Ciidamo Ethiopian Ah Oo Xoog Ku Galay Buuhoodle

    0

    Ciidamo Ethiopian ah oo ku hubayasan gadiidka dagaalka ayaa xoog ku soo galay Maanta Magaaladda Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

    Ciidanka Ethiopianka ah oo ka yimi dhanka Wardheer ayaa soo galidooda Buuhoodle ka danbeysay kadib markii maalinti shalay ciidanka booliska Buuhoodle qabteen gaadiid siday qalabka gaadiidka ee Iskaraabka loo yaqaan kuwaso la sheegay inay ka yimadeen dhanka Magaaladda Burco kuna sii jeeden dhanka Magaaladda Muqdisho gaadiidka oo ay wateen dhalinyaro ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

    Qalabkii iyo Gadiidkii ay wateen kooxdan Dhalinyarada ah oo sheegay iyagu inay yihiin ganacsato ka shaqeeyay qalabka gadiidka ayaa waxa xabasiga Buuhoodle u taxaabay Ciidanka Booliska ee Deegnaka waxan halkaas lagu hayay ilaa maanta markii ay halkaas yimaadeen Ciidamo Ethiopian ah saaka waabarigii kuwaso dalbaday in lagu soo wareejiyo nimankan iyo gadiidkoodaba , arintaas oo ay ka biyo diiden Odayaasha deeganku waxa ay odayaashu sheegen in iyagu ay wixi xukun ah ku fulinayaan kooxdan haday danbi galeen balse aanay u dhiibaynin Ethiopianka arintan ayaa waxay sababtay in ciidan dheerada ah oo Ethiopian ah soo gadhaan Maagaaladda kuwaaso ka yimi Wardheer ciidankaas oo xoog kula wareegen Saldhiga Magaalada oo ay ku jiraan gaadiidkii iyo Nimankii watayba

    Sido kale wararka laga helaayo dhanka Puntland ayaa sheegay in Cadde Muuse iyo Ku xigeenkiisu Xasan Daahir Afqudhac ay aad u doonayeen in nimanka loo dhiibo Ethiopianka isla markaana ay xidhiidh badan la soo sameeyayn Buuhoodle sidi nimanka loogu gacan galin lahaa Ethiopianka balse laga diiday Magaaladda Buuhoodle ayaa hada xaaladeedu kacsantahay dadweyne badan ayaa ku soo Ururay saldhiga Booliska oo ay ku jiraan Nimankii la qabtay.

    Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo Caawa Telfoonka ay Ogaal kula xidhiidh isla markaan wax ka waydiisay Ciidamadan Ethiopianka ah ee soo galay Buuhoodle ayaa waxa uu yidhi ” 4 Gaadhi oo siday Qalabka Gaadiidka ayaay Booliska Buuhoodle qabteen kadibna Niman Ethiopianka u shaqeeya ayaa u sheegay Ethiopia in nimankani yihiin Alqacida sidaas ayayna Ciidanka Ethiopianku ku soo galeen Buuhoodle” ayuu yidhi Cabdi Xuseen Dheere

    Badhasaabka Gobolka Togdheer oo ka jawabay in waxa Xidhiidh ah Maamul ahaan ay la soo sameeyen Ethiopianku markay soo galayeen ayaa waxa uu yidhi ” Aniga waxa Xidhiidh ah ilamay soo sameyn lakiin ma ogi inay dhanka Hargeysa xidhiidh la sameeyen”