HomeWasiirka Maaliyadda oo Golaha Wakiiladda warbixin ka siiyey Miisaaniyadda 2012-ka sababeeyeyna sababta...

Wasiirka Maaliyadda oo Golaha Wakiiladda warbixin ka siiyey Miisaaniyadda 2012-ka sababeeyeyna sababta dib-u-dhaca ku keenay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa,04 March 2012 (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta xog-waran la xidhiidha miisaaniyada qaranka ee sannadka 2012-ka siiyay Golaha Wakiillada Somaliland.

Fadhigii maanta oo uu shirguddoominayay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayay Mudanayaashu warbixin kaga dhegaysteen Wasiirka Maaliyada oo faahfaahin ka bixiyay korodhka sannadkan ee miisaaniyada, isagoo xusay inay ku dedaaleen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen cashuurta bariga oo uu tilmaamay inay tahay dakhliga ugu badan ee dalka soo gala.
Wasiirka Maaliyadu waxa uu sheegay in qorshayaashooda ugu waawayn ay ka mid tahay sidii ay shaqaalaha iyo ciidamada qaranka ugu kordhin lahayeen markale mushaharka, “Waxaanu kordhinay dakhli soo saarkii, waxaanu samaynay diiwaangelin. Dhibaatooyinka yaallay waxa ka mid ahaa shaqaalaha iyo ciidamada oo mushahar aad u yar qaata, waxaananu isla qaadanay in ciidamada iyo shaqaalaha ahmiyad wayn la siiyo, markaa waxaanu kordhinay mushaharkii 100%, inkastoo aanu wali ku filnayn, insha allah waxaanu samayn doonaan kaabis miisaaniyadeed sannadka badhkii haddii ay noo suurogasho si ciidamada iyo shaqaalaha loogu kordhiyo mushaharka,”sidaa ayuu yidhi Wasiirku Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Wasiirka Wasaaradda Maalida Eng Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sheegay in dhakhliga gala xarunta Madaxtooyadu uu qoran yahay oo madaxweynaha maalinta la badelo uu ka qaadan karo dharkiisa iyo wixii u gaar ah, “Madaxtooyada qalabkeedu waa uu diwaangashan yahay, ilaa mulqaacadu waa ay qoran tahay, maalinta Madaxweyanaha la beddelo waxa uu qaadan dharkiisa iyo wixii u gaar ah, ta kale kolka wasiir cusub yimaado wasiirku, wasiirka ka tirsan maaye liis qoran oo hore u yiilay ayuu ku tirsanayaa , oo ay ku wada jiraan wixii qalab ahaa iyo wixii uu masuulka ka ahaa si loo hubiyo in aan waxba lumin ama aanu wasiirkaas wax ku takri falin.”
Waxa kale oo ka hadlay sababta dib u dhacu ugu yimid miisaaniyada oo markii hore la qoondeeyay in golaha Wakiilada la hordhigo bishii December ee sannadkii hore, “Miisaaniyadan aan maanta idiin keenay ee 2012 habsaan yar baa ku yimid, oo waxa ay ahayd in aan December keeno, habsaankaas waxa sababay tirakoobkii ciidamada Qaranka, hadday yihiin ciidanka milatariga, booliska, asluubta, ciidanka badda iyo ka Madaxtooyada , ciidamadaasoo tirakoobkoodii dib u dhacay, lixaad weyna ka qaatay miisaaniyada, ayaa dib noo riixay sida runta ah, laakiin waanu ka soo horaynay sidii dhici jirtay,”ayuu sii raaciyey hadalkiisii wasiirka Maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi
Waxa kale oo uu Wasiirka Maaliyadu sheegay inay waxyaabaha ay qabteen ka mid yihiin dugsiyada hoose dhexe oo ay lacag la’aan ka dhigeen.
Sidoo kale, Xisaabiyaha Guud ee Qaran Maxamed Cabdi Bade ayaa isaguna tafaasiil ka bixiyay heerarkii ay soo martay miisaaniyada korodhkeedu intii Xukuumadda cusubi jirtay waxaanu tilmaamay in sannad kasta ay wax ku kordheen sannadki u dambeeyay ay odoroska miiyasaaniyadu ay korodhay 21%.

Agaasimaha Guud Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Maaliyada ayaa isaguna faahfaahin ka bixyay mashaariicda horumarineed ee kui jira miisaaniyada. Isagoo xusay in hay’adihii madaxa banaanaa dhamaantood ay miisaaniyadoodu la socoto sannadka, sida madbacada qaranka Wakaaladaha Biyaha, Dekeda iyo wakaaladaha korontada.

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories