HomeBudhcad-badeedda Soomaalida oo madax-furasho ku sii deysay 7 qof oo ka mid...

Budhcad-badeedda Soomaalida oo madax-furasho ku sii deysay 7 qof oo ka mid ah Shaqaalaha Markabka MV Albedo oo Weli Af-duuban

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dubai (SLpost)- Budhcad-badeedda Soomaalida ayaa sii daysay todobo shaqaale la socday Markab lagu magacaabo MV Albedo oo muddo laba sanno ah la haystay ka dib markii ay qaateen madax-furasho lacageed.

Shaqaalaha Markabka oo u dhashay dalka Pakistan ayaa qoysaskooda dib ula midoobay ka dib markii ay diyaarad ka raaceen magaalada Nairobi geysay magaalada Dubai halkaas oo maanta la saaray diyaarad u qaaddaay magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Ahmed Chinov oo qoysaska shaqaalaha la afduubay u xil-saareen wada-xaajoodka budhcad-badeedda, ayaa isaga oo warbaahinta kula hadlaya madaarka Dubai, waxa uu sheegay in labada maalmood hortood hawsha wada-xaajoodka budhcad-badeedda Soomaalida lagu soo gunaanaday deegaan ka tirsan dhulka Soomaalida oo aanu magacaabin.

blank“Waxa aanu bixinnay $1.1 milyan ka dibna waxa shaqaalaha loo duuliyey Nairobi oo ay diyaaradda ka soo raaceen,” ayuu yidhi Ahmed Chinov warbaahinta kula hadlayey madaarka magaalada Dubai.

“Waa markii ugu horreysay taariikhda budhcad-badeedda (marka loo eego budhcad-badeedda Somalia) ee heshiis lagu gaadho meel dhul ah, halka wada-xaajoodyadii hore budhcad-badeedda lagu siin-jiray iyaga oo ku sugan biyaha badda iyada oo doonyahooda loogu dul tuurayo,” ayuu raaciyey hadalkiisa.

Waxa uu sarkaalkani xusay in sii-deynta Markabka iyo shaqaalihiisa ay budhcad-badeeddu ku dalbatay lacag dhan $2.85 milyan, balse dalka Pakistan kula heshiisay inay bixiso $1.1 milyan, halka lacagta inteeda hadhay laga sugayo mulkiilaha Markabka oo u dhashay dalka Malaysia iyo dawladaha ay u dhasheen shaqaalaha weli ku jira gacanta budhcad-badeedda.

Isaga oo ka hadlaya tirada shaqaalaha markabka saarnaa ee weli gacanta ugu jira budhcad-badeedda, waxa uu yidhi, “Waxa weli markabka saaran 15 shaqaale. Sannadkii hore waxaanu in badan la hadalnay dawladaha ay khusayso, laakiin soo-deynta waxa dib u dhigay sababo kala duwan.”

Markabka MV Albedo ayay budhcad-badeedda Soomaalidu gacanka Cadmeed ka afduubeen November 2010 isaga oo ka soo goostay dekedda Jebel Ali ee Dubia wakhtigaas oo uu ku sii jeeday dekedda magaalada Mombasa ee Kenya, waxaanu siday alaabada dhismaha, waxaana la socday 22 shaqaale oo ay ku jiraan Kabtanka Markabka iyo lix oo Pakistan u dhashay – halka dhinaca kale ay saarnaayeen 7 Sri Lankan ah, 6 Bangaladheshi ah iyo Qof dalka Iran u dhashay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories