Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo UNICEF Kala Shaqaynaysa Wacyigelinta Xuquuqda Carruurta

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland (MoLSAF), oo kaashanaysa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF, ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay kulan wacyigelin ah oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda carruurta iyo is-waafajinta xeerarka dalka Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta (CRC).

Kulanka waxaa ka qaybgalay culimo awdiin, oday-dhaqameedyo iyo cuqaal, ururrada bulshada rayidka ah, warbaahinta iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda. Waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda ilaalinta xuquuqda carruurta, ka hortagga tacaddiyada loo geysto, korinta wanaagsan iyo doorka ay bulshada ku leedahay daryeelka iyo badbaadinta ubadka.

Barnaamijkan ayaa qayb ka ah qorshayaasha wasaaradda ee lagu xoojinayo daryeelka iyo ilaalinta carruurta, laguna horumarinayo wada shaqaynta hay’adaha dowladda, culimada, hoggaanka dhaqanka, ururrada bulshada iyo Guddida Qaranka ee Ilaalinta Xuquuqda Carruurta.

Kulanka ayaa sidoo kale ujeeddadiisu ahayd in bulshada la gaadhsiiyo farriimo wacyigelin ah oo kor u qaadaya fahamka xuquuqda carruurta, dhiirrigelinayana hab-dhaqanno wanaagsan oo ka qayb qaata korriinka, badbaadada iyo horumarka ubadka.

Agaasimaha Waaxda Qoyska, Horumarinta Haweenka iyo Ilaalinta Carruurta ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, oo si rasmi ah u soo xidhay kulanka, ayaa ka qaybgalayaasha ku dhiirrigelisay inay ka faa’iidaystaan xogta iyo aqoonta la wadaagayo muddada uu barnaamijku socdo.

Culimo, oday-dhaqameedyo iyo masuuliyiin ka qaybgalaya kulan wacyigelin ah oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda carruurta Somaliland.
Kulanka wacyigelinta bulshada ee lagu xoojinayo ilaalinta iyo daryeelka carruurta Somaliland.

Waxa ay sidoo kale ku boorrisay ka qayb-galayaasha inay farriimaha wacyigelinta gaadhsiiyaan bulshooyinka ay metelaan, si loo xoojiyo fahamka xuquuqda carruurta iyo masuuliyadda wadajirka ah ee ka saaran ilaalintooda.

Wasaaradda ayaa barnaamijkan u adeegsanaysa xoojinta dadaallada lagu horumarinayo daryeelka carruurta iyo iskaashiga bulshada, iyadoo la dhiirrigelinayo deegaan ammaan ah oo carruurtu ku koraan, kuna helaan ilaalin iyo daryeel ku habboon xuquuqdooda.

Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ayaa ka mid ah hay’adaha dowladda ee door muhiim ah ku leh horumarinta adeegyada bulshada, ilaalinta qoysaska nugul iyo daryeelka carruurta. Hawlaheeda la xidhiidha arrimaha carruurta waxaa ka mid ah horumarinta siyaasadaha ilaalinta ubadka, isku xidhka adeegyada bulshada iyo xoojinta awoodda hay’adaha ka shaqeeya ka hortagga iyo wax ka qabashada tacaddiyada.

Dadaalladaas waxaa qayb ka ah wacyigelinta bulshada ee ku saabsan dayacaadda carruurta, tacaddiyada jireed iyo kuwa nafsiyeed, dhiigmiirashada, ka faa’iidaysiga carruurta iyo dhaqannada waxyeellada u leh korriinkooda.

Carruur ku jira deegaan ammaan ah oo muujinaya muhiimadda ilaalinta xuquuqda carruurta, daryeelka iyo korriinka wanaagsan.
Kulanka lagaga hadlay Ilaalinta xuquuqda carruurta iyo hubinta inay helaan daryeel iyo deegaan ammaan ah

Wasaaradda Shaqada iyo Hay’adaha Caalamiga ah

Wada shaqaynta Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska iyo UNICEF ayaa qayb ka ah dadaallo muddada dheer socday ee lagu horumarinayo xuquuqda carruurta Somaliland.

Warbixin ay UNICEF soo saartay sannadkii 2023 ayaa xustay kaalinta ay hay’addu ku lahayd taageerada diyaarinta iyo meelmarinta Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Carruurta Somaliland, kaas oo la ansixiyey Oktoobar 2022. Xeerkan ayaa ujeeddadiisu tahay in carruurta laga ilaaliyo tacaddiyada, dayacaadda iyo xaaladaha kale ee waxyeellayn kara badbaadadooda iyo horumarkooda.

Marka laga soo tago UNICEF, hay’ado caalami ah iyo ururro maxalli ah ayaa ka qayb qaata hawlaha la xidhiidha ilaalinta carruurta, daryeelka ubadka aan haysan waalidkood, taageerada carruurta nugul iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Hay’adaha Caalamiga ah ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska kala shaqeeya arrimaha Carruurta waxa ka mid ah Save the Children iyo SOS Children’s Villages Somaliland. Wasaaradda oo Kaashanaysa SOS Children’s Villages, ayaa 14-kii Oktoober Hargeysa ku Qabatay kulan lagaga tashaday qorshe dib loogu eegayo laguna horumarinayo nidaamka daryeelka carruurta aan helin daryeelka waalidnimo.

- Advertisement -

Latest News

Somaliland completes national epidemiological dashboard amid Ebola concerns

Hargeisa (SLpost) - Somaliland has reached a new milestone in digital health development following the completion of a National...

More Articles Like This