Gabay: DABEEB

    0

    Gabay daawadii male hadaan, lagu dawoobayn

    Haddaan lagu daboolayn, goobaha dilaac jiro

    Anna daayay waayadan, arartiisa deeqoow

    Doog aan  la toosiyo, waxa beeray darartiisa

    Shirka doorkan loo kacaan, dulucdiisa sheegiye

    Duulaan shiisheeyuhu wadaan arkaa, daacadiisa mooyi

    Ma aqaan dantoodiyo waxay, duleeddada la meeraan

    Doqonbay se I moodayaan, soo dagnaan jiraye

    Duqayduba shirkay baaqdaa loo dooyaysan jiraye

    Waa inaan daraadood muujiyaa, doorkayga

    Sidii aan dan moodiyo runtaan, diirka ka caddayne

    Qasab laygu dudduuciyo ma gayo, darraw la ii qoolo

    Duntu ruuxu leeyahay abid ma duugowdo

    Taag yaraha dadeen kama didiyo qofaan I gaadhayne

    Dahaadhna layma gelin karo mana dalaaboodo

    Golahaan dooddayda ka marin iyo hadal dugoobayn

    Shalay iyo doraad waxaan diidayaa jiraye

    Daahiyo sitaacaan u xidhay, daawadaan odhane

    Danta loo midoobaan ku odhan ,dayac way ka dheer tahaye

    Dhiiggii la daadshaan ku odhan, kama maydhmin duunkayga

    Dekanada ninkii iga galaa danqasho  igu reebye

    Walaalnimada doorbideen, darmo nabad ku soo sooray

    Waatay ku daadsheen dhiigga,  umulna dooxeene

    Maantana daraadiin dabin ku gali maayo.

    Dhismahaan duugoobayn qarankaan nabada ugu daahay

    Kolna daadin maayo doobigaan hagar la’aan culaye

    Nafta iyo ruuxdaan dul dhigi dheeha dararteeda

    Mugdigii ku duugoobaan rabaa maanta inaad duwataane

    Dulmi ruuxna kama gelin iyo xumo dahsoone

    Asay ruux dumara loo gaashaa mudo looga dejiyaaye

    Dheehana dabarkii lagu xidhay duugoow oo ka idlaaye

    Darib iyo hadalkaygu ka cad waqal daruureede

    Doorkana ma gayo dib u laabo oo noqo’e

    Si kaloo ka door roon ku dara taladaad gorfaysaan

    Arartiyo damaqaa ila fuulay doog dheer.

     

    Afartaa daleeyaye sidi Diig ma eedaamay

    Duufaan gufaacada wadiyo sida mayay daroorkiisa

    Gantaalaha dakaankiyo ma riday danabadii guusha

    Dabeeb toosan iyo hadal diiran ma wadaajay

    Ducaduna ma baalmarin aan dakhal ku muuneeyo

    Duqaydiyo abwaankiyo, aamin dhe shacabkoow

    Deeqloow raxmaan ha ii daggin cadowga guudkiiba

    Saakaba durbaan kaan u tumay damaashaadka farxayga

    Allow ficil dugsooniyo ka hoy diriro guuleed

    Allow dawri maaye raxmada noo daadi

    Waxa maanku diidyo ka hay darxumo baahda

    Degelkana dhamaantii u fidi gacan daryeeleed

    Nafahooda kuwe deebshayna  daaltir nooga yeel.

     

    Nimcadoo dulundulcaysiyo samaan ku darmaansaday

    Damaashaadka farax ilaa deriska ii gaadha

    Deeqlow raxmaan degel ii gaadhna

    Daafaha ku joogaba  daacuun ka dheere.

     

    Afartaasna waa duco iyo afmeer dooda ereygayga.

     

    Waxa tirisay Yasmin Maxamed Kaahin.

    Email: qalinbila01@gmail.com

    Hargeisa, Somaliland.