HomeXarunta Gargaar ee Xawaaladda Dahabshiil oo Dib-u-habeyn Casri ah lagu Sameeyey iyo...

Xarunta Gargaar ee Xawaaladda Dahabshiil oo Dib-u-habeyn Casri ah lagu Sameeyey iyo Adeeggyo Cusub oo loo kordhiyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 04 March, 2012 (SLpost)- Xarunta dhexe ee xawaaladda shirkadda Dahabshiil ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu sameeyey dib-u-habayn casir ah iyo adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyey adeegyada xawilaadaha lacagaha iyo sarifkoodaba.

Dib-u-habayntan lagu sameeyey xarunta dhexe ee dhismaha Gargaar ee badhtamaha magaalada Hargeysa, ayaa nidaam casri ah oo aad u qurux badan loo dhisay qaybaha adeegyada dadweynaha ee xawaaladda iyo sarifka lacagaha, iyadoo sidoo kalena wax-ka-beddel indhaha soo jiidanaya lagu sameeyey xafiisyada shaqaalaha, kuwaas oo dhammaantood soo jiidanaya indhaha dadka.

blankHaddaba, dib-u-habaynta lagu sameeyey xarunta dhexe ee xawaaladda Dahabshiil ee magaalada Hargeysa iyo hawlaha kale ee shirkadda waxa ka warbixiyey Maamule-ku-xigeenka laamaha shirkadda Dahabshiil Mr. Xirsi Barre Warsame oo u warramay weriye Xadiis Maxamed Xadiis.

“Shaqada dib-u-dhiska xaruntani sida ka muuqata waxa loo dhisay qaab waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee xafiisyada lacagaha dunida, waxaannu barnaamijkani hordhac u yahay qorshe cusub oo aannu doonayno inaannu dhowaan shaqadan oo kale ka qabano xarumaha shirkaddu ku leedahay caalamka oo dhan, si aannu hore ugu sii socono kaalintayadii hormuudka shirkadaha xawaaladaha lacagaha iyo baananka, isla markaana kor ugu qaadno raaligelinta macaamiisha shirkadda Dahabshiil.

Waana barnaamij aanu doonayno in aannu gaadhsiino dhamaan laamahayaga kala duwan oo dhan, balse hadhaw waxa uu dib u dhiskani noqondoonaa mid ay ka wada faa’iidaystaan laamaha shirkadda Dahabshiil iyadoo loo eegi doono siday u kala mudan yihiin. Marka aan ku leeyahay laamaha shirkadda waxa loo kala hormarinayaa siday u kala muddanyihiin waxa loo eegayaa sida ay hawl-maalmeedkoodu u kala cuslusyihiin,” ayuu yidhi Mr. Xirsi Barre.

Maamule-ku-xigeenka oo weriyuhu wax ka waydiiyey baaxadda shaqada ay dadweynaha u hayaan iyo inta culayskeedu le’eg yahay, waxa uu yidhi, “Waa runtaa in aannu babac dhigno fulinta adeeggyadii xawaaladaha, sarifka iyo tii baannanka ee qaranku qaban jiray, waa hawl culeyskeeda leh, balse Dahabshiil ahaan waanu qabanaa waxaas oo dhan wax mushkilad ah oo ay nagu haysaana ma jirto, waayo Dahabshiil shaqadan waxay ku soo jirrtay in ka badan 40 sannadood.

blankDhinaca kale waxyaabaha shaqadaasi culus noo fududeynaya waxa ka mid ah shaqaalahayaga oo ah kuwo ay aqoontooda iyo tababarkooduba aad u sarreeyo iyaga oo adeegsanaya qalab casri ah oo fududaynaya shaqada dadweynaha loo qabanayo, adeegga casriga ah ee aannu ku sheeqayno waxa ka mida technolojiyadda cusub ee caalamka ka jirta oo aannu tii ugu dameysay Dahabsbhiil ahaan ku shaqayno.”

Mar weriyuhu weydiiyey maamule-ku-xigeenka waxa uga qorshaysan saacadaha shaqada ee marmarka qaarkood iyada oo macaamiishoodu safaf ku jiraan shaqada la joojiyo, waxa uu yidhi, “Runt ahaantii subaxii waxaannu shaqada soo gallaa 7:30, xafiisyada shirkadda waxa la xidhaa marka salaadda Duhur la adimo, waxaannuna dib u furnaa 1:00 duhurnimo kadib marka shaqaaluhu soo qadeeyaan, iyagoo furnaada ilaa 5:30 galabnimo. Waanad garan kartaa saacadahaa faraha badan ee ay furanyihiin xafiisyada shirkadda Dahabshiil, waxaannu u shaqaynaynaa waa raaligalinta dadweynaha kala duwan iyo macaamiishayada, si aannu ugu qabano adeeggyadii ay nooga baahnaayeen.”

Dhanka kalena, waxaannu leenahay meelo kale oo fara badan oo ay dadweynuhu ka helikaraan adeeggayaga cusub ee E-kaashka sida meheradaha waaweyn ee suuqyada iyo xafiisyo kale oo badan, kaas oo aannu ugu talogalnay in aanay dib uga dhicin dadweynaha shaqadii ay nooga barteen. Sidaa darteed markay xidhan yihiin xafiisyada Dahabshiil dadka waxaannu ugu talogalnay inay lacagahooda E-kaashka kaga qaataan meheradaha iyo hudheelada waaweyn, kuwaasi oo ay si dhibyar uga helikaraana adeegga Dahabshiil.”

blankMaamule-ku-xigeenka laamaha Dahabshiil oo la su’aalay halka uu marayo adeegga lacagaha la isugu diro mobilka oo shirkaddu waday iyo qorshahooda sannadkan cusub, waxa uu kaga jawaabay, “Barnaamijkaasi E-Dahab waa la dhameeyey hawshiisii waana gebogabo, waxaannuna rajaynaynaa inaan dhawaan dadweynaha u soo bandhigi doono adeegga hufan ee E-Dahabka oo aan is leeyahay wax badan buu dadweynaha u fududayndoonaa halwahooda ay Dahabshiil uga baahan yihiin

Sanadkan cusub ee 2012-ka shirkadda Dahabshiil waxay ku talo-jirtaa inay waxbadan ku soo kordhiso adeeggyadeedii ay bushalada u qaban jirtay, waxaana ka mid noqon doona adeeggyadaasi goobaha ay dadku gaadiidkooda dhigtaan xilliyada ay lacagahooda ka qaadanayaan Dahabshiil ama ay dirsanayaan, barnaamijka E-Dahabka oo aan hore u jirin iyo sidoo kale inaanu adeeggyadii hore ku soo kordhino inay dadku adeegga Dahabshiil kala socon karaan Computer-radooda.

Arrimahaas oo dhan waxaannu u samaynaynaa waa si aannu qofka loo adeegayaa waqti dheer noo sugin, waxaanan rajaynayaa inay bulshada aannu u adeegaanaa sannadkan cusub xafiisyada Dahabshiil qaybahooda kala duwan kala kumli doonaan adeegyo cusub oo raaligalin doona,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Maamulaha laamaha xawaaladda Dahabshiil Mr. Xirsi Barre Warsame.

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories