HomeSomali NewsCaalamkaBudhcad-badeed Soomaali Ah Oo Ka Baxay Heshiis Lagu Sii Deyn Lahaa Shaqaalaha...

Budhcad-badeed Soomaali Ah Oo Ka Baxay Heshiis Lagu Sii Deyn Lahaa Shaqaalaha Markabka M/T Eureka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waxa fashilmay wada-xaajood lagu doonayey in lagu sii daayo 8 Badmaax oo u dhashay dalka Masar iyo afar kale oo Hindi ah, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey u afduubnaa budhcad-badeed Soomaali ah.

Wada-xaajoodka ayaa fashilmay kadib markii kooxda budhcad-badeedda ahi ay ka baxeen heshiis lagu siin lahaa laba milyan oo doolar oo madaxfurasho ah.

Badmaaxyaashan ayaa ka tirsanaa shaqaalaha markabka shidaalka qaada ee M/T Eureka, kaas oo 2-dii May 2026 lagu afduubay meel ka baxsan xeebaha bari ee dalka Yemen. Budhcad-badeedda ayaa markabka u kaxaysay dhinaca xeebaha Soomaaliya ee ku teedsan Badweynta Hindiya.

Guddoomiyaha Ururka Saraakiisha Badmaaxyaasha Masar, Al-Shadli Al-Najaar, ayaa xaqiijiyey in wada-hadallo internet-ka ku dhex maray mulkiilaha markabka iyo budhcad-badeedda lagu heshiiyey in la bixiyo laba milyan oo doolar si loo sii daayo markabka iyo shaqaalihiisa. Hase yeeshee, budhcad-badeedda ayaa markii dambe ka baxday heshiiskaas, iyaga oo dalbaday in lacagta madaxfurashada loo kordhiyo ilaa toban milyan oo doolar.

Dhamaadkii bishii hore ayaa baraha bulshada si weyn loogu baahiyey muuqaal ay duubeen budhcad-badeeddu, kaas oo muujinayey iyaga oo rasaas ka dul ridaya saddex badmaax oo Masaari ah oo Gacmaha ka xidhan. Falkaas ayaa loo arkay isku day lagu cadaadinayey mulkiilaha markabka iyo qoysaska badmaaxyaasha si loo dedejiyo bixinta madaxfurashada.

Axmed Raad, oo walaalkii ka mid yahay badmaaxyaasha la haysto, ayaa sheegay in walaalkii uu telefoon kula soo xidhiidhay isla markaana uga warbixiyey xaalad adag oo ay ku nool yihiin iyo khatarta joogtada ah ee ay wajaheen intii ay gacanta ugu jireen budhcad-badeedda.

Dib-u-soo Noqoshada Budhcad-badeedda Soomaaliya

Dhacdadan ayaa dib u soo nooleysay walaaca laga qabo kororka dhaqdhaqaaqa budhcad-badeedda Soomaaliya, kuwaas oo sanadihii u dambeeyey mar kale bilaabay weerarro lagu qaado maraakiibta ganacsiga ee maraysa Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Budhcad-badeedda Soomaalida ataa si weyn u soo ifbaxay horraantii sannadihii 2000-meeyadii, xilli ay Soomaaliya ka jirtay dawlad-la’aan iyo amni-darro baahsan. Kooxo kalluumaysato ah ayaa markii hore ku dooday inay difaacayaan biyaha Soomaaliya oo ay “si sharci-darro ah uga kalluumaysanayeen maraakiib shisheeye, balse dhaqdhaqaaqaasi wuxuu si degdeg ah isugu beddelay ganacsi ku dhisan afduub iyo madax-furasho.

Intii u dhexaysay 2005 ilaa 2012, budhcad-badeedda Soomaalida ayaa noqday khatar caalami ah. Boqolaal maraakiib ah ayaa la afduubay, kumannaan badmaax-na waa la qafaashay. Magaalooyinka xeebaha Soomaaliya sida Eyl, Xarardheere iyo Hobyo ayaa noqday xarumo muhiim u ah hawlgallada budhcad-badeedda, iyadoo malaayiin doolar oo madaxfurasho ah lagu bixiyey sii-daynta maraakiib iyo shaqaale.

Saamaynta dhaqaale ee budhcad-badeeddu kuma koobnayn Soomaaliya oo keliya. Ganacsiga caalamiga ah ayaa wajahay kharashaad dheeraad ah oo la xidhiidha caymiska maraakiibta, ilaalinta amniga iyo beddelka marinada ganacsiga. Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, NATO iyo dalal kale ayaa bilaabay hawlgallo ciidan oo lagu sugayey ammaanka badda.

Dabayaaqadii 2010-meeyadii, weerarrada budhcad-badeeddu si weyn ayay hoos ugu dhaceen kadib markii la xoojiyey ilaalinta maraakiibta, iyadoo gobolka laga hawl-galiyey ciidamo ka socda caalamka iyo tallaabooyin amni oo ay qaadeen shirkadaha maraakiibta. Hase yeeshee, khubarada amniga badda ayaa muddo dheer ka digayey in sababihii asaasiga ahaa ee dhaliyey budhcad-badeedda; sida saboolnimada, shaqo la’aanta, iyo maamulka jilicsan ee Soomaaliya – aan si buuxda loo xallin.

Sanadihii 2024 ilaa 2026, waxaa mar kale soo kordhay dhacdooyin muujinaya dib-u-soo-noqoshada kooxaha budhcad-badeedda, iyadoo qaar ka faa’iidaysanayaan mashquulka amni ee ka jira gobolka iyo dhaqdhaqaaqyada hubaysan ee ka socda marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Afduubka markabka M/T Eureka ayaa loo arkaa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn ee muujinaya in khatarta budhcad-badeedda Soomaaliya aanay weli si buuxda u dhammaan, isla markaana ay weli halis ku tahay maraakiibta iyo shaqaalaha ka shaqeeya marin-biyoodka muhiimka ah mandaqadda.

Somalilandpost News

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories