HomeTaliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley oo Xafiis Ka Furey Degmada Faraweyne

Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley oo Xafiis Ka Furey Degmada Faraweyne

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Faraweyne,(SLpost)-Taliyaha laanta Socdaalka Gobolka Gabiley iyo Degmada Faraweyne Maxamed Cabdi Gaas(Sanweyne), ayaa maanta xadhiga ka jarey Xafiis Laanta Socdaalku ku yeelanayso Degmada Faraweyne oo katirsan Gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa.

Furitaankii Xafiiska Laanta Socdaalka ee Degmada Faraweyne, waxaa kasoo qeyb galey Guddoomiyaha Maamulka Degmada Faraweyne,Taliyaha Ciidanka Saldhiga Booliska, Maamulka Kastamka Cashuuraha Wasaarada Maaliyadu ku leedahay degmada iyo Xubno katirsan wax-garadka Degmada Faraweyne.

blankTaliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley iyo Degmada Faraweyne Maxamed Cabdi Gaas (Sanweyne) oo ugu horeyn hallkaasi ka Hadley ayaa sheegay in ay muddo badan qorsheynayeen sidii loo furi lahaa Xafiiskan taas oo ay dhawaan u suurta gashey Maamul ahaan in ay bilaabaan howshan Furitaanka Xafiiska Laanta Socdaalka Degmada Faraweyne, waxaana sida uu sheegay muhiimad weyn u tahay in sida aagga ay ku taalo degmadani laga hirgeliyo xafiisyada Laamaha socdaalka islamarkaana ay xoojiso xidhiidhka Xafiisyada Laanta Socdaalka, taasina ay ka qayb-qaadan karto joojinta dadka bilaa sharciga ku galaya dalka Somaliland.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Faraweyne Maxamuud Aw Cali Ibraahim oo sheegay in ay aad usoo dhaweynayaan  Xafiiskan (Emigration-ka) ee maanta laga furay Degmada Faraweyne islamrkaana ay ula shaqeyn doonaan Maamul ahaan si hagar la’aan ah, Waxaanu ballan qaadey Gudoomiyihu in uu sida ugu dhakhsaha badan u howl galayo dhinacooda Xafiiska Laanta Socdaallka ee Maanta laga furey Degmada Farawene.

Sidoo kalena waxa ay Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley iyo Degmada Faraweyne ee fadhigoodu yahay Degmada Tog-Wajaale qorshaha ugu jira inay maalmaha soo socdo Xafiisyo ka furtaan Degmooyinka Alleybadey iyo Geed-balaadh oo labaduba katirsan Gobolka Gabiley.

SLpost News Desk

kaafi20@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories