Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si adag uga horyimid isbahaysiga ay Masar hoggaaminayso ee ay ku bahoobeen Soomaaliya, Eritrea iyo Suudaan, isaga oo sheegay inaanay suurta-gal ahayn iskaashi goboleed oo Somaliland laga reebo, isla markaana ka digay farogelin lagu sameeyo amniga, xasilloonida iyo qaranimada Somaliland.
Madaxweynaha ayaa hadalladan jeediyey maanta oo Khamiis ah kaddib markii uu dalka dib ugu soo laabtay safar shaqo oo muddo bil iyo dheeraad ah uu ku joogay Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland.
“Somaliland waxay ka soo horjeeddaa tallaabada qaranimadeeda liddiga ku ah ee ay ku kaceen dowladaha ay Masar hormuudka u tahay ee dhawaan isbahaystay,” ayuu yidhi madaxweyne Cirro, waxaanu ku gooddiyey in aan Somaliland laga reebi karin iskaashiga gobolka, isaga oo yidhi, “Waxaanu u sheegaynaa inaanay marnaba suurta-gal noqon karin iskaashi gobolka dhexmara oo Somaliland aanay qayb ka ahayn.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda Somaliland ku dhisan tahay deris-wanaag iyo nabad kula noolaanshaha dalalka deriska, balse waxa uu uga digay cid kasta oo isku dayda farogelin ku saabsan arrimaha gudaha, amniga iyo xasilloonida Somaliland inay la kulmi doonto jawaab ku habboon.
Shirkii Masar iyo mowqifka Somaliland ka cadhaysiiyey
Hadallada Madaxweynaha ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo ay magaalada New Alamein ee dalka Masar ku yeesheen 4-tii Oktoobar 2026 hoggaamiyeyaasha Masar, Soomaaliya, Eritrea iyo Suudaan.
Shirkaas oo uu martigeliyey Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, ayaa diiradda lagu saaray iskaashi siyaasadeed, amniga gobolka, dhaqaalaha iyo xaaladaha ka jira Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Bayaan wadajir ah oo shirka laga soo saaray ayaa si cad u sheegay in afarta dal ay taageerayaan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana ay diiddan yihiin aqoonsi kasta ama taageero loo fidiyo Somaliland. Bayaanku waxa kale oo uu adkeeyey in dalalka xubnaha ka ah shirka ay iska kaashanayaan arrimaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo isku-xidhka gobolka.
Tallaabadan ayaa salka ku haysa khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan muranka ku saabsan madax-bannaanida Somaliland iyo cidda xaqa u leh inay go’aamiso mustaqbalkeeda siyaasadeed.
Maxay Tahay Muhiimadda isbahaysiga cusub loo sameeyey?
Iskaashiga Masar, Soomaaliya, Eritrea iyo Suudaan waxa uu ku soo beegmay xilli uu sii xoogaysanayo tartanka siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo marin-biyoodka Baabul-Mandab.
Masar iyo Itoobiya ayaa muddo dheer isku hayey arrinta biyaha Webiga Niil, gaar ahaan Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya (GERD). Dhanka kale, xidhiidhka Itoobiya iyo Eritrea ayaa toddobaadyadii u dambeeyey galay heerkii u hooseeyey tan iyo markii uu talada dalkaas qabtay Abiy Axmed, iyada oo uu gudaha Ethiopia ka socdo dagaal sokeeye oo lagu eedeynayo inay qayb ka yihiine dalalka Xubnaha ka ah isbahaysigan.
Midowga Afrika ayaa horaantii bishan ugu baaqay Itoobiya, Eritrea iyo Masar inay is-xakameeyaan, kana fogaadaan tallaabooyin kasta oo sii hurin kara xiisadaha gobolka.
Xaaladdan ayaa Somaliland u abuuri karta walaac diblomaasiyadeed, maadaama xidhiidhka ay la leedahay Itoobiya, muhiimadda dekedda Berbera iyo mowqifkeeda ku aaddan madax-bannaanida ay qayb ka yihiin danaha istaraatiijiyadeed ee gobolka.
Madaxweynaha oo dib u xaqiijiyey kalsoonida Itoobiya
Qodobka kale ee muhiimka ah ee hadalka Madaxweynaha ku jiray ayaa ahaa difaaca xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, oo uu ku tilmaamay waddan deris ah oo Somaliland kalsooni badan ku qabto iskaashigiisa iyo wax-wada-qabsigiisa.
“Ethiopia waa dal aynu deris nahay oo aynu kalsooni badan ku qabno is-kaashigiisa iyo wax wada qabsigiisa,” ayuu yidhi madaxweyne Cirro, waxaanu intaas ku daray, “Waxaanu si adag uga soo horjeednaa farogelinta iyo fal-kasta oo khatar gelin kara xasiloonideeda iyo jiritaanka Qaranimadeeda”.
Hadalkan ayaa muujinaya in xukuumadda Somaliland si weyb u danaynayso ilaalinta xidhiidhka ay la leedahay Addis Ababa, isla markaana ay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo khatar gelin karta xasilloonida Itoobiya.
Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya waxa saldhig u ah danaha ganacsiga, isu-socodka badeecadaha, dekedda Berbera iyo raadinta marinno ganacsi oo Itoobiya u sahla inay si toos ah ugu xidhanto Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa muddooyinkii dambe si cad u muujisay muhiimadda ay siinayso helitaanka marin-badeed, arrintaas oo qayb ka noqotay doodaha istaraatiijiyadeed ee gobolka.
Hadalka Madaxweyne Cirro waxa uu dirayaa laba farriimood oo muhiim ah: mid ku wajahan dalalka taageeraya mowqifka Soomaaliya ee diidmada aqoonsiga Somaliland, iyo mid kale oo ku wajahan Itoobiya oo uu doonayo inuu u muujiyo kalsooni iyo rabitaan iskaashi.
Hase yeeshee, jawaabta dhabta ah ee Somaliland kaga falcelin doonto isbahaysigan waxa lagu qiimayn doonaa tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee xukuumaddu qaaddo, xidhiidhka ay la yeelato dalalka xubnaha ka ah shirka iyo sida ay u maarayso danaha amni iyo dhaqaale ee gobolka.

