HomeMV Leila: Markab-ganacsi u raran Ganacsato Soomaliland ah oo gacanta u...

MV Leila: Markab-ganacsi u raran Ganacsato Soomaliland ah oo gacanta u galay Budhcad-badeedda Soomalida

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 19 February, 2012 (SLpost)- Markab ganacsi oo ka soo goostay dekedda magaalada Dubia isla markaana ku soo wajahnaa dekedda magaalada Berbera, ayaa laga af-duubay  meel 25 mile dhanka Koonfur Bari u jirta xeebta magaalada Salalah ee dalka Cumaan, sida ay Shaacisay guddiga ilaalinta Maraakiibka ee Geeska Afrika.

Markabkan ganacsi oo lagu magaaabo MV Leila oo ay leedahay shirkadda ganacsi ee New Port Cargo & Shipping ee xarunteedu tahay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa wararku sheegayaan in la afduubay Maalintii Jimcaha ee shalay, in kasta oo wararka la shaaciyey qaarkood sheegayaan inay budhcad-badeedda Soomaalidu Markabkan haleeleen 16 February wakhtigaas oo uu ku sugnaa goobtii ugu dambaysay ee Juquraafi ahaan lagu ogaa oo ahayd 16.47 Woooyi iyo 56.15 Bari ee xeebta dalka Cumaan.

blankWar qaylo-dhaan ah oo ay soo saartay hay’adda MSCHOA ayaa lagu sheegay: “Markab Ganacsi oo lagu magaccaabo MV Leila oo sannadkii 2009 kooxda ganacsato ahi dacwad ka gubisay  isla markaana dhowr bilood shaqaalihiisa lagu hayey magaalada Berbera, waxa warkiisa af-duubka xaqiijiyey ciidamada NATO oo noo sheegay inay budhcad-badeeddu maalintii Khamiista ka afduubeen xeebta dalka Cumaan isaga oo ka yimi dekedda magaalada Dubia.”

blank
Goobta la sheegay in laga Af-duubay Markabka

Hay’adda la socodka Maraakiibta Geeska Afrika (MSCHOA) waxay sheegtay in Markabkani aanu u diiwaan-gashanayn, sidaa awgeed aan la aqoonsan karin dadka saaraan iyo Alaabta uu sido.

“Annaga oo helnay xajmiga iyo Qiimaha uu Markabku ku fadhiyo, waxaanu qiimaynay in markabkani u muuqdo mid loo isticmaali Afduubka maraakiibta kale, balse aan looga dan lahayn in laga qaato maddax-furasho,” ayaa ka mid ah shaacinta warka khuseeya Afduubka Markabka ee lagu sheegay qaylo-dhaanka hay’adda MSCHOA.

Maaha markii ugu horreysay ee budhcad-badeeddaa Soomaalidu ay af-duubeen markab ganacsi oo u raran ganacsato Soomaali ah, waxaana ugu dambaysay Markab nooca  Shiidaalka qaada oo ku soo wajahnaa dekedda magaalada Berbera kaas oo markii dambe ganacsatii isla lahayd loo sii daayey ka dib markii waan-waan iyo wada-xaajood ay ka qayb-qaateen madax-dhaqameedka iyo Ganacsatada Dalka Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

QAYLO-DHAANTII UGU HORREYSAY

Waxa jira warar is khilaafsan oo sheegay goobta iyo taariikhda saxda ah ee afduubka markabta, iyada oo xarunta la socodka maraakiibta ee NATO  sheegayso in markabka la qabsaday maalintii Jimcaha ee 17 February, haddana waxa jira warar kale oo sheegaya in 16-kii bisha laga afduubay xeebkta magaalada Sadh oo Bari ka xigta  magaalada Salalah ee dalka Cumaan.

Wakhtigan Xaadirka ah, lama aqoonsan magaca Markabka la afduubay. Ilaha wararka laga helay qaarkood ayaa sheegagya inuu yahay markab nooca Saliidda qaada oo laga leeyahay dalka Jarmalka.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories