AFKEENII SAWKAA ABAADAY! – W/Q: Siciid Maxamed Askar

    0

    Hawraar hore oo Soomaaliyeed ayaa ahayd Nimco waliba Nusqaan leh, luuqada Af-soomaaliga marka dib loo eego waxay ahayd luuqad hodan ku ah dhinaca suugaanta iyo sarbeeb, si xikmadaysan oo ay dadkii hore isku dhaafsan jireen hadalkooda, iyadoo xilliyadaas oo qarniyo ka hor ah aanay jirin, aqoon iyo waliba farsamooyinka casriga ee waqtiyadan dambe wax walba  fududeeya, balse imika oo aqoonta iyo farsamooyinka loo yaqaan afka qalaad (Technology) ay adduun waynaha iyo dalkeenaba ku soo badanayaan, isla markaana adeegsigoodu uu yahay lagama maarmaan, ayaad moodaa inay yihiin qaar dagaal dadban kula jira Afka Soomaaliga, marka laga eegayo dhinaca adeegsiga iyo isticmaalka magacyada agabkoodu ka kooban yahay.

    Inta ugu badan bulshada aqoonta leh ee Soomaaliyeed ayaa u muuqda inay isticmaalkii adeegsiga agabka farsamooyinka casriga ugu dhawaaqaan magacyadoodii luuqada Ingiriisiga oo ay ku darsadeen kelmada ama eraygaGAREE, taasoo marka lagu  daro u ekaysiinaysa Af-soomaali, balse aan ka dhigayn.

    Waxaan qalinka u qaatay inaan u soo bandhigo inta ila dareemaysa iyo inta aan wali dhug u lahayn lumista boqolaal eray oo afkeena Hooyo ah, markii ay maskaxdayda ku soo urureen in yar oo ka mid erayadaa tirada badan ee sida taxadar la’aanta ah afkeena uga siibanaya isticmaalkooda, kuwaasoo ay meesha ka saaray erayga GAREE, kelmadan oo aan hore ugu jirin, markay keligeed taagan tahayna aan macno la fahmi karayo lahayn.

    Waxaan tusaale u soo qaatay qayb ka mid ah erayadaas oo inta badan bulshada aqoonta la bidayaa ay u adeegsadaan shaqooyinkooda iyo adeegsiga agabka casriga ah.

    1-      Save-garee

    2-      Copy-garee

    3-      Print-garee

    4-      Install-garee

    5-      Forward-garee

    6-      Drug-garee

    7-      Drive-garee

    8-      Drop-garee

    9-      Process-garee

    10-   Tick-garee

    11-   Tag-garee

    12-   Chair-garee

    13-   Estimate-garee

    14-   Like-garee

    15-   Post-garee

    16-   Comment-garee

    17-   Attach-garee

    18-   Send-garee

    19-   Delete-garee

    20-   Select-garee

    21-   Attack-garee

    22-   Booking-garee

    23-   Ring-garee

    24-   Call-garee

    25-   Missed-garee

    26-   Facilitate-garee

    27-   Provide-garee

    28-   Mention-garee

    29-   Torture-garayn

    30-   Analyse-garee

    31-   Record-garee

    32-   Remove-garee

    33-   Login-garee

    34-   Lock-garee

    35-   Push-garee

    36-   Cut-garee

    37-   Alert-garee

    38-   Update-garee

    39-   Upload-garee

    40-   Bright-garee

    41-   Crop-garee

    42-   Zoom-garee

    43-   On-garee

    44-   Off-garee

    45-   Edit-garee

    46-   Refresh-garee

    47-   Play-garee

    48-   Link-garee

    49-   Share-garee

    50-   Connect-garee

    51-   Scan-garee

    52-   Capture-garee

    53-   Develop-garee

    54-   Manage-garee

    55-   Organize-garee

    56-   Plan-garee

    57-   Coordinate-garee

    58-   Lead-garee

    59-   Monitor-garee

    60-   Use-garee

    61-   Format-garee

    62-   Stop-garee

    63-   Click-garee

    64-   Download-garee

    65-   Test-garee

    66-   Try-garee

    By: Siciid Maxamed Askar

    Email: said8090@gmail.com