HomeGudoomiyaha Gobolka Gabiley Iyo Maayarka Magaalada Oo Dhagax-Dhigay Dhisme Loogu Tallo-Galay Guriga...

Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Iyo Maayarka Magaalada Oo Dhagax-Dhigay Dhisme Loogu Tallo-Galay Guriga Martida

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Gabiley, (SLpost)– Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Aadan Meecaad iyo Maayarka Magaalada Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) dhagax dhigay dhisme ballaadhan oo loo qorsheeyey in uu noqdo Gurigii Martida, kaasi oo loogu talo galay Madaxda iyo Martida timaada Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley .
Gurigan oo laga binaynayo dhinaca Waqooyi ee Magaalada ayaa Munaasibadii lagu dhagax dhigayey oo Barqadii maanta ka dhacday isla goobta laga dhisayey ayaa waxa wehelinayey Masuuliyiintii Dhagax-dhigaysay Xog-hayaha Dawlada/Hoose ee Gabiley, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, Cuqaal tiro badan, iyo Marti-Sharaf kale.
blankMunaasibadii Dhagax-dhigaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley KHadra Xaaji Gaydh oo sheegtay in ay Maamulku ku jireen Guri kiro ah, maantana ay bilaabeen Dhismaha Gurigii Martida, waxaanay tidhi: “Waxaanu maanta Dhagax-dhigaynaa Guri aanu ugu tallo-galnay Martida, taasi oo Labaatan sano oo Xukuumada S/land jirtay iyo Toban sano oo Goluhu jireenba intaaba aanu ku jirnay Guri kiro ah. Waxa nasiib darro in Dhulkii laga dhisayey ay Dawladu iibsatay, oo Dawladii wayday Dhul Dan-guud ah. Laakiin taasi waa mid ka horreysay Golaha Deegaanka. Annaguna Gole-Deegaan ahaaneed ugumaanaan iman wax dhul Dan-guud ah oo Magaalada yaala, isla markaana waxay nagu qasabtay in aanu Dad shicib ah ka iibsano Dhul, si aanu Gurigii Martida uga dhisno”. ayay Tidhi Marwo Khadra Xaaji Gaydh.
blankXog-hayaha Dawlada/hoose ee Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor oo isaguna ka hadlay Xafladii dhagax-dhiga ayaa ka xog waramay Cabirka uu ku fadhiyo Guriga Martidu, iyo inta Gaadhi ee uu qaadi karo gudaha Gurigu. waxaanu yidhi: “Waxaan doonaynaa in Gurigani noqdo Guri qaada Martida Gobolka oo dhan yimaada, Gurigan Cabirkiisuna waxa uu ku fadhiyaa 80 Mitir, ilaa 120 Mitir, waxa soo gali kara Gurigan gudihiisa ilaa Boqol Gaadhi, Waxaanu ugu talo galnay Dhagaxaantan Waawayn in ay kaga duwanaadaan Guryaha Martida ee Gobolada kale bilic ahaan”. ayuu yidhi Xog-hayaha Dawlada/hoose ee Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor.
Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Cali Aadan Meecaad oo gaba-gabadii Xafladaa ka hadlay ayaa isna yidhi: “Gurigani Waxa uu u yahay Magac Cid kasta oo wax ka qabatay, Qof kasta oo Wax-qabad muuqda qabtana waxa qori doonta Taariikhda, Maayarkana waxaan Ilaahay uga baryayaa in Alle ka abaal mariyo Wax-qabadkan”. Ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Cali Aadan Meecaad.
Dhagax-dhiga Gurigan Martida ee Maamulka Gabiley sameeyeen ayaa noqonaya Mashruucii Afraad ee Bishan gudaheeda la dhagax dhigay, iyada oo dhawaan la dhagax dhigay Jid laami ah oo dhererkiisu dhan yahay 500 mitir oo ay hir-galinayso D/hoose ee Gabiley, kana fulinayso Tuulada Kalabaydh, waxa kale oo ay isla Bishan gudaheeda dhagax-dhigtay Maayarka Gabiley Dugsi hoose dhexe oo sidoo kale ay ka fulinayaan Deegaanka Gogaysa oo qiyaas 10 kiiloo mitir ka xigta dhinaca Waqooyi ee Magaalada.

SLpost News Desk

kaafi20@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories