HomeMadaxweyne Siilaanyo iyo qayb ka mid ah Weftigii Ingiriiska tagay oo dalka...

Madaxweyne Siilaanyo iyo qayb ka mid ah Weftigii Ingiriiska tagay oo dalka ku soo laabtay, si aan hore u dhicinna loo soo dhaweeyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 03 March, 2012 (SLpost)- Weftigii uu hoggaaminayey Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland  Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta  dib ugu soo laabtay  caasimada dalka ee Hargeisa , ka dib markii ay magalaada London kaaga qayb galeen shirki ay dawlada Ingirisku soo qaban qabisay ee 23 bishu aynu ka soo gudubnay

blankWeftiga madaxweynaha oo diiran loogu soo dhaweeyay Madaarka Cigaal International airport, waxa soo dhaweynta ka qayb-galay  Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil “Saylici” Shirgudoonka Golaha Baarlamanka, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Madaxda Xisbiyada,Ururada Siyaasada, Salaadiin iyo dadweyne kale, iyada oo inta badan Wasiirrada xukuumaddiisa, Shir-guddoonnada Golayaasha iyo masuuliyiin hore uga qayb-gali jiray soo-dhawaynta madaxweynaha aan lagu arag goobta soo-dhawaynta ee madaxweynaha, balse masuuliyiintani waxay soo-dhawaynta madaxweynaha kaga qayb-galeen qasriga madaxtooyada.

blankMadaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland  Md, Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu salaan Sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka.

Markaas kadib waxa uu Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” oo Qolka Nasashada ee Madaarka Cigaal International airport ugu waramayay warbaahinta ayaa sheegay in Weftiga uu hogaaminayaa ay talo midaysan kaga qayb galeen Shirkii lagu qabtay 23kii bishii hore ee Febarwery Magaalada London ee  lagaga hadlayay xaalada dalka aynu deriska nahay ee Somalia waxaanu Madaxweynuhu xusay in Somaliland lagu martiqaaday shirkaas si buuxda oo nidaam dawladeed ah isla markaana ay ku jeediyay khudbad ka turjumaysa dareenka iyo rabitaanka ummada Somaliland .

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Shirkaas lagu soo hadal qaaday wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia mustaqbalka soo socda kaas oo aanu u aragno ayuu yidhi in Somaliland aanay ku biirayn Somalia laakiinse ay qadiyadeedu tahay sidii ay aqoonsi buuxa u heli lahayd isla markaana ay caalamka intiisa kale mar  walba u bandhigayaan Guulaha ay Somaliland Gaadhay iyo Himilooyinka u Qorshaysan.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland  Md, Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxaa kale oo uu Xusay inay kulamo kala duwan la yeesheen duwal faro badan oo ka soo qayb galay shirkaas waxa uu Madaxweynuh intaas ku daray in natiijadii ka soo baxday Shirkaas ay wax badan ka bedeli doonto Saaxada Siyaasada Somaliland .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu u mahadnaqay Jaaliyada Somaliland eek u dhaqan dalka Uk oo dareenkooda ku aadan jiritaanka Somaliland ku muujiyay banaan bax balaadhan oo ay sameeyeen 22 bishii hore kaas oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ay weftigiisu kala qayb qaateen.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada ee Somaliland Mudane Maxamed C.laahi Cumar oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyay Shirar duceedyadii ay weftiga Madaxweynuhu Hogaaminayaa la qaateen wufuudii ka kala socotay Caalamka kuwaas oo ay ka mid yihiiin dawladaha Turkiga, Denmark, Holland, Siishalis isagoo intaas ku daray in dhawaan dalka ay iman doonaan wefti ka socda dalka Turkiga si ay u qiimeeyaan meelaha ay Somaliland ka gacan siin doonaan.

Wasiirka arrimaha dibadu waxa uu sheegay in dalka Turkigu uu Somaliland ku marti qaaday shir ay martigelin doonaaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Weftigiisa ayaa marka kadib waxaa loo soo galbiyay xarunta qasriga Madaxtooyada,.

Mudane Axmed Maxamed Maxamud {Siilaanyo} ayaa la arkay isagoo si kadiso ah uga dagay gaadhigii uu saarnaa meel u dhow guriga hay’ada Shaqaalaha dawlada waxaanu lug ku tagay Qasriga Madaxtooyada.

Madaxweynaha waxa maanta ku weheliyay soo guryo noqoshadiisa Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories