HomeKhadra Xaaji Gaydh: Shakhsi ka soo baxday hawsheeda oo ku suntanaan doonta...

Khadra Xaaji Gaydh: Shakhsi ka soo baxday hawsheeda oo ku suntanaan doonta taariikhda Gabiley

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dagmadaan ku noolahay

Nin dillaala mooyee

Nin daryeel yidhaahdaa

Duli buu ka qoran yahay.

Daba Taxan: Abwaan Gaariye

Aduunyadan aan ku nool nahay waxaa la isku qadariyaa oo la isku maamusaa guulaha aad ka gaadhay noloshaada iyo mida aad ku soo kordhiso bulshadaada, taasina waa ta bulshadu horumar ku gaadhi karto hadiise aan la hanbalyayn qofka mutaysta waligeen kob caano leh ka soo biyo cabi mayno.

Sikasta oo ay ahaataba waxaa dhaqan u ah in cid walba oo hormar iyo guulo la taaban kara hiigsanaysa in loo hanbalyeeyo oo lagu dhiiri galiyo wax qabadkaa uu qabtay si ay ugu noqoto miqiyaas uu ku cabiro waxqabadkiisa iyo sida loogu riyaaqsan yahayba, hadaba waxaan la iska indho tiri Karin waxqabadka la taaban karo ee ay ku talaabsatay gudoomiyaha gobalka Gabiley Khadra xaaji gaydh.

Iyada oo tusaale u noqotay maayarada gobalada kale ee Soomaliland in ay ku daydaan oo ay ka eegtaan waxqabadkeeda, taasina waa ta keentay in madaxwayne Siilanyo ku soo qaado talaabada hormarka leh ee ay khadri  gaadhay intii ay xilka haysay khudbadii sanadlaha ahyd ee dastuurku u siiyay inuu kula hadlo labada gole.

Tan iyo markii dalka lagu soo noqday waxaa Gabiley mayor ka noqday ku dhawaad tobaneeyo mayor oo dhamaantood in doora hayay xilkaasi balse aan ka tagin shay kaliya oo lagu xasuusto oo dhaxal gal u ah dadwaynahah amaba  soo jiita indhaha  bulsho waynta ree gabiley, xataa iska daa soo jiidashe ee qofna muu soo hadal qaadi jirin, balse maanta oo ay la wareegtay Khadra H. Gaydh  ayaa waxay noqotay hoy dadwaynaha ree gabley wada dhugtaan oo ay afka ka qaadi waayaan hormarka balaadhan ee ay ku talaabsatay gabadhii ugu horaysay ee mayor dalka ka noqota iyadoo u jeexday tobiyo suuban oo mayorada ka danbeeyaa ku hiran doonaan oo ay is waydiin doonaan maxaa lagugu xasuustaa ee aad soo kordhisaa????

Haddaan jaleecno waxqabadyada taariikhiga ah ee lagu xasuusan doono Khadra oo mudo ku dhow sanad gudaheed ku qabatay dhisida wadooyin dhexmaraya badhtamaha magaalda Gabiley oo aanan waligayna ku riyoon mayor ayaa dhisi balse hada noqotay dhab, sidoo kale waxay dayactir ku samaysay dawlada hoose ee Gabiley oo tan iyo lixdankii aan dib loo eegin, kasakow dayactirka dawlada hoose waxay ku soo kordhisay  hool wayn oo la mid ah kuwa ugu waawayn Somaliland oo si wanaagsan loo qalabeeyay.

Bal aan eegno Gabadh ka tirsan dadwaynaha ree Gabiley oo ka hadlaysa hormarka gobalku ku talaabsaday ee hormuudka ay u tahay Khadra X. Gaydh” tan iyo lixdankii oo aan joogay wali tanoo kale maan arag, albaabka dawlada hoose illaa wakhtgii ingiriiska ayuu sidaa ahaa maantana waadigaa arkaya quruxda iyo bilicda ka muuqada guud ahaan dawladii hoose”

geesta kale waxay hada gacanta ku hayaan oo gabogabo ah guriga martida oo ah mid si wayn gobalku uugu baahnaa kaasi oo noqon doona in ay ka raysan doonaan guryihii kirada loogu jiray ee loo isticmaali jiray martida.

Guntii iyo gabagabadii waxay tani anfariir iyo af kala qaad ku noqonaysaa cid walba oo aan jeclayn hormarkan la gaadhay iyagoo  miciinsan doonaan guux iyo hadalo dhiilo ah oo aan la jeclaysan

Waxaan u soo jeedinayaa ree Gabiley inay  raacaan toobiyaha hormarka ah ee maamulku wado lagulana xisaabtamo wax walba oo qalada oo dhinacooga ka yimaada si sharaf iyo xushmadi ku jirto, sidoo kale lagu taageero oo lagu bogaadiyo waxqabadka indhaha aan laga qarsan Karin ee ay ku talaabsadeen.

Wa bilaaahi tawfiiq

Mustafe Muxumed Cade

Email:mustafemx@hotmail.com

Hargaysa, Somaliland 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories