Sannad guuradii 10-aad ee ka soo wareegtay geerida Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland, marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waa in loo aqoonsado maalin Qaran

    0

    Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka  reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan dhammaantiin  Allaha awoodda leh  idiinka baryay aa , inuu idinka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana , cadaaladda u hiiliya , Qabyaaladda iyo dulmigana ka fogaada.

    Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,Ilaahay naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraabiye,wuxuu ahaa shaqsi aan weli soo marin taariikhda dhammaan dadka af Somaliga ku hadlla,magaciisana sharaf ,qadarrin iyo karaamo huwan yahay.Wuxuu ahaa Siyaasi ruug caddaa ah,si weynna looga qadariyo mandaqadda Gee ska Afrika iyo dhammaan caalamkaba. Marxuum Cigaal (AHUN),wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland,ee gacantiisa ku soo sexeexay xoriyaddii aynu ka qaadanay Dawladda Ingiriiska,26 June 19 60 kii.

    1993 kii , ayaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim  Cigaal  , mar labaad Madaxweyne ka noqday Somaliland, waqtigaas oo  Dalka iyo dadkuba ay ku sugnaayeen xaalad aad u adag,jihadaad u jeedsatana ay ka soo yeedhayso dhiillo colaadeed , amnni darro , kala danbayn la’aan ,geyigana dhammantii ay ka muuqato bur burkii , xasuuqii iyo dakharadii ay Daalimintii Huwantu iyo kaba qaadkoodiiba inoo geysteen. Marxuum Cig aal (AHUN), isagoo hawshaa baaxaddaa leh u muuqato, oo aan Dawlado iyo kaalmo shisheeye toona gac anta hoos dhigan, ayuu ku guuleystay inuu shacabkii boggooda burcad isku mariyo,walaaleeyo ,hannaan dawladnimo iyo kala danbeynna u yag leelo ,seeskana u qotamiyo. Geesi naga baxoo, Guul dhashuu ahaa iga dheh.

    Inkastoo aan qalin,buug iyo website lagu qoro toona , aan lagu soo koobi karin,taariikhdiisa, waxtarkiisii iyo wax qabadkiisii , bal aan dhowr shay ka tilmaammo:

    • Sameyntii Dastuurka Somaliland
    • Sameyntii Calanka
    • Sameyntii ciidanka Qaranka
    • Hub ka dhigistii Beelaha
    • Nabadayntii Beelaha
    • Dib u dhiskii Dalka
    • Sameyntii lacagta Somaliland
    • Sameyntii Baasboorka Somaliland
    • Sameyntii hannaanka Dawladnimo
    • iyo kuwo kale oo badan

    3 May ,2002, oo ahayd maalintii marxuum Cigaal ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Pretoriya ee Dalka Koonfurt Afrika,waxay ahayd maalin madaw, murugo leh ,naxdin iyo dhiillana u soo hoyatay dham maan inta jecel jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland. Walaw ay adag tahay in qoraal lagu sifeeyo sida uu noqday ama ahaa  dareenka Somalilandersku meel ay maalintaas joogeenbba , bal waxaan isku dayi doon aa inaan idinku maansheeyo Gabay baroor diiqa ah, oo uu maalintaa tiriyey  Cali Adan Cawaale ,waxaanu yidhi :

    Sayed baad ahayd Mohamedow Mawle soo diraye
    Siraad iyo aqoon baad ahayd saaqay dunidiiye
    Somaliland baad jeclayd inay sarraysaaye
    Teer iyo sitiinkii adaa taajka noo sidaye
    Hanadkii sexeexaad ahayd saariddii karale

    *****
    Sama wadde haddii anad ahayn lama sod caasheene
    Xamar kuma sinteen dawladnimo xaasil oo sugane
    Somali baa kugu mudnayd inay sinnaataaye
    Saddexdii maqnaa baad lahayd sawtka gaadhsiiye
    Sir ma qabe waddaniyaad ahayd sajac heer qarane

    *****

    Sidaa ugu listeen uma hambayn madaxdii reer Suud’e
    Iyagaa waxaad sahamiseen suuqyada u galaye
    Sunuut bay ku iibsheen waaxaad sahadinaeysaeene
    Kala saare labadii shalay laysu soo daraye
    waatay salaad hore galeen suuqyadii herere
    Saf ballaadhan waatay rasaas shicib ku seexsheene
    Taangiga siqaa wuxu dul maray sabi carruureede
    Silicii dadkaagaa la baday saani loo aragye

    *****
    Sankaa ii mudnaa inan dagaal kaga sifeeyaaye
    Waatii sutida loo qabteen sugay xalaashiiye
    Sandulley ahayd inan ka koro Xamar dul saarkeede
    Inkastooy saraakiil halgemay sahayatoon waayey
    Soo noqotay Maandeeq markale geesiyaa sugaye
    Halkii aan sinnaan iyo wadaag samo ka dhawraayey
    Ayadoon saldhigin bay haddana sudhatay reer reere

    *****
    Solladaa markay naga gashee laysu socon waayey
    Waatay simaamkii mar kale kuu sidkeen adiye
    Waxad saawa saawiyo farsamo dhaban salaaxdaaba
    Waataad sargooyada habboon saaaftay nabarkiiye
    kuma seegin tii loo ballamay sigib tirkeediiye

    *****
    Salka wadigaa maamul qaran seeska noo dhigaye
    Nabad bay ku seexdaan dhammaan saaka shicibkiiye
    Saxan saxo udgoon baad mar kale siisay Reer Lande
    Sama wade cuddoon baa halkaa sax uga maarayne

    *****
    Sooyaalka taariikhdu wuu sugay halkaagiiye
    Somali baad guud ahaan ugu sarreysaaye
    Suugaanta kuma koobi karo sumadahaagiiye

    *****
    Sool iyo Hargeysiyo Togdheer Booramiyo Saylac
    Sanaag iyo Addis iyo Jijiga baddhabiyo saaxil
    waxa saaka laga ooyayaa tan iyo Sayloone

    *****
    Nina saacaddii kama fakado seeftu guud timide
    Sama wade Halyeyow jannadda saani ugu dheelmo
    waxan kugu sagootiyey duciyo safar nabaaddiino
    Safka nabiga Ebbuhu ku mari surinka loo raaco

    *****
    Qabrigana siraad nuurayiyo waasac kugu seexi
    Seeraha Fardowsana Alluhu daar ha kaa siiyo
    Malaa’iigtu soortii Jannada sooryo kugu boobe
    Salaama Alla dee Mohamedow samirku waa doore

    *****

    Geeridu waa xaq,waana hubaal in naf walbba ay maalinteeda dha dhamin doonto mawdka,waxaase xaqiiqo ah, biyo kama dhibcaan ah, in shaqsigii Dalkiisa iyo dadkiisa waxtar,wanaag iyo dhaxal loo aayo uga tagaa , in taariikhda ma guurtada ah lagu xardhi doono, magaciisuna aanu dhimanayn weligii  , lana xasuusan doono , loona duceyn doono mar walbba.

    Waxaan soo jeedinayaa , in marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal , Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland,lagu maamuuso, lagu qadariyo , laguna sharfo , dhaxalkii iyo wanaaggaa faraha badan ee uu inooga tagay ,  ahna ta  maanta Somaliland heerkaa ku soo gaadhay , kuna naaloonayso . Maanta oo bishu tahay  3 May ,  ahna sannad guuradii 10-aad, ee maalintii uu geeriyooday marxuum Cigaal, waa in loo aqoonsado maalin Qaran , oo shaqada laga nasto , loona duceeyo.

    Waxaan ku soo af meerayaa qoraalkaygan kooban, Allahayaw adaa awood lehe ,waxaan kaa baryayaa in aad marxuumka danbi dhaaf u fidiso , qabriga u nuurto , u waasiciso , neecaw udgooniyo , ku siiso naruuro , janno Fardawsana ku abaal mariso, Aamiin , Aamiin, Aamiin.

    Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
    May 3rd , 2012