Saamaynta Ururada Cusubi ay ku Yeelanayaan Nabadgalyadda Dalka Qalinkii:Yusuf Keyse A/laahi

    0

    Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah ee isku Hawla raaligalinta Shacbigooda

    Hadii aan fikirkayga ku cabiro maqaalkan aan kaga hadlayo { Saamaynta ururada cusubi ayku Yeelanayaan nabadgalyada dalka}

    Waxaynu ognahay in aynu cadaw badan leenahay inaga oo ku dhex Nool mandaqad xaaladeeda Nabadgalyo ay aad u xaasaasi tahay

    Hadaba maanta inaga oo aan wali galin ololihii tartanka ururada ayaa

    Waxaa cadawgeenu uu isku dayey in wax yeeleeyo nabadgalyada wadanka sida dhacdadii Maalintii dhawayd laysku dayey in qarax laga sameeyo magaalada hargeysa ee fashilantay

    Taas oo markii shacbiga warbaahinta looga sheegayey ay cadeeyeen saraakiisha ciidanku in aan Cid loo hayn, cidii falka gaysanaysayna ay baxsatay halkaas oo aad ka qiimaynkarto in cadawgu Dalka ku nool yahay,isla markaana awoodeena ciidanka amnigu ay saamixi waydey in

    Gacanta lagu soo dhigo cidii falkaa fulinaysay

    Hadaba  waxaa is waydiin leh marka lagaadho xaalada tartanka ururada

    Siyaasada xukuumadu ma u haysaa ama ma u qorshaysey siyaasad cad oo lagaga Gaashaamankaro wax yeelada cadawgu inala jecelyahay mise

    Sida falkaa hore aan cid loogu haynin ayaa ka sal ah

    Gabagabadii

    Waxaanu shacbiga u soo jeedinayaa in ay feejignaadaan,ilaashadaan isla markaana aanay isku Halayn xukuumada ama laamaha amniga

    farxadi@hotmail.com