Netanyahu oo faragelin doorasho Ku Eedeeyey xisbiyada Carabta oo awood siyaasadeed yeeshay

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada baarlamaanka Israa’iil ayaa muujinaya loollan siyaasadeed oo adag, iyadoo isbahaysigu uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu ay ku guuldarraysteen inay helaan aqlabiyadda loo baahan yahay si ay kaligood u dhistaan xukuumad, halka xisbiyada Carabtu ay heleen kuraas taariikhi ah oo saamayn ku yeelan kara cidda hoggaamin doonta dalka.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP), saadaasha codadka la tiriyey ayaa muujinaysa in isbahaysiga Netanyahu uu heli karo 53 kursi, halka isbahaysiga mucaaradka ee uu hormuudka ka yahay Gadi Eisenkot la saadaalinayo inuu helo 48 kursi. Labada xisbi ee ay hoggaamiyaan siyaasiyiinta Carabta ayaa la saadaaliyey inay helayaan 19 kursi oo ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamaanka Israa’iil.

Sharciga dalka Israa’iil ayaa dhigaya si xukuumad loo dhiso, waxaa loo baahan yahay ugu yaraan 61 kursi, taas oo ka dhigan in labada garab ee waaweynba ay u baahan yihiin taageero dheeraad ah.

Xisbiyada Carabta oo noqon kara go’aamiyeyaasha xukuumadda cusub

Korodhka kuraasta xisbiyada Carabta ayaa abuuraya xaalad siyaasadeed oo cusub, maadaama taageeradoodu go’aamin karto in mucaaradku awood u yeesho inuu meesha ka saaro xukuumadda Netanyahu iyo in kale.

Hase yeeshee, weli ma cadda in Eisenkot iyo xisbiyada kale ee mucaaradku ay diyaar u yihiin inay xukuumad wadaag ah la sameeyaan xisbiyada Carabta. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hore uga horyimid inay xukuumad ku dhisaan taageerada xisbiyadaas, taas oo caqabad ku noqon karta helitaanka aqlabiyad baarlamaan.

Netanyahu ayaa isaguna si cad uga soo horjeestay xukuumad ku tiirsan xisbiyada Carabta, isaga oo ku adkaystay in dalka loo baahan yahay xukuumad ku dhisan garabkiisa midigta iyo xisbiyada taageera qarannimada Israa’iil.

Faro-gelin Doorasho iyo Wax Is-daba-marin

Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada ayaa sidoo kale dhaliyey muran siyaasadeed, ka dib markii Netanyahu iyo xisbigiisa Likud ay sheegeen in doorashada la musuqmaasuqay ama la xaday, hase ma jiraan caddeymo ay soo bandhigeen oo xaqiijinaya eedaynta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Guddiga doorashooyinka Israa’iil ayaa codsaday in hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet ay baadhitaan ku samayso suurtagalnimada faragelin shisheeye.  Si kastaba ha ahaatee, guddigu wuxuu sheegay inaanay xaqiijin karin jiritaanka xadgudubyo qorshaysan oo doorashada lagu sameeyey.

Siyaasiyiin mucaarad ah iyo Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa ka digay in baadhitaanka loo adeegsado in lagu wiiqo kalsoonida codbixiyeyaasha Carabta ama lagu shaki geliyo xaqa ay u leeyihiin inay ka qayb-qaataan geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee dalkaas.

Ka-qaybgalka codbixiyeyaasha oo sare u kacay

Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ay codbixiyeyaashu sida weyn uga qaybgaleen muddo ka badan rubuc qarni. Xogta hordhaca ah ayaa muujinaysa in ku dhowaad 78% dadka xaqa u lahaa codbixinta ay ka qaybqaateen, taas oo ka dhigan tiradii ugu badnayn tan iyo sannadkii 1999-kii.

Natiijada ayaa imanaysa xilli Israa’iil ay weli wajahayo kala qaybsanaan siyaasadeed oo la xidhiidha dagaalka Qaza, xaaladda amniga, iyo muran ka taagan go’aanka qorista Ciidanka Milatariga lagaga dhaafay bulshada Yuhuudda ee xag-jirka ah.

Arrimahan ayaa door weyn ku lahaa doodihii doorashada, iyadoo xisbiyada mucaaradku ay dhaliileen hoggaaminta Netanyahu, halka taageerayaashiisu ay ku doodayeen in xukuumaddiisu mudnaanta siisay amniga qaranka.

Maxaa xigi kara?

Haddii aanu midkoodna labada garab ee waaweyni helin taageerada ku filan ee lagu dhisayo xukuumad, waxaa suuragal ah in wada-xaajoodyada siyaasadeed iyo kala riixashada gaashaan-buuraysigu ay qaataan toddobaadyo. Waxa kale oo dhici karta in la sameeyo xukuumad laga tiro badan yahay oo ku tiirsan taageero baarlamaan ama in dalka mar kale doorasho loo dareero haddii heshiis la gaadhi waayo.

Doorka xisbiyada Carabta ayaa sidaas darteed noqon kara qodobka ugu muhiimsan ee lagu kala saaro natiijada kama dambaysta ah ee loollanka siyaasadeed. Inkasta oo Netanyahu iyo mucaaradku ay ku tartamayaan hoggaanka dalka, haddana kuraasta ay heleen xisbiyada Carabtu waxay siinayaan awood gorgortan oo aan la iska indho tiri karin.

Natiijada kama dambaysta ah iyo heshiisyada ay xisbiyadu gaadhaan ayaa go’aamin doona cidda ku guulaysan doonta talada israa’iil iyo jihada siyaasadeed ee dalkaasi weji doono mustaqbalka.

- Advertisement -
- Advertisement -

Latest News

Study finds only one in eight women in Somaliland completes full maternal healthcare pathway

A study of 5,160 women finds major gaps between antenatal visits, skilled childbirth care and postnatal services, with rural...
- Advertisement -

More Articles Like This

- Advertisement -