Munaasibad lagu maamusay Inantii Kaalinta Koowaad u gashay Dugsiyada Sare iyo Abaal-marin dhiirigelin ah oo loo ballan-qaaday

    0

    Hargeysa, 18, September 2011 (Ogaal)-Waalidka dhalay gabadha kaalinta koowaad u gashay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyasa sare ee dalka ayaa habeen hore xaflad ku kulmiyey maamulayaasha dugsiyadii ay inantiisu wax ka baratay, salaadiin, Wasiirro, Culimo iyo marti-sharaf kale.
    Xafladdan oo marti-qaadkeeda uu lahaa Jaamac Cabdilaahi Bulxan isla markaana uu ugu talo-galay inantiisa iyo maamulayaasha dugsiyadii ay wax ku soo bartay,  ayaa lagu qabtay Hotel Shiraaqle ee magaalada Hargeysa.
    Ugu horreyn waa xafladda ka hadlay wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda Md. Cabdilaahi Cismaan Geel-jire  waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in sannadkan ay kaalinta koowaad ee dugsiga iyo jaamacadaha dalka qaarkood ay hablo galaan. Wasiirku waxa uu ardayda ku booriyey inay dedaallo dheeraad ah sameeyaan si ay heerka inantan gaadhay u hantaan ama ka kor maraan. Sidoo kale, waxa uu waalidiinta kula taliyey inaanay noqon qaar ubadkooda wuxuun u sheega ee ay fekerkooda dhegaystaan.
    Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn u duceeyay inanta dedaalkeedu heerka wanaagsan gaadhsiiyey, waxaanu abaalmarin iyo dhiirigelin ahaan ugu deeqay Takham Dahab ah, “Si ay u tidhaahdo maalintii aan qalin-jabiyey ee kaalinta koowaad galay hadyaddii la isiiyey waatan, anigaa u bilaabaya oo waxaan u iibinayaa Takham dahab ah.”
    Waxa kale oo xafladdaas ka hadlay saddexda maamule ee dugsiya SOS, Ileys iyo Cumar bin Khaddaab, kuwaas oo ka warramay doorka waxbarashada ee gabdhaha dugsiyada ay maamulaan isla markaana xusay heerkii waxbarasho ee Nasri ka soo martay dugsiyadaas, waxaanay carrabka ku dhufteen kaalintii ay ka gashay imtixaannadii iyo tartannadii dugsiyadooda.
    Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay waalidiin, culimo, madax-dhaqameed iyo dhalinyaro kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey dedaalka ay Inantaasi la timi ee gayaysiiyey inay hanato kaalinta koowaad ee dusiyada sare ee dalka.

    Daawo Sawirrada Munaasibadda

    DSC08854

    DSC08856

    DSC08853

    DSC08860

    DSC08864

    DSC08866

    DSC08868

    DSC08869

    DSC08872

    DSC08881

    DSC08882

    DSC08883

    Suldaanka Abaalmarinta u ballan-qaaday Inanta

    DSC08885

    DSC08886

    DSC08892

    Nasra iyo Aabaheed

    SP News Desk

    Contact@somalilandpost.net