HomeSomali NewsSomaliland: Agaasimaha Tayaynta Waxbarashada oo ka Hadlay Waajibaadka Xafiiskiisa

Somaliland: Agaasimaha Tayaynta Waxbarashada oo ka Hadlay Waajibaadka Xafiiskiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha cusub ee xafiiska tayaynta waxbarashada ee wasaaradda waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Saleebaan Cumar, ayaa sharraxaad ka bixiyay hawlaha iyo shaqada uu xafiiskuusu qaranka u qaban doono, sidoo kalena waxa uu ka mahadceliyay xilka culus ee loo magacaabay.

Maxamed Saleebaan waxa uu sheegay in xafiiskiisu u taagan yahay tayaynta waxbarashada Somaliland oo soo martay marxalado badan oo kala duwan, isaga oo tilmaamay in maanta la gaadhay wakhtigii tayaynta iyo kobcinta waxbarashada, isla markaana qarankani uu ka gudbay xiligii lagu xisaabtamayay tirada.

“Tayaynta waxbarashadu waa masuuliyad aad u ballaadhan, waana masuuliyadda ay dawladdu u taagan tahay, taas oo ah sababtay ay ugu igmatay wasaaradda waxbarashada, waxbarasho tayo leh in muwaadin kastaa helo waa xaquuq asaasiya oo uu ku leeyahay dawladiisa, waxyaabaha ugu waawayn ee ay dawladi u taagan tahayna waa in ay bixiso tacliin tayo leh,” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Saleebaan oo maanta u waramay Bulsho TV.

Waxa kaloo uu intaas raaciyey;  “Waxbarashada Somaliland muddadii uu qarankani jiray waxay soo martay marxalado kala duwan, marxaladahaas waxay kala sinnayd maraaxishii kala duwanaa ee qarankani soo maray, maanta waxaynu taaganahay xiligii tayada, waxaana aynu ka gudubnay xiligii tirada lagu xisaabtamayay.”

“Wasaaradda waxbarashada Somaliland muddooyinkii u dambeeyay waxay ku hawlanayd, taabo-gelinta tayada, kobcinta iyo hirgelinta tacliin tayo leh, sidaad la socotaan waxaa markii ugu horraysay dib u habayn lagu sameeyay manhajkii waxbarashada qaranka Somaliland, iyada oo la soo daabacay buugaag xambaarsan manhajkaas, kuwaasi oo maanta laga heli karo dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka,” ayuu yidhi.

Maxamed waxa uu sharraxay barnaamijyada waxbarasho ee ay samaysay wasaaradda waxbarashada Somaliland ee lagu tayaynayay tacliinta dalka, waxaannu yidhi;  “Waxa la sameeyay, waxaa la xakameeyay qishkii Imtixaanka, oo waxaad ogaydeen imtixaankii shahaadiga ahaa, waxa kaloo aad ogaydeen barnaamijkii aqoon jire, ee tacliinta gaadhsiinayay goobaha ka fog caasimada iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka, taas oo ay natiijadiisi noqotay in degmooyin farabadan oo ka fog magaalooyinka waawayn ay ku soo baxaan kaalmaha hore ee imtixaankii shahaadiga ahaa ee sannad dugsiyeedka 2016 iyo 2017.”

Agaasimuhu waxa uu balan-qaaday in uu ku dedaali doono sidii loo tayayn lahaa waxbarashada, isla markaana loo abuuri lahaa barnaamijyo cusub oo lagu dardar gelinayo tacliinta dalka, waxaanu yidhi “Muddada aan xilkan hayo waxaan ku dadaali doonaa aniga oo la kaashanaya masuuliyiinta sare ee wasaaradda waxbarashada oo uu hormood ka yahay wasiirka wasaaradda waxbarashada, wasiiru dawlaha, wasiir ku xigeenka, agaasimaha, dhamaan agaasimayaasha waaxyaha iyo guddoomiyayaasha gobolada iyo guud ahaan qaybaha wasaarada aniga oo la kaashanaya in aanu ka shaqayno sidii aanu kor ugu sii qaadi lahayn tayaynta waxbarashada, waxa kale oo aanu abuuraynaa barnaamijyo lagu tayaynayo, macalinka, manhajka, ardayda, dugsiga iyo bay’ada waxbarashada, iyada oo isla markaana wax badan dib u eegis lagu samayn doono, waxaanan ka codsanayaa dhamaan ummadda Somaliland in ay masuuliyaddaasi iigu soo duceeyaan iguna garab galaan samaynta tacliin tayo leh inoo abuurta jiil wax ku ool ah oo tayo leh.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories