Axmed Siilaanyo oo Maareeyihii hore ee Xukuumaddii UDUB dib ugu magacaabay Dekedda Berbera, guddoomiye ku-xigeen-na u magacaabay gobolka Maroodi-jeex

    0

    Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliand Md. Axmed Siilaanyo ayaa maanta laba degreeto oo kala duwan ku xilal ugu magacaabay Maareeyaha Dekedda Berbera iyo ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, sida lagu sheegay labada warsaxaafadeed oo ka soo baxay aqalgalka looga arrimiyo Somaliland.

    Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu xilkii maareeyaha dekedda Berbera ka qaaday Axmed Yuusuf Dirir oo uu xilka u magacaabay markii uu talada dalka ku guulaystay xisbiga Kulmiye, waxaanu jagadan dib ugu magacaabay maareeyihii hore ee dekedda Eng. Cali Xoor-xoor oo xilkaas hayay intii ay jirtay xukuumaddii hore ee Xisbiga UDUB.

    War-saxafadeedka ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada ee magacaabista iyo xil-ka-qaadista Maareeyaha Dekedda Berbera ayaa u dhignaa sidan:

    “Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-828/122011 Xilkii kaga Qaaday maareeyihii Hore ee Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir.

    Waxaanu uga mahadnaqay mudadii uu xilka soo hayey, Hawlihii uu qaranka u qabtay sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo Sunaha Dawladnimo raacaya.

    Markuu Arkay:    Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda Dekeddu u leedahay Dhismaha Qaranka;

    Markuu Arkay:        In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Dekedda Berbera;

    Markuu Ka Fiirsaday:    Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo

    Markuu Ku Qancay:  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday

    In Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xooor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

    Dhinaca kale, waxa uu madaxweyne Siilaanyo magacaabay ku-xigeenka Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ka dib markii gudoomiyihi hore muddo laba bilood ah ka hor loo magacaabay xoghayaha golaha deegaanka Hargeysa.

    War-saxafadeedka ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada ee magacaabista beddelka ku-xigeenka guddoomiyaha ayaa u dhignaa sidan:

    “Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-826/122011 ku Magacaabay Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodijeex

    Madaxweynuhu :-

    Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay:   Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Tixgeliyay:  Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

    Markuu Aqoonsaday:     In baahi loo qabo buuxinta jagada Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodijeex oo Banaanayd markii uu xilkii iska Casilay Gudoomiye Ku-xigeenka Hore ee Gobolka Maroodijeex, Mawliid Weris Cabdilaahi.

    Markuu La Tashaday:     Madaxda ay hawshani khusayso;

    Markuu ku Qancay:    In uu buuxin karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

    Wuxuu go’aansaday

    In Mudane, Rashiid Axmed Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee JSL.”

    Somalilandpost.net

    webmaster@somalilandpost.net