HomeSeddex Cadaw oo Camal tiray Curdin badan: Cagaf Qooqan, Cudud Qalafsan, Caqli...

Seddex Cadaw oo Camal tiray Curdin badan: Cagaf Qooqan, Cudud Qalafsan, Caqli Gaaban. Faallo: Wariye Mustafe Future

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
blank
Mustafe Future

Damiirka Bani aadamku waxa uu Damqadaa marka uu Milicsado Masaakiin Cudud ka Awood Bani Muquuniso, waxaanu ka dhiidhiyaa Dhibaato kasta oo Waxyeelo u keeni karta Danyarta taagta daran ee ubadan Maxaysato iyo Muruqmaal nolol Maalmeedka ka ritay Agagaarka Suuqyada.

Qof kasta oo ka Ag-dhawaa Hawlgalkii Dawlada hoose ku Baneeyeen qaar ka mid ah Jidadka Magaalada hargeisa labadii Maalmood ee ugu Dambeeyay waxay indhihiisu Qabteen Cagaf Qooqan oo Cagta marisay Meherado badan oo Maati danyar ahi ka xoogsan jireen kuwaasi oo aan loo Aabo yeelin hanti wixii ay haysteen laguna daray Xashiishkii Cagaftu ku Guraysay Baabuurta Shaanbooyada ah ee lagu Banaynayay Jidadka Magaalada Hargeisa.

Ma jirto Cid ka hadashay Khasaaraha Dhabta ah ee uu Gaystay Hawlgalkii Dawladaha Hoose iyo Wasaarada Arimaha Guduhu iska kaashadeen marka laga Reebo Maayarka Hargeisa oo ku Tiiqtiiqsaday Masaakiinta Hantidoodii la burburiyay isla markaana ugu Baaqay inay ka Baxaan Faras Magaalaha.

Caqliga Saliimka ahi waxa uu dhigayaa in Nabad galyo wax lagu Xaliyo oo aan Maatida Loo Adeegsan Cudud Qalafsan oo Caydhisay Muruqmaal iyo Masaakiin badan oo Nolol maalmeedmooda ka raadsada Agagaarka Wadooyinka, kuwaasi ay ahayd Xukuumadu inay Talaabo nabad galyo ah ku Dhamayso Arinkooda isla markaana ay u jiheeyaan Dariiq cad oo la isku waafaqsanyahay oo ay kala soo bixi karaan quutal daruuriga, Waxaa lama ilaawaan ku Noqotay Qof kasta oo ku dhawaa hawlgalkii doraad Arxan darada Xukuumadu ay shacabkeeda kula kacayso iyo maangaabnimada lagu Dilay Muwaadin Xoogsanaya oo aan waxba galabsan taasi oo ay waliba hore u jirtay in Marxuumka Walaalkii la sheegay in ay Dawlada hoose hawl gal ugu dishay.

Ma xuma in Bilicda Magaalada laga Wada shaqeeyo balse waxaa Xaaraan ah in Dhiiga Shicibka la daadiyo oo la burburiyo Hantida masaakiin aan ka soo kaban Karin waxyeelada loo gaystay, arintaasi oo niyad jab ku ah Shacabka Reer Somaliland ee Awooda loo Adeegsaday isla markaana Xasuusinaysa Hadimooyin badan oo shicibka Reer Somaliland kala kulmeen dawladihii soo maray.

Waxaa is waydiin Mudan Maxaa Sababay in hawl gal kasta oo Xukuumadu Fuliso Dhiig ku daato? Maxaa sababay in Hawlgal kasta Rabshado ka dhacaan Shacabkana Qori loo isticmaalo? Maxaa Sababay in Xukuumadu Hanan waydo dadwaynihii soo doortay ee ay u Ajiibi waayeen Amarada ka soo baxa Xukuumada?, Waxaa is waydiin leh in Caqli Saliim ah lagu Jaangooyo Siyaasada lagula Dhaqmayo Bulshada taasi oo aan keenayn Hadimo iyo hantaaq midna.

Meeqaamka Nololasha Bulshadu marba meel ayay taagantahay Xukuumad kastaana waxay la jaan qaadaa Heerka Wacyiga Bulshadeedu taaganyahay, waxaana Mudan in Masuuliyiinta Waayuhu wax baro maadaama oo ay soo mareen Marxalado siyaasadeed oo kala gedisan.

Arintan ayaa u muuqanaysay in Dhiiga Muwaadiniintu aanu Qiimo badan ka lahayn Xukuumadda Agteeda maadaama oo Hawl gal kasta ay inagaga dhimanayaan Da,yar aan Waxba galabsan oo Gacan dawladeed ku dhimata isla markaana ay ka samri waayaan Qoysaskii uu ka soo jeeday Muwaadinkaasi.

Xawaaraha xukuumadu Xal buu u baahanyahay lagu Jaangooyo Habdhaqanka Bulsho, Haddii Bilic la rabo Sharcigu yaanu Qaban Masaakiinta aan Awooda lahayn ee Ha qabto Maalqabeenada iyo Wasiiradda Hadh iyo habeen Boobka ugu jira Danta guud, haddii jid la banaynayona ha loo sinaado sharciga oo yaan loo kala aabo yeelin Madax iyo Mijoba.

Isku soo wada duuboo Dawladu waxay Dawlad ku Tahay Shacabkeeda, Hanashada Bulshadana Hadimo ma keento ee Hawlgaladda la fulinayaa yaanay Noqon kuwo galaafta danyarta iyo Muwaadiniinta waayuhu wadooyinka dhigay ee aan Ceelna u qodnayn ciddina u maqnayn, Sharciguna yaanu Noqon mid Lagu Guulwadeeyo oo Cid gaar ah Qabta, Dawlada Siilaanyona Degdeg badan baa ka muuqdee Dib ha u eegto Falalka Maalin laha ah ee ay Fuliyaan Masuuliyiinteedu iyo Saamaynta ay ku yeelan karto Bulshada ku Xeeran, Haddii kale waxa dhici doonta iska hor imaadyo ka Hawl badan kuwa Maanta dhacaya kuwaasi oo wiiqi kara Qaranimada iyo xornimada labaatan jirsatay ee Somaliland ku caana maashay.

Mustafe Future

mccfuture@hotmail.com 

Hargeisa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories