Home“Somaliland gudaheeda waanu ogolnahay wixii wax tirsanaya, laakiin qolo leh waanu ka...

“Somaliland gudaheeda waanu ogolnahay wixii wax tirsanaya, laakiin qolo leh waanu ka madaxbannaanahay wadahadal lama galayno” – Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 03 March, 2012 (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka hadlay qaabka ay Somaliland wada-hadal ula yeelan karto Soomaaliya haddiiba ay timaaddo in labada dal gogol isku wajahaan aayo-ka-talinta mustaqbalka labada dal. Wax kale uu madaxweynuhu rejo fiican ka muujiyey natiijada kulamo uu la yeeshay masuuliyiin badan oo ka tirsan dalalka caalamka isaga oo dhanka kale xusay cidda ay xukuumaddiisu wada-hadal kala samaynayso kooxaha nabad-diidka ah ee gobollada Bari qaarkood.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramayay warbaahinta ka dib markii uu safar todobaadyo qaatay ugu kicitay dalka Ingiriiska oo uu kaga soo qayb-galay shirkii lagaga hadlayey arrimaha Soomaalida, ayaa ugu horreyn ka hadlay qodobo ka mid ah waxyaabihii lagu soo qaaday shirka London ee khuseeya danaha Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Arrimaha shirka lagu soo qaaday dabcan waa laga wada hadlay arrimaha Soomaaliya oo waxa laga wada hadlay in mustaqbalka Somaliland iyo Soomaaliya ay u wada hadlaan. Anaguse waxaan u wada hadlaynay maaha Soomaaliya ayaa la isku noqonayaa, Somaliland oo marwalba qadiyadeeda hadday horayso iyo hadday dabaysaba mar walba goonideeda ayey uga hadlaysaa oo siday tahay ayey u sheegaysaa.”

Waxaanu madaxweynuhu hadalkiisa sii raaciyey “Shirarka aanu ka qayb galnay iyo mudaharaadka aanu ka qaybgalnay oo waxaanu dibada ka helnay taageero badan oo waxa uu ahaa shirkaasi, shir aad iyo aad u faa’iido badan inoo leh, waxaanu is aragnay dawladda ingiriiska wasiirka u qaabilsan arrimaha mucaawinada iyo wasiirka arrimaha dibada ee dalka Ingiriiska.”

Madaxweynaha mar wax laga waydiiyey inuu wadahadal la bilaabayo dalka Soomaaliya ee ay qulqulatooyinka dagaalka waxa uu yidhi, “Maanu gaadhi heshiis  cidda aanu la hadlayno, laakiin dawladkasta oo timaada oo Soomaaliya ah ka wada hadlimayno sidii Somaliland iyo Soomaaliya ay isu- raacilahaayeen, waxay noqonaysaa sidii laba dawladood oo kala madaxbanaan aynu samaynaynaa. Waxa uu hadalkiisa ku daray, “Madax bannaanida Somaliland cid aanu marti uga nahay ma jirto, laakiin wixii nabadgalyada ku saabsan ee mandaqada ama iyagu inta badan nooga baahdaan geedi-socodka nabada siday ugu baahan yihiin waanu ka caawinaynaa.”

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyey maadaama ay jiraan dad ku nool goboladda Bariga oo saluugsan xukuumadiisa waxa uu ugu baaqayo, waxa uu yidhi, “Dadka Somaliland ee wax tirsana in badan waxaanu ugu baaqnay oo immikana ay u furan tahay wadahadalkii oo bulshada ayaa dawlad loo yahay oo waa in wax lala qabto oo cabashooyinkooda la dhegaysto waa mid furan oo xalaala ah .Waxaa aan furayna waxa weeye wax waddan kale sheeganaaya in aanu xidhiidh la furno ma ogaalin.”Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaanu madaxweynuhu hadalkiisa sii raaciyey “Somalilandgudaheeda waanu ogolnahay wixii wax tirsanaaya in aanu kala hadalno, laakiin qolo leh waanu ka madaxbannaanahaySomalilandwadahadal aanu la galaynaa ma jirto.”

Mar Madaxweynaha mar wax laga waydiiyey inay jiraan ciidamo lagu tababaro gobollada Bariga, waxa uu yidhi, “Anigu waxba kama ogi oo arrimaha Buuhoodle hore ayuu qaranku uga hadlay oo buuhoodle waxay ka mid tahay Somaliland, aad ayaanu uga xunahay haddii shacabka ay wax soo gaadheen.”

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories