RAFIIQ MA LAHA SIYAASADDU MARKUU REER KA TALINAAYO.

    0

    Qodaal joogiyo qurba jooguba

    Laba weeyi qiraala

     Inay qayb ka yihiin

    Qarankan maanta aan joogno

    Qormo ay ku kulmeena

    Salaan qiimo lahoo

    Qosolna ay ku dareen

    Qaxwihiina la raacshay  

    Waxay soo qadimeen

    Kaftan qaayo lahoo

    Taladii qarankeeniyo

    Quruskooda ku saabsan

    Qodaal joog. Waxaa  jiray waa wadaad aad baryada banii aadamka aad u necbaa oo aan dadka waxba waydiisan jirin wadaadkii oo culimo badan la socda ayaa culimadii uu la socday siyaaro loo qaybiyay markaasaa isagana laga reebay wadaadkii baryada necbaa ayaa laabta la soo kacay oo qofkii siyaarada bixinayay ku yidhi waar ha i xadfin oo ha iga reebin .

    Qurba joog. Waayadan xikmad ayaa lagaa soo  daayee kumaan fahmin waxaad uga socotana ii faahfaahi.

    Qodaal joog. Madax wayne siilaanyo mudada sanadka ah ee xukuumadiisu jirtay waxa uu magacaabay gudiyo badan oo heer qaran ah waxaanan si wayn u saluugsanahay habka xulashada ee uu u soo xusho gudiyada heerka qaran ee uu magacaabo waxaanan leeyahay reer gabiley waxa ay ka dhigan yihiin wadaadkaa baryada necbaa ee hadana diiday in culimadii uu la socday laga reebo wixii la siinayay.

    Qurba joog. War waafiya kama haysto gudiyadaasi iyo xubnahaasi uu soo xulay madaxwaynuhu deegaanada ay ka soo jeedaan iyo xisbiyada ay kala taageersanaayeen kolayse adiga war wuu kugu dhanyahee bal ii faah,faaahi .

    Qodaal joog. Soomaalidu waxay ku maah,maahdaa mayd waxaa u dambeeyay kaa la sii sido gudiyadii uu madaxwaynuhu magacaabay  waxaa ugu dambeeyay gudidii tacliinta sare iyo gudi,dii diwaangalinta ururada siyaasada kuwaasi oo aan midna lagaga soo darin.

    Qurba joog. Rag xurmaa deeqda waxaan u malaynayaa in reer gabiley uu habaar kaga dhacay madaxwaynihii hore ee rayaale ee aadka ugu roonaa iyaguna ay ilduufeen yaase inooga wakiila xukuumada madaxwayne siilaanyo.eecabashadeeda loo sheegtaa.

    Qodaal joog. Xukuumada madax,wayne siilaanyo waxaa inooga wakiila wadaadka golaha wakiilada ka mid ah oo hadaanu qaadi jirnay waayo heestii xildhibaan jaamac riyo ee ahaayd (dilaal noo dhuuntayow na dhaaf) amaanta waxaanu qaadnaa (wadaad noo dhuuntayow na dhaaf) sida ka muuqata gabaygan.

    Murtidaan rakibay iyo Maansadaan  raarta ula fuulay.

    Taladaan ridaynaayo ee rabigu maanka garnsiisay.

    Raad raaca xogtaan soo sugiyo raadcadaan galayba

    Aniguna ruqsadii abwaanimo ku helay sidii raage oo kale

    Rabshadii ceel bardaaliyo maamulkii reero nabadeeyay

    Ragii colaadaa damiyay hadii danayste laga raacay

    Rafashada wadaadkii golgahu wuxuu godobo ruuq,

    Ruuqday  bulshadiiCodkoodii uu rabayna hadaanay ruufka kaga laalin

    Rajadiyo hankiisii haday riyo ahaan waydo

    Ra,yul caamku siduu sheegayiyo baahiduu rayidku ii sheegtay

    Ribashaa ku timid is badalkay filanayeen rukunadiisiiye

    Gudiyadan raacba raac ku xigee odaygu raadka ku gadaayo

    Inkastoo bulshada wada raaligalin oo reenku xoogaystay

    Rafiiq ma laha siyaasadu markuu  reer ka talinaayo

    Qalinkii sacad maxamuud (gadhle)  tell 4669910

    Emai l.qodaaljoog1@gmail.com