Dadku Ma Necba Dawaladnimadda Iyo Somaliland-Nimada Ee Waa La Necbaysiinayaa

    0

    Warbixin: Mustafe Adam Musse

    Waxay ahayd maalin Khamiis ah, oo bishu ahayd 5 April 2007kii, kuna beegnayd 17 Rabiicul Awal 1428kii, markii Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Ibraahim Maxamed oo ka koobnaa dhawr iyo Toban Wasiir, Wasiiro ku xigeeno, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda iyo ugu yaraan soddan (30) Hay’addood, ay ka amba-baxeen Magaalo madaxda dalka ee Hargeysa, iyaga oo sida uu wasiirku sheegay ujeedadoodu ahayd, sidii qiimayn loogu soo samayn lahaa Baahiyaha dhabta ah ee ka jira Goboladda Bari ee dalka, gaar ahaana 4da Gobol ee Saaxil, Sanaag, Togdheer iyo Sool. Taas oo uu wasiirka Qorshayntu ku sheegay shir-jaraa’id oo uu qabtay in marka uu soo qiimeeyo baahiyahaasi ay si deg deg ah wax uga qaban doonaan.

    Wasiirku waxa uu u qaybiyay Waftigaas afar qaybood oo ay kala Hoggaaminayeen, Wasiirka Waxbarashadda Xasan Xaaji Maxamuud Xasan Gadhwayne, Wasiirka Hawlaha  Guud Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Warshadaha Maxamed Saleebaan Maxamed iyo Wasiirka Qorshaynta Cali Ibraahim Maxamed.

     

    Haddaba Aniga oo ku qornaa Waftiga uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cali Ibraahim Maxamed oo way wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax iyo Wasiirka Wasaaradda Madacdanta iyo Biyaha Qaasim Sheekh Yuusuf kana socday Telefishanka madaxa bannaan ee Hargeisa Cable TV (HCTV), ayaa waxaanu safarkayagii ka bilawnay deegaano ka mid ah gobolka Saaxil oo ay ugu horayso Degmadda Xagal oo ilaa 100km u jirta iyo deegaanadda ay xukunto ee Laas-ciidle, iyo Raarida-buul. Dhuur-Cilaan, Huluul, Laas-Doomaare, Bixin iyo Godmo-Biyo-Cas oo ka tirsan gobolka Sanaag.

     

    Dhammaan deegnaddaas aan kor ku soo sheegay ma haystaan adeegii bulshadda ee ay noloshu u baahanayd sida Caafimaadkii, Wadooyinkii, Waxbarashadii, Biyo nadiif ah oo macaan Lacagtii Ciidankii ammaanka iyo Gaadiidkii.

     

    Caafimaadka:

    Haddaynu Caafimaadka soo qaadano, waxay ii sheegeen Odayaasha deegaanaddaasi in haddii qof beertii ka shaqaysanayaa ay Guduni ku fakato aanay jirin goob caafimaad oo lagu daweeyo, marka qaarkoodna la waayo ayay yidhaahdeen gaadiid aanu ku qaadno si loo geeyo goobaha caafimaadka ee magaalooyinka waaweyn sida berbera iyo Burco, taasina ay keentay ayay yidhaaheen qof inta uu dhaxda ku sii jiro ay nafto ka baxdo.

    Dhabta ugu wayn ee ay haysta dadkaasi waxa weeyaan, marka ay Hooyaddu gaadho xiligay umulaysay oo ay waydo waxay u baahnayd, taasina ay keentay in hooyooyin badani ay isku go’aan.

     

    Waddooyinka:

    Waddooyinku waxay ay ka mid yihiin waxyaabaha binu aadamka u fududeeya hawsha ay hayaan, hadday noqoto allab ay iib geeyaan iyo mid ay soo waaridaanba.

    Oday ka mid ah Odayaasha deegaanka Raarida-Buul ayaa sheegay inay marayaan heerkii ay Jasiiratul Carab maraysay Qarniyadii sabanu Jaahiligii, oo ay dhawr habeen u dhaxaan magaalooyinka ugu dhaw oo ay ka mid yihiin Burco iyo Berbera wadda xuno iyo gaadiid la’aan awgeed oo ay adeegsadaan awr iyo dameero.

    “Waxaanu ka ganacsano waxa ka mid ah Xijiga (Beeyadda iyo Malmalka), markaanu Buuraha ka soo gurno, waxyaabaha dhibta nagu haya waxa ka mid ah Waddo xuno iyo gaadiid la’aan” Sidaas waxa yidhi Oday ka mid ah Odayaasha degan deegaanka Huluul.

     

    Waxbarashadii:

    In kasta oo ay jiraan Goobo waxbarasho oo ay fulisay Wasaaradda Waxbarashaddu haddana waxay ardayda deegaanadaasi dhibi ka haystaa macalimiin la’aan iyo imkaaniyaadkii waxbarasho oo aanay haysan.

    Midda kale dadku waxay u baahan yihiin in la siiyo waxbarasho ku bahoon deegaankooda ay degan yihiin, si ay uga faa’idaysaan. Nasiib daaro se waa kaaf iyo kala dheere waxyaabaha ardayda la baro meelaha ay ka jirto waxbarasho waxa weeyi manhaj aan khusayn.

    Waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin in la baro waxa ka mid, in Ilama yar lagu barbaariyo Shareecadda Diinta Islaamka, in kasta oo ay jiraan goobo lagu barto Qur’aanka Kariimka ah oo kariya, haddana waxay u baahan yihiin in la siiyo duruus kale oo ay ka mid yihiin Axaadiistii iyo Tafsiirkii qur’aanka.

    Ardaydu markii ay waayeen waxyaabahaa aan kor ku soo xusay, waxay isku dayeen inay ka soo hayaamaan miyigii oo ay tagaan meesha ugu dhaw magaalo, kana shaqaystaan Baalash, Hudheel, Baabuurta oo ay maydhaan iyo wixii la mid ah. Xoolihii, beerihii iyo Waalidkoogiina dayacaan.

     

    Biyo la’aan:

    Lama odhan karo dhulku waa bilaa biyo, laakiin dhulku waxa uu u badan yahay biyo qadhaan, in kasta oo xiliyadda jiilaalka ay biyo la’aani ku dhacdo meelaha qaarkood, haddana dadku waxay u baahan yihiin loo sameeyo Baraago iyo biyo macaan.

    Waxa kale oo dadku ka codsanayeen wasiiradda in biyo looga sameeyo meelaha ay nolashoodu ku xidhan tahay sida Buuraha ay Beeyadda ka soo gurtaan oo tuulooyinka aad uga fog, taasi oo ay habeeno ku dhaxaan una baahan yihiin biyo ay isticmaalaan.

    Waxa kale oo ay sheegeen inay u baahan yihiin in loo sameeyo biyo xidheeno, qabta biyaha sida macno daradda ah badda u galaya.

    Lacagta:

    Lacagtu waxay ka mid tahay waxyaabaha astaanta u ah dawlad, iyada oo ay taasi jirto ayaa 16kii sanno ee Somaliland ay jirtay aanay lacagteeda wada gaadhsiin dhulka ay xukunto oo dhan, marka laga reebo Hargeysa, Berbera Gebiley iyo Boorama. In kasta oo Hargeysa laga isticmaalo Dollar, oo shay walba Dollar lagaaga iibinayo halka Boorama, Gabiley iyo Wajaale lagu istimaaclo lacag Itoobiyaan.

    Goboladda intooda kale sida Togdheer, Sool Sanaag iyo qaybo ka mid ah Saaxil waxa laga isticmaala lacagtii uu ka tagay Taliskii Siyaad Barre.

    Waxa xusid mudan lacagta laga isticmaalo Sanaag iyo Sool waxa samaystay Dawlad Goboleedka Puntland, oo lacagtaas laguma isticmaalo Burco.

    “100,000 Boqol kun oo aan kala imi Ceerigaabo, ayaan markii aan wax kaga iibso is idhi Burco la igu diiday, taasi waxay keentay inaan iska daadiyo oo xashiishka ku daro.” Sidaas waxa yidhi Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo safarka wasiiradda la socday.

    Aniga oo ka cuntaynayaa Makhaayad ku taala Ceeri-gaabo oo ay gabadhi haysato ayaa markii lacagtii aan siiyay, ee ay baaqiqii ii soo celinaysay waxay I siisay lacag cusub oo aad moodo in imika la sameeyay. Waxaan ku idhi halkeed ka keentay lacagtan cusub waxa iigu jawaabtay Makiinaddii lacagta ayaa Guriga ii taala.

    “Hantidiinii iyo Khayraadkiinii ayaa idinka oo arkayaa la idinkaga bedelanayaa waraaqo aan qiimo lahayn, haddii aad wax ka qaban waydaan reer Ceeri-gaabow waxaad ku dambayn doontaa Faqiiriin.” Sidaas waxa yidhi Wasiirka Qorshaynta oo maalintii Isniintii ee 9 April 2007 ka khudbadaynayay Beerta Xoriyadda ee Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceeri-gaabo.

     

    Ciidankii Ammanka:

    Guud ahaan dhulkaas aan soo maray kumaan arag goob loogu tala galay saldhig ama ciidan noonuu doono ha noqdee, laakiin Odayaasha beelahaasi ayuun baa geed hoostii ku dhameeya arrimaha damiyadda ah ee ay kala galaan.

    “Waxay dhibi naga haysataa sidii aanu u soo qaban lahayn Qofkii dambi gala iyo goobtii aanu ku xidhi lahayn iyo waliba gaadiidkii aanu isticmaali lahayn, maxaa yeelay ma lihin ciidan boolis ah oo soo qabta iyo Saldhig aanu ku xidhno.” Sidaas waxa yidhi Oday dhaqameed ka mid ah Beelaha degan deegaanka Huluul.

     

    Xeebaha:

    Tusaale ahaan bal aan soo qaato xeebta Gobolka Sanaag oo ah xeebta ugu dheer xeebaha Dalka, xeebtani waxay dhereran tahay tuuloolooyinka Karin ilaa Ceelaanyo.

    Gobolkan xeebihiisu waxa kulansadeen dhul-daaqsimeed ay xooluhu ku noolaan karaan iyo Baddiisa oo Kalluunku dul-heehaabayo. Nasiib-daro se waxa ka faa’idaysta khayraadkaa badda dawladdaha ay ka midka yihiin Yemen, Masar, Maraykanka iyo Dawlad Goboleedka Puntland oo ka kiraysay xeebaha dhulka Sanaag dawlado waaweyn.

    Waxaana taas tusaale fudud u noqonayaa 7 Baxaari oo Yemaniyiin ah oo saarnaa 3 Doonyood oo si sharci daro ah uga kalluumaysanayay xeebaha tuuladda Waqdariya oo ka tirsan Gobolka sanaag, ugu badnaan 150km u jirta Ceeri-gaabo oo ay Arbacadii 11 April 2007, gacanta ku dhigeen ciidamo boolis ahaa oo ilaalinayay waftigii qiimaynta ka samaynayay deegaanadda Xarshaw, Laasa-surad iyo Waqdariya oo ka tirsan Gobolka Sanaag, ee uu horkacayay Wasiirka Qorshayntu.

    7dan kalluumaysato oo aan waydiiyay sababta ku kaliftay inay xeebaha Somaliland ka ganacsadaan, iyaga oo aan rukhsad u haysan, ayaa waxay iisheegeen, in aanay aqoon u lahayn Somaliland, oo loo soo sheegay inuu dhulkani yahay Puntland, iyaguna ay yihiin niman shaqaale ah oo u shaqaaya nin ganacsade ah oo reer Puntlan ah.

    Mana aha ayay yidhaahdeen markii u horaysay ee Xeebahan aanu ka kalluumaysano. Waxaana ugu dambayntii 7 maxbuus gacanta laga galiyay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Saldhigoodu yahay Laasa-surad, oo tiradoodu dhan tahay 7 Askari, Imkaaniyaadkii ay u baahnaayeena aan haysan, sida Laashashka dheereeya iyo hub ku filan.

    “Waxa jira Maraakiib waaweyn oo xaalufinaya khayraadka badda, sida kalluunkii yar yaraa oo ay qabqabanayaan iyo Shacaabigii uu ku dhalayay uu garaacaan iyo iyaga oo annaga [Kalluumaysatada] hadidaad nagu haya.” Sidaas waxa yidhi Ismaaciil Daahir oo degan tuulo-xeebeedka Xarshaw oo iga waramayay dhibaatadda ay ku hayaan Kalluumaystadda Ajaanibka ahi.

    Ugu dambayntii Deegaanadaas aan soo sheegay oo dhan waxay dawladdu tagtaa oo kaliye xiliyadda Ololaha Doorashooyinka, marka laga reebo safarka wufuudan oo la odhan karo siyaasadi way ku jirtaa. “Waxa na loo yimaadaa xiliyadda Doorashooyinka oo kaliya, xiligaasna waxa bulshada lagu abuuraa iska hor-imaad iyo xiqdi, taasi oo nagu qaatada wakhti siidii aanu uga sari lahayn dadka cudurkaas ay kaga tageen Siyaasiyiintu.” Odayga Reer Huluul

     

    Guntii iyo gunaanadkii markaad u fiirsato arrimahaas oo dhan waxaad xaqiiqsanaysaa in Dadku aanay nacbayn Dawlad nimadda iyo Somaliland ee la nacbaysiinayo.