HomeSomaliland oo laga hirgelinayo Mashruuca Dhismihii ugu weynaa Geeska Afrika

Somaliland oo laga hirgelinayo Mashruuca Dhismihii ugu weynaa Geeska Afrika

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Madaxa xafiis-goboleedka Hay’adda UNICEF u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Sikander Khan ayaa shaaca ka qaaday inay Somaliland ka hirgelinayaan mashruuca dhismihii ugu weynaa ee laga hirgeliyo Geeska Afrika.

Masuulkani waxa uu sidaas ku sheegay Kulan uu Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo masuulkani.

blank

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxooyada Somaliland oo ka hadlaya kulanka madaxweyne ku-xigeenka iyo Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti ka socda Hay’adda UNICEF oo uu hogaaminaayo Mr. Sikander Khan, oo ah u qaybsamaha Arrimaha Somaliland iyo Somaliya.

Weftigani waxa ay madaxweyne ku xigeenka xog-waran ka siiyeen ujeedada socdaalkooda ee ay ku yimaadeen Somaliland taas oo ay ku sheegeen in ay Somaliland ka hirgelin-donaan Mashaariic wax ku ool ah oo waxka tari doona dhinacyada kala duwan ee horumarka bulshada,

 Mr. Sikander Khan waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in ay mashaariicaha horumarineed ee ay ka hirgelin-donaan Somaliland ay ugu horayso, dhismihii ugu weynaa ee abid laga hirgeliyo Guud ahaan Afrika, kaas oo ay fursada u heshay in laga yagleelo Somaliland oo ah qaran curdin ah, nabad, & xasilooni buuxdana  ka jirto iyo Dawlad buuxisay Shuruudaha dawladnimo lagu noqon karo, kaas oo ka soo ifbaxaya Afrika.

 U qaybsamaha Arrimaha Somaliland iyo Somaliya ee Hay’adda UNICEF, Mr. Sikander Khan, waxa uu Somaliland uga mahad-naqay sidii balaadhnayd ee loogu soo dhaweeyey Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa, waxaanu xusay in shacab iyo xukuumadba ay lama huraan tahay in ay sii laban laaban dedaalka ay ugu jiraan ka midho dhalinta nabad-gelyada, horumarka iyo wax-wada qabsiga ay muujiyeen.

Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sidoo kale wax ka iftiimiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland taasi oo uu xusay in Xukuumada Somaliland oo kaashanaysa shacbigeeda, ay ka soo gudbeen Carqalado badan oo ka soo wajahay dhinacyada nabad-gelyada, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku uga xog-waramay Weftiga, dimuquraadiyada ka hana qaaday Somaliland oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid ku timid rabitaanka shacbiga, waxaanu ku amaanay Hay’adda UNICEF dedaalka ay u gashay in ay Somaliland ka hirgeliso dhismihii ugu balaadhnaa ee ay ku yeelato Afrika oo dhawaan la dhagax dhigi doono lagana bilaabi doono dhsimihiisa Hargeysa.

blankUgu danbayn madaxweyne ku xigeenka JSL, waxa uu Hay’addaha kale ee ka hawl-gala dalka u soo jeediyey in ay ku daydaan Hay’adda UNICEF oo ay ku dhiiradaan inay Somaliland ka dhigtaan saldhigooda koowaad ee Afrika.

Dhanaca xukuumada waxa Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey

1.     Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta, Dr Sacad Cali Shire

2.     Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Cismaan Garaad Soofe

3.     Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Debeda, mudane, Maxamed raage Ibraahim

Dhinaca Weftiga

1.     Mr. Sikander Khan,

2.     Mr Pteter Mason

3.     Ettie Higgins”

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories