Home“Somaliland iyo Soomaaliya waxa u wanaagsan inay noqdaan laba dal oo jaarnimo,...

“Somaliland iyo Soomaaliya waxa u wanaagsan inay noqdaan laba dal oo jaarnimo, walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhexeeyo…waanu wadahadali doonaa waqtiga munaasibka ah” – Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 02 March, 2012 (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka mid ah wufuudi ka qaybgashay shirkii 23 February lagu soo gebgabiyey dalka London, ayaa sheegay inuu shirku muhiim u ahaa Soomaaliya oo iyaga lagu casuumay aragtidoodan ay ka dhiibteen.

War mutiyeedkii shirka London waxa ku xusnaa in Somaliland iyo dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ay yeeshaan wadahadal ay kaga hadlayaan xidhiidhkooda mustaqbalka, iyada oo madaxweynaha dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu hore u  sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahal la furo Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo waraysi siiyey Idaacada BBC laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay inay Somaliland iyo Soomaaliya ay u wadashaqayeen sidii laba dal oo jaar ah, “Wadahadal damcan anigu waxaanu u aragnaa oo sida aanu u turjumaynayno waxaanu u aragnaa, in qadiyadu in aanu waxa wadahalo waxa naga dhexeeya,”ayuu madaxweyne Siilaanyo ku sheegay waraysigaas.

Waxaanu inta sii raaciyey Madaxweynuhu hadalkiisii, “Waxa naga dhexeeya waxaanu nahay dad walaalaha in aanu nahay oo wax badan oo masaalaxi ahi naga dhaxeyn karaan. Hase-ahaatee waxaanu ka wadahadali karnaa tahay madaxbanaanidayda aanu ku qancinayno walaalahayga oo aanu jecelnahay inay nala fahmaan oo ay tahay madaxbanaanidayda oo aanu sidii aanu kuwada shaqayn lahayn oo mandaqadda iyo samlaxadeeda iyo wanaageeda iyo sidii qolo waliba wixii qoloda kale dhaanto ee khibrad ah ee waayo-aragnimo ah la isku biiriyo ayaanu u aragnaa inay tahay inay maslaxadu ku jirto”

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey xilliga uu bilaabmayo wadahadal dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya ayaa yidhi, “Taa waqti aan anigu qabanayaa ma jirto, laakiin waqti alle iyo waqtiga la isla garto insha alle watacaal ayay noqon”

Mar madaxweynaha waxa laga waydiiyey inay kulmeen Madaxweynaha Soomaliya iyo in kale ayuu yidhi “Madaxweyne Shariif waxaanu isugu nimidnay  shirka London, shirkan wax sidaa badan dhaafsiisan ismaanaan odhan iyo kaftan aanu kaftano. Laakiin insha Alla  sida aanu sheegnay waanu ka wadahadali doonaa wixii danaha masaalaxa Somaliland ah ee waqtiga munaasibka ah,”ayuu sii raaciyey hadalkiisii Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Waxa kale oo madaxweynaha wax laga waydiiyey waxyaabihii ay masuuliyiinta Ingiriiska ka wadahadaleen inay rejo uga muuqato inay Soomaaliya markale cagaheeda dib ugu istaagto oo ay fowdada ka baxdo? Waxaanu yidhi “ ILAAHAY waxaanu u rajaynaan oo ay dunida oo dhami ay isugu timi oo ay dunida oo dhami u rejaynaysaa oo aanu aniguna aad u rajaynaynaa oo ay dunida oo dhami jeceshahay inay Soomaaliya fowdada  ka baxdo oo ay Soomaaliya noqoto dal xasiloon oo dunida iyo mandaqadda ay ku nooshahay wax ku tara oo ay nabadgelyo iyo xasilooni ku soo noqota, inta la rabay ee shirka loo qabtay inta weeye”

Mar Madaxweynaha wax laga weydiiyey inay Soomaliya sidii hore noqoto oo aad idinkuna aad danihiina meesha ka sheegatan sidee ayay idin la muuqata waxa uu yidhi “Maya ee anaga nooma muuqato ee anaga waxa noo muuqata sidii looga wadahadali lahaa sidii walaalnimo iyo wanaag ku jiro oo loo kala bixi lahaa oo iyada oo laba wadan oo walaalaha oo jaara oo fiican oo wada shaqayn leeyahay oo sidii wax loo wada qaban lahaa ee loo wada shaqayn lahaa oo danaha iyo maslaxadda mandaqada looga shaqayn lahaa ayaa anaga noo muuqata oo waata ta aanu ku shaqaynaynno”

Waxa kale oo madaxweynaha wax laga weydiiyey maadaam oo ay 1991 goosteen haddii ay dhibaataddii ku dhacday la xaaliyo inay Soomaaliya ka sii mid noqon karaan iyo in kale, “Waqti badan ayaa ka soo wareegay, taa waxa weeye dadka reer Somaliland way ka tashadeen oo go’aan ayay ka qaateen oo muddo badan ayay madaxbanaanayeen oo ay madaxbanaanidoodu ahayd oo dadkii ku koray imika ay yihiin dad waaweyn.

“Waqtibaa jiray geeska afrika oo dhami ay doonaysay inay Soomaali isku timaado oo ay dawlad qudha noqoto may suura-galin oo tana uguma horreyso laba wadan oo is-raacay uu is-raacoodii shaqayn waayo ugumu horren Somaliland iyo Soomaaliya. Maantana waxa weeye Somaliland iyo Soomaaliya inay si wanaagsan oo jaarnimo ah oo fiican oo walaaltinimo ka dhaxayso inay iga oo laba waddan ah oo wanaag ka dhexeeyo oo ay wadashaqayn iyo iskaashi lahaadan ay ugu fiican tahay,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories