Wasaaradda Shaqada oo dib-u-habayn ku samaynaysa Daryeelka Carruurta aan helin Daryeel Waalidnimo

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku hawlan qorshe dib loogu eegayo laguna horumarinayo nidaamka daryeelka carruurta aan helin daryeelka waalidnimo,

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Mr. Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa maanta furay shir lagaga hadlayo dib-u-habaynta nidaamka daryeelka carruurta aan helin daryeelka waalidnimo.

Shirka Oo muddo laba maalmood ah socon doona isla markaana ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska iyo hay’adda SOS Children’s Villages ee Somaliland, ayaa ujeeddadiisu tahay in dib-u-eegis lagu sameeyo nidaamka jira, lana horumariyo hababka lagu xaqiijinayo ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka carruurta aan helin daryeelka waalidnimo.

Furitaanka shirka, Agaasimaha Guud ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay Wasaaraddu siinayso ilaalinta xuquuqda carruurta, isaga oo xusay in ay waajib tahay in carruurta aan helin daryeelka waalidnimo loo xaqiijiyo daryeel ku habboon, iyo nidaam sharciyeed oo ilaaliya xuquuqda ay gaarka u leeyihiin.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Jsl Maxamed Cabdi Xaashi
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Jsl Maxamed Cabdi Xaashi

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in muddada labada maalmood ah ee shirku socdo diiradda lagu saari doono dib-u-eegista nidaamka daryeelka carruurta, si loo aqoonsado meelaha u baahan horumarinta, loona soo saaro talooyin wax-ku-ool ah oo wax ka tari kara caqabadaha ka jira daryeelka carruurta aan helin daryeelka waalidnimo.

Agaasimaha Guud ayaa ugu dambayn u mahadnaqay dhammaan ka soo qaybgalayaasha iyo hay’adda SOS Children’s Villages, isaga oo bogaadiyey wada-shaqaynta iyo dadaallada lagu horumarinayo daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda carruurta Somaliland.

Waxa kale oo kulanka ka hadlay saraakiil ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo ururrada maxalliga ah ee ka shaqeeya ilaalinta xuquuqda carruurta. Dhammaan ka qaybgalayaashu waxay isku raaceen muhiimadda ay leedahay dib-u-habaynta nidaamka daryeelka carruurta aan helin daryeelka waalidnimo, xoojinta iskaashiga hay’adaha ay khusayso iyo dejinta hannaan daryeel oo xaqiijinaya ilaalinta xuquuqda carruurta iyo daboolidda baahiyahooda gaarka ah.

Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamyada daryeelka carruurta iyo xaqiijinta in carruurta aan helin daryeelka waalidnimo ay helaan ilaalin, taageero iyo daryeel waafaqsan xuquuqdooda.

- Advertisement -

Latest News

Ethiopia and Somaliland Disagree Over Security Impact of Recognition

Ethiopia’s ambassador to Israel has warned that recognising Somaliland could complicate counterterrorism operations in Somalia, prompting Somaliland’s envoy to argue that recognition would strengthen Ethiopia’s regional security and strategic position.
- Advertisement -

More Articles Like This