HomeMarkab u raran Ganacsatada Somaliland oo Budhcad-badeeddii Aftuubtay sii daysay iyo Xaddiga...

Markab u raran Ganacsatada Somaliland oo Budhcad-badeeddii Aftuubtay sii daysay iyo Xaddiga madaxfurasho laga bixiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 12 April, 2012 (SLpost)- Markabkii u rarnaa ganacsatada Somaliland ee budhcad-badeedda Soomaalida ahi ku haysteen xeebaha dalka Soomaaliya ayaa maanta la sii daayey ka dib markii laga bixiyey Lacag madax-furasho ah.

Sida uu shabakadda SomalilandPost u xaqiijiyey wakiilka Markabka u fadhiya magaalada Berbera Sh. Axmed-sayid Maxamed Mire oo isaga oo ku sugan magaalada Boosaaso Khadka telefonka noogu warramay, inay Madax-furasho ka bixiyeen soo-daynta Markabkaas u rarnaa Ganacsatada Somaliland isla markaana uu hadda Dhexda ku soo jiro, habeen dambena lagu wado inuu yimaaddo magaalada Berbera.

blank

“Walaal Markabkii waa la soo daayey oo wuu nabad-qabaa, arrintiisu way dhammaatay oo dhexda ayuu ku soo jiraa, habeen dambe ayaanu Berbera imanayaa,” ayuu yidhi Sh. Axmed.

Wakiilkani waxa uu sheegay in dedaalkii loogu jiray soo deynta markabta uu ku soo af-jarmay ka dib markii ay wada-xaajood la yeesheen Budhcad-badeedda Markabka haysata, isla markaana ay madax-furasho siiyeen kooxda budh-cadbadeedda ah.

Mar aanu weydiinay xaddiga madax-furashada ah ee ay siiyeen Budhcad-badeedda ah, Wakiilku wuu ka gaabsaday inuu Carrabbaabo tiradeeda sababo amni awgeed, balse wixii faahfaahin ah ee intaas dheer uu bixin maalinta Barri ah.

Haseyeeshee, ilo-wareedyo ka ag-dhow qaar ka mid ah Ganacsatada Markabku u raran yahay, ayaa Shabakadda SomalilandPost u  xaqiijiyey in Markabka laga bixiyo Qaddar Madax-furasho lacageed oo dhan $250,000 (Laba boqol iyo Konton kun oo Dollar).

Sh. Axmed waxa uu deyro ka muujiyey isla markaana wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadan oo ah tii ugu horreysay ee la soo derista Ganacsatada Soomaalida gaar ahaan Somaliland isaga oo tilmaamay inay dhacdadani dhaawac weyn ku yahay isku-xidhnaanta ganacsiga Bulshada Soomaalida ah.

“Runtii waa wax aan sharciyadda, insaaniyadda, caqliga iyo garashada midna ku haboonayn maaha, waana arrin xaqdarro ah, waxaanay ka mid tahay dhibaatada haysata dadka Soomaalida ah,” ayuu yidhi Wakiilka Markabka u fadhiya magaalada Berbera Sh. Axmed Sayid Maxamed Mire.

Markabkan oo magaciisa la yidhaahdo MV Leila kana soo goostay dekedda magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabka ayaa isaga oo ku soo jeeda dekedda magaalada Berbera, waxa ay koox budhcad-badeed Soomaali ahi Bishii February ee sannadkan ka afduubay xeebta Dalka Cumaan, waxaanay isla markiiba budhcad-badeeddu dalbatay lacag madax-furasho ah oo aan xaddigeeda la sheegin, balse todobaadkan gudihiisa ayey ahayd markii warbaahinta qaar shaacisay in budhcad-badeeddu dalbatay xaddi lacageed oo dhan 2 Milyan oo Dollar.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories