Hawl-wadeennada Wakaaladda Korontada oo Olole Nadaafadeed ka fuliyey Masjid Jaamaca Hargeysa

    0

    Hargeysa (SLpost)- Hawl-wadeennada Wakaaladda Korontada ee Hargaysa, ayaa maanta hawlgal nadaafadeed ka fuliyay Masjid Jaamaca Weyn ee caasimada.
    Maareeyaha Wakaalada Korontada ee caasimada Hargaysa Weli Axmed Xaawo oo warbaahinta u waramayay, ayaa sheegay in hawlgalkan ay wadayaan muddada ka hadhsan bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxaanu Maareeyuhu ballan-qaaday inay laydhadh ku xidhi doonaan goobaha Madow ee Masaajidada u dhow.
    Weli Axmed Xaawo, Maareeyaha Wakaalada Korontadu, waxa uu Mahadnaq u diray shaqaalaha Wakaalada ee sida wadaniyadda leh u fulinaya hawsha danta guud ah.

    SOMALILANDPOST.NET

    webmaster@somalilandpost.net