HomeHargeysa: Bannaan-bax lagaga horjeedo go’aankii Golaha Wakiilladu ku laaleen Diiwaangelinta oo ka...

Hargeysa: Bannaan-bax lagaga horjeedo go’aankii Golaha Wakiilladu ku laaleen Diiwaangelinta oo ka dhacay Baarlamanka hortiisa

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa, (SLpost)- Ciidammada Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa kala dareeriyey Koox dhalinyaro ah oo bannaanbax ka hor-sameeyay shalay xarunta Baarlamanka Somaliland, kuwaasoo ay Ciidammadu ka qaadeen Boodhadh ay siteen oo ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan go’aanka Golaha Wakiilladu ku laalay diiwaangelintii doorashada, isla markaana ku ansixiyey in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashada golayaasha deegaanka.

blankDadka bannaan-baxa samaynayey oo u badnaa dhalinyaro reer Somaliland ah ayaa shalay bannaan-baxa ka hor-dhigay Aqalka Baarlamanka Somaliland iyo Qasriga Madaxtooyada dhexdooda, kaasoo ay kaga soo horjeedeen go’aanka Mudanayaasha golaha Wakiilladu ay Arbacadii inna dhaaftay ku laaleen Diiwaangelinta codbixiyaashu ku galeen doorashadii madaxtooyaada 26 June 2010, isla markaana beddalkeeda doorashada soo socota ee golayaasha deegaanka lagu galo diiwaan-gelin la’aan.

Bannaan-baxayaasha oo sitay boodhadh ay kaga soo horjeedaan Diiwaangelinta ay Golaha Wakiilladu laaleen, ayaa waxa ay muddaharaadkooda la hortegeen xarunta Baaarlamaanka Somaliland oo ka soo horjeedda qasriga Madaxtooyadda oo jidka Wadnaha ah ee magaaladu dhexmaro. Boodhahdka ay siteen dadkani ayaa ay ku xardhanaayeen qoraallo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan go’aankii goloha wakiilladu gaadhay toddobaadkii hore. Waxana Hal-ku-dhagyada Boodhadhka bannaan-baxayaasha ku qornaa ka mid ahaa; ‘Diiwaangelin la’aani waa Doorasho la’aan, Doonimayno Golaha Wakiilladu wuxuu shalay diiddanaa in uu maanta jideeyo” kuwaas iyo Erayo kale ayaa ku xardhanaa Boodhadhka ay Bannaan-baxayaashu siteen.

Qaar ka mid ah Bannaan-baxayaasha iyo abaabulayaashii isu-soo baxaas oo Warbaahinta la hadlay, ayaa tilmaamay sida ay uga xun yihiin go’aanka ay Xildhibaannada Wakiilladu ku gaadheen inay laalaan diiwaangelintii Codbixiyaasha doorashooyinka Somaliland, isla markaana ku ansixiyeen in diiwaan-gelin la’aan lagu galo doorashada golayaasha deegaanka. Hase-yeeshee, Ciidammada Ammanka Somaliland oo wax yar ka dib markii uu bannaan-baxu bilaabmay halkaas yimi, ayaa kala dareeriyey muddaharadayaasha xarumaha Baarlamanka iyo Madaxtooyada dhexdooda taaganaa, isla markaana waxay Ciidammadu ka qaadeen dadka boodhadhkii iyo wixii ay siteen.

Inkastoo aanay jirin cid ay xidheen Ciidammada Boolisku, haddana waxa jirey handidaad iyo caga jugleyn ay u geysteen qaybo ka mid ah dadkii tubnaa wajahadda hore ee Goloha Wakiillada oo ahayd halka uu ka socday bannaan-baxa lagu diiddan yahay go’aanka Xildhibaannada Wakiilladu Arbacadii toddobaadkii hore ay gaadheen. Bannaan-baxa ayaa ah mid u dhacay si nabadgelyo ah oo uu ku bilaabmay kuna dhammaaday qaddar saacado kooban ah oo uu halkaa ka socday.

Dhanka kale, ilo-wareedyo ka agdhow dadka soo qaban-qaabiyay muddahaardkan ayaa Wargeyska Ogaal u xaqiijiyay in ay ka danbeeyaan abaabulka bannaan-baxa xubno ka mid ah Goloha Wasiirrada Somaliland, kuwaas oo sida la sheegay diiddan go’aanka uu goluhu ku laalay diiwaangelinta, kuna asixiyey in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashada dawladaha hoose ee soo socda.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories