iyo Hargeysa Wakaalado   hoostaga Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta.

    Warsaxaafadeed arrintan ku saabsan oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Maxamed Dhuxul, ayaa u dhignaa sidan:-

    Madaxweynuhu:-

    Markuu arkay;           Qodobka 90aad fagradiisa 3aad, xarafka (kh) ee Dastuurka

                                       Jamhuuriyadda Somaliland,

    Markuu arkay;           In baahi weyn loo qabo dardargelinta,  maamulka iyo hawlaha

                                        horumarineed ee Hay’addaha Korontoda,

    Markuu tixgeliyey;    Talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan,

    Markuu Tixgeliyey;  Ahmiyadda weyn ee  Hay’addaha korontadu ugu fadhiyaan

                                        dhismaha Qaranka,

    Wuxuu soo saaray Xeerkan

    In Hay’addaha korontada ee Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa la hoosgeeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta; xisaabta iyo dakhliga wakaaladdahaasina ay ku dhacayaan qasnadda dawladda Dhexe, kharashkuna u soo noqdo si waafaqsan nidaamka xisaabaadka dawladda dhexe.

    SOMALILANDPOST.NET

    webmaster@somalilandpost.net