Maamul-Hoosaad Mise Madaxbanaani? – W/Q: Abdihakim Kheire

    0

    (By) Abdihakim Yusuf Kheire – President, Institute of Democracy & Governance, abdihakim_365@hotmail.com

    Prof. Abdihakim Yusuf Kheire

    [N]idaamka Siyaasada dal waliba waa mawjad baahsan oo ku salaysan danaha, damaca & damiirka madaxda dalka. Jihada siyaasada waxaa dejiya danta joogtada ah ee dalka. Dadweynaha waxaa mashquuliya nolol maalmeedkooda. Siyaasadana waxaa dheela haldoor kooban oo haga danaha dalka ee joogtada ah. Hadii rabitaanka dadka & damaca siyaasiyiintu is waafaqaan dalkaasi badhaadhe & bash-bash buu ku waaraa. Hadiise rabitaanka dadku lid ku noqdo damaca siyaasiyiinta dalkaasi wuu rogmadaa waxaana soo laba jeer noqota dumista qaranimda.

    Maanta xaalada muqtaqbal ee dalkeenu waa bilaa jaho. Xaaladani waa xaalad biirtay oo ka curatay hab dhaqan siyaasadeed dhidibada loo aasay bilowgii sagaashamaadkii. Xaaladani waxaa lagu qeexi karaa geedi socod qorshaysan oo dhidibada loogu aasay qaran qabyo ah. Bal ila hubi sifooyinka lagu garto qaran qabyo ah:

      Maamul-Hoosaad Madaxbanaani
    1 Ciidamo bilaa derajo ah Ciidamo derajo leh
    2 Ganacsi bilaa xad ah Ganacsi kala xadaysan
    3 Garsoor daciif ah oo musuq-maasuq burburiyey Garsoor madaxbanaan oo xor ah
    4 Adeega dawladnimo oo Caasimada oo keliya ku eeg Maamul daadejin buuxda
    5 Doorashooyinka oo wakhtigooda aan qabsoomin bilaa diiwaangelina lagu galo Doorashooyinka oo si joogta ah loo qabto diiwaangelina lagu galo
    6 Dugsiyada oo menhajyo kala gedisan lagu dhigto Dugsiyada oo menhaj midaysan oo Qaran lagu dhigto
    7 Beealaha oo hubaysan oo awood leh Awooda Beelaha oo shiiqda
    8 Dawladaha deriska oo danahooda lidka ku ah Qaranimda dalka si fudud uga fushan kara sida Djibouti Dawladdaha deriska oo ay ku adag tahay inay faro-geliyaan siyaasada dalka
    9 Nidaamka cashuuraha oo qarsoon Nidaamka cashuuraha oo cayiman
    10 Shacab wada siyaasi ah Siyaasada oo haldoor koobani dheesho
    11 Sirta dawladnimo oo suuqa mushaaxda Sirta dawlada oo ay adagtahay sida loo helaa
    12 Dhalinyarada oo bilaa muqtaqbal awgood u tahriibta Dhalinyarada oo lagu carbiyo shaqada qaranka
    13 Distoorka dalka oo laga daliishado qodobada keliya khuseeya Distoorka  oo wada hirgala sida Koonfur Afrika
    14 Ajenibga oo si fudud dalka uga shaqo gala Ajenibaga bilaa sharciga ah oo la mustaafuriyo
    15 Maalgashiga shisheeyaha oo adag Shisheeyaha oo si fudud dalka u maal -gashan kara
    16 Taariikhda halgankii oo aan la xusin Taariikhda halganka oo heer sare loo xuso
    17 Awooda gobollada oo aan isku dheeli-tirnayn Awooda gobollada oo siman
    18 Saxaafada oo si axmaqnimo ah dalka u arbushta Saxaafada oo si xil-kasnimo ah dalka u hagta
    19 Tayada Cuntada & Dawada oo halis ku ah dadka Cuntada & Dawada oo tayo leh
    20 Goleyaasha Sharci dejinta oo ansaxiya xeerar lid ku ah Qaranimda Goleyaasha oo dejiya xeerar dalka dhisaya
    21 Xasuuqii shacabka oo la ilaabo Xasuuqii shacabka oo la xuso danbiilayaashiina maxkamada la taago sida Rwanda

    Qaranka qabyada ahi waa nidaam gaaf-wareega oo loogu talo galay in dadka wax loogu qabto looguna quus gooyo. Waa nidaam dadku moodayaan in wax loo dhisay oo haykal u taagan yahay. Laakiin caalamka u muujinaya in dalku fawdo ku sugan yahay nidaamkuna ku qotomo beelo heshiiyey oo hubaysan oo haykal dawladeed oo yacyacood ah ku hoos gabanayaan.

    Waa nidaam carbiya xasarada, xasilooni darada iyo xaasidnimada. Waa nidaam shaqaynaayey kow iyo labaatan sanno oo la curtay dib-ula-soo noqoshadii madaxbanaanideena. Mudan A/Raxman Axmed Ali (AHN) wuxuu shirkii Burco kaga dhawaaqay inaanu aamin sanayn gooni isu-taaga Somaliland! Yeelko baynu nidhi ee caynaanka hay. Somaliland Passport & Lacag buu dalbay. Cigaal baa labadii dhaqaajiyey oo ciidankiina ku daray laakiin bilaa derejo ka dhigay. Daahir baa doorashooyin qabtay laakiin diiwaangelintii ugu muhiimsanayd laalay. Ahmed baa yimi oo wada hadalo la bilaabaly Xamar laakiin Xeerkii dabraayey dadka laalay.

                Akhriste waa siyaasad sida giraanta u wareegta. Waa siyaasada bulshadeena wada saamaysay. Waa siyaasad ujeedadeedu ahayd in lala sugo Somalia. Halka maanta taariikhdu marayso. Jayniisku waxay ku ducaystaan cimrigaagu ha ku gaadhsiiyo wakhti xasaasi ah oo xiiso badan. Aamin.