HomeKulan lagu gorfaynayey Casriyaynta Shuruucda Maaliyadda Somaliland oo lagu qabtay Hargeysa

Kulan lagu gorfaynayey Casriyaynta Shuruucda Maaliyadda Somaliland oo lagu qabtay Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- In ka badan 50 Xildhibaan oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, Hanti-dhawrka, Guddida Qandaraasyada, Xisaabaadka guud, Ssharciyaqaanno iyo Aqoonyahanno kala duwan, ayaa shalay ka qeyb galay Kulan lagu gorfeynayey sidi la isu waafajin lahaa shuruucda dhaqaale ee casriga ah iyo  sharciyada maaliyadeed ee dalkeenna laga isticmaalo.

Kulankaas ayaa waxa uu daba socday kulammo badan oo lagu gorfaynaayey sidii la isugu dheelli tiri lahaa shuruucda maaliyadeed ee casriga ah iyo kan waddeenkeenna lagaga dhaqmo oo sida la sheegay la sameeyey 40 sano ka hor. Waxaana hirgelinta Barnaamijkan iska kaashaday Baanka Aduunka iyo Xafiiska  isku xidhka Barnaamijka dib-u-habaynta shuruucda dhaqaale ee Somaliland (PFM Secretriate) oo muddo Siddeed Bilood ah ku hawlanaa hirgelinta nidaam sharciyadeed oo ay ku wada shaqeeyaan hay’adaha dawliga ah ee ay khusayso Maamulka iyo maareynta Maaliyadda dalku  iyo sidii  shuruucda maaliyadeed ee Somaliland  ula jaanqaadi lahayd shuruucda casriga  ee dunida laga isticmaalo.

Xafiiska  isku xidhka barnaamijka dib-u-habaynta shuruucda dhaqaale ee Somaliland (PFM Secretriate) Dr. Xasan Jaamac oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen mashruucan iyo qorsheyaasha Xafiiskiisu higsanayo ee mustaqbalka, waxaanu xusay in iyaga oo kaashanaya sharci-yaqaano isugu jira muwaadiniin ah iyo khubaro caalami ah ay diyaariyeen nuqullo sharci oo ay ka mid yihiin Xeerarka Kastamka, Cashuuraha Berriga, Hant-dhawrka Guud, Guddida Qandaraasyada iyo  Xisaabaadka Guud. Dr. Xasan waxa uu tibaaxay in shuruucdani noqonayaan kuwo wax ku ool u noqonaya Somaliland  waxana uu sheegay  waxa uu mudaneyaasha Golaha Wakiillada ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan hirgelinta shuruucdaas.

Qaar ka mid ah mudaneyaashii ka hadlay shirkan ayaa tafaasiil ka bixiyey ahmiyada ay shuruucdani u leeyihiin dalka iyo sida loogu baahan inay sharci-dejinta xil weyn iska saaraan. Xildhibaan Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), oo ka mid ahaa Mudaneyaashii aragtidooda ku cabbiray shuruucda ayaa soo dhaweeyey shuruucdan oo uu sheegay inay yihiin waajibaadkii Xukuumadda iyo Xeer-dejinta, waxaanuyidhi; “Sababta Mudanaha Wakiil loogu bixiyey waxa weeye inay ka turjumaan rabitaanka muwaadiniinta, markaa waxaan soo jeedinayaa inay mudaneyaashu xil weyn ka saaraan xeerarkan oo ah kuwo fadhiya rabitaanka bulshada, dalkuna aad ugu baahnaa.”

“Waxaad mooddaa shantan xeer inay ku fadhiyaan hab isu dheeli-tiraya oo lagu ilaalinayo dakhliga waddanka iyo kor u qaadidda nidaamkiisa, waana habka ugu habboon ee lagu karo maaliyadeenna waxaana xoogga la saaray qeybta qandaraasyada oo ah ta ugu muhiimsan maaddaama ay wax kasta soo maraan, waxaan soo jeedin lahaa inay Xildhibaan dhiirradaan , maxaa yeelay markii ugu horeysay ee aynu soo saarno xeer si dhab u dabaqaya dalkeena.” Sidaana waxa yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Askar oo ka mid ahaa Mudaneyaashii kulankaasi ka hadlay.

Xoghaya Guud ee Xisbiga KULMIYE, Xasan Siciid Yuusuf, ayaa sheegay in ballan-qaadyadii Xisbigooda ay ka mid ahayd toosinta iyo kobcinta hay’adaha kala duwan ee Somaliland, Sidaa darteed-na ay soo dhaweynayaan talaabadan Xisbi ahaan. Xasan Siciid oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Mawqifka Xisbiga KULMIYE, waxa weeyaan meel marinta iyo hirgelinta shuruucdan, Madaxweynahana waxaan qabaa in aanu diidanayn hirgelinta shuruucdan, Waajibaadka Golaha Wakiiladda ayaa looga baahan yahay inaad si mug leh oo aanay caadifadi ku jirin u dhamaysaan shuruucdan aynu baahida weyn u qabno.”

Hanad Xaashi Caydiid oo ka mid ahaa Aqoonyahannadii ka qeyb-galay kulankaas gorfeynta ah, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay nidaamka maaliyadeed ee Somaliland lagaga shaqeeyaa inuu yahay kii ay ku shaqayn jireen Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre iyo dawladihii Soomaaliyeed ee ka horreeyey, waxaanu yidhi;  “Waxaa nasiib-darro ah in shuruucda Maaliyadeed ee aynu Maanta isticmaalnaa ay yihiin kuwii Dawladdii Siyaad Bare iyo Dawladihii ka horeeyey, waxaan markaa xildhibaanada leeyahay wixii la idiin doortay wuxuu sidii aad ummaddan ugu horseedi lahaydeen isbedelo aad ku samaysaan shuruucdii gabowday kani ugu horeeyo, arrimahan oo kalena waa wixii lagu doortay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga KULMIYE.” “Waxanan aaminsanahay in arrintani ay tahay dariiqii aynu ku gaadhi lahayn mashaariicda horumarineed ee dunidu taageeri lahayd, maadaama ay World Bank-kuba ay inoo ogolaadeen inay maalgeliyaan kaabista dhinaca shuruucda casriga ah ee hay’adaha dawliga ah ee ku shaqada leh hawlaha Maaliyada, isbedelkan sharci-na waxaan rumeysanahay inay Madaxweynaha iyo Xisbul-xaakimka KULMIYE.” Sidaa ayuu yidhi Aqoonyahan Hanad.

Gebagabadii kulankaas ayaa waxa iyana halkaasi ka soo jeediyey hadallo isugu jira xog-warran, sharaxaad iyo dardaaran, Xildhibaano kale oo ay ka mid yihiin Aadan Tarrabbi Oogle, Xildhibaan Cabdikariin Aw-Cali Shabeel, Xildhibaan Axmed Kijaandhe iyo Xildhibaan Baar Siciid. Farxaan Maxamed Mumar iyo Ducaale Cabdi  oo ka mid ah hawl-wadeennada Xafiiska PFM-ka ayaa iyaguna ka qeyb-galayaasha kulankan uga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay isaga xil saareen ka soo qaybgalka iyo aaraah ka dhiibashada kulankaas, waxaanay u qeybiyeen nuqulladii sharci ee barnaamijkaas.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories