HomeShirkadda JET Oil oo ku dhawaaqday inay ka qaybgalayso Tartanka Haamaha Shiidaalka...

Shirkadda JET Oil oo ku dhawaaqday inay ka qaybgalayso Tartanka Haamaha Shiidaalka Berbera

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dubai, 02 March, 2012 (SLpost)-Maareeyaha Shirkadda JETOIL ganacsade Cawil Cawl Cabdillaahi, ayaa daboolka ka qaaday inay shirkadoodu ka qaybgelayso tartanka Haamaha Shiidaalka Berbera, soona dhaweeyay go’aanka xukuummaddu ku fasaxday  Qandaraaska ay ku bixinayso.

Ganacsade  Cawil Cawl waxa uu ugu baaqay Guddida Qandaraasyada Qaranku inay dhex u noqdaan
shirkaddaha loolanka ugu jira tartanka Haamaha oo aanay cid gaara garabka saarin.

Sidaana waxa lagu sheegay war-murtiyeed uu soo saaray Maareeyaha shirkaddaas oo ku sugan magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka Carabta.

War-murtiyeedkaas oo dhammaystirana waxa uu u dhignaa sidan;  “Shirkadda JET oil waxay soo
dhawaynaysaa uguna mahadnaqaysaa xukuummadda Somaliland go’aanka ay ku fasaxday in tartan qandaraas ay ku bixinayso Kaydka Haamaha shiidaalka Berbera, taasoo aanu hore u aaminsanayn, islamarkaana aanu hore isugu daynay ka qaybgalka tartankaas, ka hor intii aan xukuummaddu u gacangelin Gudida sida ku meelgaadhka ah u soo maamulaysay.

Guddida Qandaraasyadda Qaranka waxaan ugu baaqayaa inay si cadaalad, xalaal  iyo dhexdhexaadnimmo ah ugu xaqsooraan Shirkaddaha doonaya ka-qaybgalka tartanka Haamaha Shiidaalka, oo aan cid gaara laga xigtaysan shirkadaha loolanka ugu jira.

Shirkadda Jet Oil waxay diyaar u tahay ka qaybgalka tartanka Haamaha shiidaalka Berbera, anagoo hore u keenay hawlwadeenno ka tirsan shirkadad Jet Oil oo ajaanib ah, kuwaasoo indho indhayn ku
sammaysay xaaladda haamaha, islamarkaana waxaannu dalka keenaynaa xubno kale oo ka socda shirkad ajaanib ah oo aannu ku midaysanahay tartanka Haamaha.

Shirkadda JET OIL waxay diyaar u tahay buuxinta wixii shuruudo ah ee looga baahanyahay ka-qaybgalayaasha tartanka Haamaha Shiidaalka Berbera, iyadoo aanu hore ugu guulaysanay inaanu daboolno baahidii shiidaalka diyaaradaha wakhtigii kala guurka ahaa markii dalka laga
caydhiyay shirkaddii TOTAL ee hore u maamulaysay haamaha shiidaalka Berbera.

Gebogabadii, waxaan bigaadin u dirayaa xukuummadda Somaliland, xisbiyadda qaranka iyo masuulliyiinta Goleyaasha Qaranka ee ka qaybgalay shirkii London, kaasoo ay ka soo baxday natiijo farxadgelisay shacabka Somaliland, islamarkaana u soo hoysay Somaliland inay il gaara ku soo eegaan shirkadaha maalgelinta ee adduunku. ”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories