SUNAAMI: Gabay laga sameeyey Xadhiggii Suxufiyiinta

    0

    Suunaami (Gabay)

    Abwaan Xiis

    Gabaygan waxa tiriyay Xiis Maxamed Cilmi isagoo is barbar dhigaya wakhtiyadii ismari waaga siyaasadeed ka jiray dalka siday dhalinyarada, haweenka, & saxaafadu ula halgameen xukumada hadda jirta oo wakhigaa muncaarad ahayd iyo hagardaamada abaalka looga dhigay wakhtigan, haddaba isagoo xusaya in hiilka kaliya ee muncaaradku lahaa ay saxaafadu kow ka ahayd wuxu yidhi sidan:-

    Seben adag dadkoo wada surmiyay samada oo qiiqday

    Suunaami iyo waayo kulul maalmo kala suura

    Siyaasiga muncaarida dharaar seefta lala eegtay

    Siiraanyo oo laga qabsaday sabada miidaanka

    Kulmiyoo sinbiidhiyo colaad sabada loo diiday

    Sawd iyo markii laga xarimay sacab dhamaantiiba

    Safka hore warfidi-yeenadaa geeyay samadaase

    Suxufiga intii madax banana oon la kala soocin

    Haddii aanay sidin maalmahaa sed uma aayeene

    Ololaha sawaxankii bulshadu soohdimaha jiidhay

    Sawir qaadayaal iyo websayd xarafna seegaynin

    Saamiga intii hadal ka baxo saydhadh kal jaada

    Signalada intii shaashadlee daawashada saarta

    Inta samic leh iyo raadiyaha weedha socodsiiya

    Saxanada isbayskiyo intii wararka suuq gaysa

    Sumcad laha horyaal kaybaalkaan cidi saluugaynin

    Sebi iyo barbaar iyo haween soodhka wada qaatay

    Intii garabka siisiyo abwaan tiriya suugaanta

    Inta gabay samaysiyo fanaan heesta socod siiya

    Ayaa sababay xaajigu inuu samir ku fowsaaye

    Haddii aanay saaacidin halkaa kuma sugnaadeene

    Sokadii ILAAHAY ra,iis kumaba seexdeene

    Goortii salaanad kursiga taashka lagu saaray

    Waxba yaanu sooryayninuu samo u qoondayne

    Ma geyaan saqdii dhexe xornimo inay ka suulaane

    Sakalaha qarsoon uma qalmaan lagu sadqeeyaaye

    Biladaha sarsare way muteen cidina may siine

    Sooyaalka taariikhiga ah kamaba saarteene

    Taalooyin sumad fiicanbaad sees u dhigi layde

    Saymaha inaad wada xidh xidhi cidi ma suurayne

    Mar hadayse saaxiibtinimo maanta socon wayday

    Ama aan samaan iyo abaal loo sed celinaynin

    Waxba yaan sided hadhay mid kale saarku noo qabane

    Sandulaha ka dhawr yaan bulshadu siidhi kuu tumine

    DHAMAAD

    XIIS MAXAMED CILMI SHANFOOL,

     BERBERA SOMALILAND

    ADDRESS:- XIIS475@HOTMAIL.COM