Maalgashiga Israa’iil ee Somaliland: Shikun & Binui iyo Su’aalaha ka taagan Taariikhdeeda Sharci

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost) – Shirkadda Shikun & Binui Group ee Israa’iil, oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee dhismaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha, ayaa la sheegay inay sahaminayso fursadaha maalgashi ee Somaliland.

Hase yeeshee, taariikhdeeda sharciyeed ayaa dhalinaysa su’aalo la xidhiidha hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo habraacyada ay tahay in lagu qiimeeyo shirkadaha doonaya inay mashaariic waaweyn ka fuliyaan dalka.

Shikun & Binui oo ka mid ah shirkadaha dhismaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ugu waaweyn Israa’iil, ayaa la sheegay inay wakiillo u soo dirsatay Somaliland, si ay u qiimeeyaan fursadaha kaabayaasha dhaqaalaha, dhismaha, gaadiidka iyo horumarinta magaalooyinka Somaliland, sida laga soo xigtay warbixin uu qoray Yehoshua Meiri oo ah wariye u dhashay Israa’iil.

Qorshaha shirkaddan ku danaynayso maalgeshiga Somaliland, ayaa ku soo beegmaya wax ka yar laba sanno kaddib markii Israel Aqoonsatay madax-banaanida Somaliland.

Shirkadda Shikun & Binui, oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee Israa’iil ee dhismaha iyo kaabayaasha Dhaqaalaha isla markaana ay hoos yimaaddaan shirkado kale oo dalkaas laga leeyahay,  ayaa hore ugu lug yeelatay baadhitaan musuqmaasuq oo ay ku sameeyeen hay’adaha sharciga ee Israa’iil, kaas oo la xidhiidhay tuhunno ku saabsan bixinta laaluush loo fidiyey masuuliyiinta dowladeed oo ka mid ah dalalka Afrika qaarkood intii u dhexaysay sannadihii 2008 iyo 2016.

Warbixin ay jariiradda The Times of Israel daabacday bishii February 2018 ayaa sheegtay in shirkadda iyo qaar ka mid ah madaxdeeda lagu tuhmay bixinta lacago sharci-darro ah oo lala xidhiidhiyey helitaanka mashaariic waaweyn oo dhisme iyo kaabayaal dhaqaale ah. Bishii March 2019, booliska Israa’iil iyo Hay’adda Ammaanka Suuqa Saamiyada, waxay sheegeen inay heleen caddaymo ku filan oo dacwad loogu gudbin karo shirkadda iyo qaar ka mid ah madaxdeeda.

Kiiska Dacwadda ee shirkadda oo socday muddo Lix Sanno ku dhow, ayaa heshiis sharciyeed laga gaadhay sannadkii 2024-kii kaddib markii Shirkadda SBI Infrastructure, oo hoos timaadda Shikun & Binui, ay qiratay inay ku kacday tallaabooyin ku liddi ku ah sharciga suuqa Saamiyada ee dalka Israa’iil. Shirkadda ayaa lagu xukumay 10 Milyan oo Shekel iyo la wareegtista Hanti u dhiganta 250 Milyan oo Shekel, taas oo wadarta guud ee Ganaaxa ka dhigtay 260 milyan oo Shekel una dhiganta qiyaas ahaan 85 Milyan Oo Dollar.

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland kaddib, waxa isa soo taraya shirkadaha Maalgeshiga ee Israel oo aad u danaynaya inay yimaaddaan Somaliland, si ay uga faa’idaystaan fursadaha Maalgeshi ee yaalla Somaliland.

Somaliland and Israeli flags overlooking a coastal port construction project associated with Shikun & Binui and potential investment opportunities in Somaliland.
Somaliland iyo Israa’iil: Shirkadda Shikun & Binui ayaa la sheegay inay qiimaynayso fursadaha maalgashi ee dhismaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland. (Sawir Tusaale ah)

Somaliland waxa ka jira baahiyo waaweyn oo dhinacyada waddooyinka, dekedaha, gaadiidka, dhismaha magaalooyinka iyo adeegyada kaabayaasha dhaqaalaha ah, kuwaas oo abuuri kara fursado maalgashi oo shirkadaha caalamiga ahi xiiseynayaan.

Hase yeeshee, haddii shirkaddani ay qorshaynayso inay mashaariic ka fuliso Somaliland, waxa muhiim ah in heshiisyada iyo qandaraasyada lagu bixiyo hannaan daahfuran oo ku dhisan tartan caddaalad ah, isla-xisaabtan iyo u hoggaansanaanta shuruucda dalka.

Si kastaba ha ahaatee, maalgashiga shisheeye waxa uu Somaliland u horseedi karaa horumar dhaqaale iyo shaqo-abuur, balse qiimaynta shirkadaha doonaya inay dalka maalgashadaan waa inay ku salaysnaataa awooddooda farsamo, taariikhdooda ganacsi, hufnaantooda iyo awoodda hay’adaha dalka u leeyihiin inay ilaaliyaan danaha guud.

Wararka Somalilandpost

- Advertisement -

Latest News

Berbera’s Strategic Role in Red Sea Security: Israeli Analysis Proposes New Saudi Partnership With Somaliland

Hargeisa (SLpost)- A new policy analysis published by the Jerusalem Center for Security and Foreign Affairs (JCFA) argues that...
- Advertisement -

More Articles Like This