Somaliland: Dad ka bakhtiyaya khayraadkii uu Illaahay ku manaystay

    0

    Dal kasta oo adduunyadda korkiisa ahi waxa uu haybad iyo sharaf ku leeyahay isticmaalka khayraadka uu Illaahay ku manaystay. Tusaale ahaan dalalka Thailand iyo India waxay adduunyada u iibgeeyaan Bariska, Brazilna Sonkorta ay caanka ku tahay, Itoobiya iyo Kiinyana Bunka, South Afrikana Mancdanta, Soomaaliyana Muuska, Talyaaniguna Baastadda uu ku caano maalay, halka dalka Faransiiskuna uu adduunyada kaga ganacsado Caddarka iyo Tufaaxa oo uu dhirteeda hodan ku yahay.

    Nasiib wanaag, Somaliland waxay hodan ku tahay khayraad badan sida: Xoolaha nool, Beeraha [Galayda, Hadhuudhka iwm], Kalluunka noocyadiisa kala gedisan, Xijiga [Beeyo, Moxorka iyo Malmalka], Macdanta iyo Saliida Qaydhiin.

    Iyada oo ay sidaas tahay dadka ku dhaqan Somaliland oo aan ilo dhaqaale oo kale lahayn kuma kalsoona hantidooda dhabta ah ee Illaahay siiyay, waxa aanay inta badan quutaan raashinka ay wadamada kale soo saaraan iyaga oo haysta raashinkii dalkooda ka baxayay.

     

    “Anniga ma waxa aad I moodaysaa reer galbeed, maxaan ku falayaa galayda, ma waxa aad doonaysaa in ay Ilkuhu igu dhaadheeraadaan.” Sidaas waxa yidhi muwaadinad reer Somaliland ah oo aan waydiiyay cunitaanka Galayda.

     

    “Waxa aan hayaa Beer, Kalyo, Suqaar iyo Biinis.”

    “Oo miyaanad hayn Kalluun?”

    “Haddii aad u baahan tahay waa laguu samayn.” Hadaladaas ayaanu is waydaarsannay mudalab ka shaqaynayay Hoteelka Marti-Soor oo ku yaala magaaladda Berbera. Halkaas waxa aad ka daraameysaa in aanay ahmiyad  siinayn Kalluunka.

    Iyada oo ay sidaas tahay haddana waxa jira dad yar oo dadaalaya iskuna dayaya inay gacmahooda kula soo baxaan khayraadka dalkooda. Waxa aanay la kulmaan dhibaatooyin marka ay iibkeenaan, sida iyaga oo qiime jaban laga siisto iyo mararka qaarkood oo aan laga iibsanba. Iib la’aantaasa waxa keenay raashinkii dalka gudihiisa yaalay oo dalka dibadiisa laga keenayo.

    Waxa kale oo jira ganacsato ajaanib ah oo dhibaato weyn ku haya khayraadka badda iyo berriga. “Waxa jira Maraakiib waaweyn oo xaalufinaya khayraadka badda, sida kalluunkii yar yaraa oo ay qabqabanayaan iyo Shacaabigii (dhagaxa uu kallunku ku tarmo) oo ay garaacaan iyo iyaga oo annaga [Kalluumaysatada] hadidaad nagu haya.” Sidaas waxa yidhi Ismaaciil Daahir oo degan tuulo-xeebeedka Xarshaw oo iga waramayay dhibaatadda ay kala kulmaan Kalluumaystadda Ajaanibka ah, mar aan safar ku tagnay horaantii 2007.

     

    Dhallinyartii waxbaratay, Waayeelkii iyo Aqoonyahankii dalku waxay ku hamiyayaan in ay dalka ka hayaamaan, Ganacsatadiina waxay xoogga saaraysaa waxyaabaha dibadda laga soo dhoofiyo, xukuumadii iyo axsaabtiina waxay ka bixi laayihiin yooyootan siyaasadeed, halka saxaafadii ama warbaahintiina ay baahinayso ama daabacayso barnaamijyo siyaasadeed, halkii ay ka dhiirin galin lahaayeen waxsoosaarka.

     

    Ugu dambayntii laguma soo koobi karo muhiimadda Waxsoosaarka iyo caqabadaha hortaagan qoraal yar. Sidaas daraadeed, waxa aan dadweynaha dalka ay dani ka hayso waydiinayaa:

    SIDEE LOOGA BIXI KARAA DHIBAATADAN?

     

    Mustafe Adam Musse: Suxufi Madax bannaan.

    Kibaaro@gmail.com