Gabay Baroor-diiq ah: Cadaab lama tusaan – By A.A. Garas

    0

    Gabaygan waxa loogu baroor-diiqayaa alle-haw-naxariistee, marxuum Abwaan Muuse Aaye Faarax, oo ka mid ahaa ilayskii abwaanada geeska Afrika, oo Jimcahii 17-August-2012 lagu aasay Hargeysa, waxa habeenimadaa jimcaha curiyey abwaan A.A.Garas. waxaanu ku bilaabay:

    Cabdil-qaadirow, dhimasho waa lagama cawdaane;

    Cimri-dherer-ba, gabow bow coloo looga caal heline;

    Caruuska iyo dhimashays-ku xiga waa casaadaba’e;

    Dhaaxay nimaan caan ahayn noo cambariyeen’e;

    Xiddigahan casuustiyo cirkaa ximirku caaryeystay;

    Cumdahaa galbaday buu ogyihiyo caaqilkii Aaye;

    Culayskuu lahaa buu dayaxu caad la meersadaye;

    Calaamaadkii Weli inuu lahaa waxa cadeynaaya;

    Caarada danbaysee bil soon laga cibaadaysto;

    Cishadii khamiisti iyo jimcaha lagu carowsiiyey;

    Cawo iyo ayaan buu lahaa caaqilkii Aaye;

    Cabsi lama tusaayiyo isaga meel cidhiidhiyahe;

    Innagaa cadceed weynay iyo calankii sheed-dheere;

    Ciirsi li’i dhul baa haawadoo ciyowgu ooyaa’e;

    Cawskiyo iyo dhirtaa ciirtayoo qubay caleentiiye;

    Cadaab lama tusaan waxuu ahaa ruux cajaa’ib ahe;

    Caqiibooyinkuu dhigay hadaan cidhif tusaaleeyo;

    Gumaysigii cadaa geesiyadii caymanka u gooyey;

    Ee ciidda Somaliland cawda uga laabay;

    Cartankii Siyaad lagu ridiyo celiyeydii guusha;

    Carab danablihii buu ahaa cadowga naafeeyey;

    Cirsan yeedhkii guubaabadee taliska cayn qaaday;

    Ee ciidamada dhiiriyee cududda weyn beeray;

    Caroogii libintuu ahaa Muuse caliyowe;

    Cadaab lama tusaan waxuu ahaa ruux cajiib badane;

    Colaadihii sokeeyaha markii curufku oogmaayey;

    Caqligii siyaasigu markuu caannad tari waayey;

    Ciroolahii guntayaday ee arlada nabada caynaanshey;

    Cadkuu geesi kariyuu fuluhu cuni ogaadaaye;

    Ragii tallada ceelka u galee cadday ka dhuubnaaday;

    Kacaankii Cigaal niman qarkii loo cayimay hawsha;

    Caqabadaha ragii nagu guruu noo cugnaan jiray;

    Carradaa nagaatiyo dalkaa haatan lagu ceesho;

    Cutubkii rakibay buu ahaa Muuse caliyowe;

    Cidba la sinayn Muuse Aaye curinta suugaane;

    Caalamkoo dhan baa laga ogyuu caarif ka ahaa;

    Cumdihii abwaankuu ahaa cuur la hoos tagee;

    Cilmi barashadiisuu ahaa caalim dhaqameede;

    Ciliyiinka jannadii ahayd caadil kugu soorye;

    Canabkii fardowsaad rabigu kugu casuumeeye;

    Wadankana cawilid khayr qabiyo caano nabadeed;

    Dhamaad.

    Waxa curiyey Abwaan A.A. Garas.