HomeNin meherad uu lahaa dab ku qabad-siiyey badhtamaha suuqa magaalada Hargeysa

Nin meherad uu lahaa dab ku qabad-siiyey badhtamaha suuqa magaalada Hargeysa [SAWIRRO]

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 04 March, 2012 (SLpost)- Mid ka mid ah xoogsatada meheradaha ganacsi ee yaryar ku haysta badhtamaha magaalada Hargeysa ayaa abbaaro 12:00 duhurnimo ee maanta dab qabadsiiyey meherad uu lahaa.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Coofiye oo meheraddiisa ganacsi ku hor taallay Wajahadda hore ee Dhismaha Jirde aw-Xuseen oo ay ku jiri jirtay xawaaladdii la xidhay ee Qaran Express, ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa askartii ilaalin jirtay amaanka Xawaaladda.

blankWariye ka tirsan Shabakadda Somalilandpost oo goobta ku sugnaa markii uu dabku qabsaday,  waxa dadku ku war-haleen qarax mar kaliya laga wada maqlay aagga suuqa ee ay meheradda yari ku taallo, dabadeedna la arkay qiiq ka baxaya kedinka hore ee meheradda oo loox ka samaysan iyo dad meheradda ku ag sugnaa oo cabsi darteed u kala yaacay.

Waxa isla markiiba meheraddii gubanaysay u gurmaday dadkii goobta ka dhawaa oo biyo iyo carro boobay si ay u bakhtiiyaan isaga oo ninkii meheraddiisa gubayna uu markiiba baxsaday. Waxaana goobtii meheraddu ku taalay ku soo ururay dadweyne aad u tiro badan.

blankIsla markiiba waxa goobta yimi ciidamada booliska uu la socday taliyaha Booliska ee Qaybta Bariga Hargeysa Maxamuud Ducaale oo qaar ka mid ah suxufiyiinta sawirrada ka qaadanayey jewiga goobta qaarkood ka faro-maroojiyey Kamaradihii ay haysteen isla markaana noqonaysa tallaabo ay mar kasta Suxufiyiintu kala kulmaan ciidamada booliska wakhtiyada ay ku gudo jiraan gudashada hawl-maalmeedkooda. Dhanka kale, Ciidamadii Booliska ee goobta ku sugnaa waxay ku guulaysteen inay dejiyaan xaaladdii goobta oo dhalinyaro badan oo wakhtigaas dugsiyada ka soo rawaxay ay  qaylo iyo Foodhi kaga jawaabayeen hawl-galkii booliska iyo dareenkii ay ku dhalisay dhacdadii ay la kulmaan, waxaanay ciidamadu sidoo kale ku guulaysteen inay markii dambe gacanta ku soo dhigaan ninkii meheradda lahaa oo ka hor intii aanu baxsan inuu Baatrool ku daadiyey, dabadeedna dab-qabadsiiyey.

blankFicilka ninkani kula kacay inuu gubo meheraddiisa ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay dawladda Hoose ee Caasimaddu ku wargelisay inuu meheraddiisa kala guuro ka hor inta jidkaas laga fulin hawl-gallo jid-baneyn ah oo Dawladda Hoose ee Caasimaddu maalmihii ugu dambeeyey ka wadday meelo badan oo Caasimadda ka mid ah.

Dadweynihii Goobta ku sugnaa ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyey tallaabada uu ninkani ku kacay taas oo qaarkood u arkeen inuu ku saxsan yahay maadaama aanu garanyn meel uu geeyo, halka dadka qaarkoodna ay ku sifeeyeen dambiile qaranka iyo dadkaba u horseedaya kacdoon bulshadu samayso.

Haseyeeshee, dhacdadani waxay noqonaysaa tii ugu horreysay ee la arko tan iyo wakhtigii ay dawladda Hoose bilowday inay burburiso meherada ganacsi ee buux dhaafiyey waddooyinka caasimadda kuwaas oo wax weyn u dhimayey bilicda waddooyinka, isla markaana sababi karayey dadweynaha iyo gaadiidka jidadka isku haysta maadaama ay cidhiidhi tahay.

 somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories