HomeLatest NewsMadaxweynaha Somaliland Oo La Filayo Inuu Socdaal Taariikhi ah Ugu Baxo Dalka...

Madaxweynaha Somaliland Oo La Filayo Inuu Socdaal Taariikhi ah Ugu Baxo Dalka Israa’iil

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu toddobaadka dambe booqasho rasmi ah ku tago dalka Israa’iil, taas oo noqon karta tallaabadii ugu muhiimsanayd ee dhinaca diblomaasiyadda Somaliland qaaddo tan iyo markii ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii sannadkii 1991-kii.

Sida uu baahiyey wargeyska Israa’iil laga leeyahay ee Ynetnews, booqashada Madaxweynaha Somaliland oo qaadan doonto muddo saddex maalmood ah, ayaa loo qorsheeyey 15-ka iyo 17-ka bishan June ee sannadkan.

Sida Warbixinta lagu sheegaym Madaxweynaha Somaliland ayaa ka qayb-geli doona munaasibadda furitaanka Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Qudus, taas oo noqon doonta safaaraddii ugu horraysay ee Somaliland ka furato dal dibadda ah.

Socdaalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya 8-bilood kaddib markii ay Israa’iil noqotay dalkii ugu horreeyey ee dunida si rasmi ah u aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland 25 December, 2025-kii.

Tallaabada dublomaasiyeed ee Israa’iil qaatay ayaa furtay bog cusub oo xidhiidhka labada dal ah isla markaana kor u qaaday rajada Somaliland ka qabto inay xubin ka noqoto Golaha Qaramada Midoobay.

Warku waxa uu intaas ku daray in Madaxweyne Cirro uu kulamo gaar ah la yeelan doono Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, iyo Raysal-wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xidhiidhka siyaasadeed, iskaashiga amniga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha, tiknoolajiyadda casriga ah iyo mashaariicaha horumarineed ee ay Somaliland ka faa’iidaysan karto.

Safarkan ayaa sidoo kale lagu tilmaamayaa mid xaqiijinaya doorka sii kordhaya ee Somaliland ku leedahay Geeska Afrika, iyadoo Israa’iil ay Somaliland u aragto saaxiib istiraatiiji ah oo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka gobolka. Dhinaca kale, Somaliland ayaa xidhiidhkan uga faa’iidaysanaysa furitaanka albaabbo cusub oo dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo aqoonsiga caalamiga ah.

Inkasta oo Madaxweyne Cirro hore loogu qorsheeyey tiraba laba jeer inuu socdaal ugu baxo dalka Israel balse dib ugu dhacay sababo kala duwan awgood, haddana wararka hadda soo baxaya ayaa muujinaya in labada dhinac ay diyaar u yihiin inay booqashadan ka dhigaan mid taariikhi ah oo xoojinaysa xidhiidhka cusub ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil.

Ma jiro war rasmi ah oo xukuumadda Somaliland ka soo saartay arrinta la xidhiidha socdaalka madaxweynaha ee aanu ka soo xigannay Wargeyska YnetNews, balse haddii booqashadani u dhacdo sida loo qorsheeyey, waxay noqon doontaa dhacdo taariikhi ah oo magac weyn u soo hoynaysa Somaliland, isla markaana xoojinaysa dedaallada ay muddada dheer ugu jirtay helitaanka aqoonsi buuxa oo caalami ah.

Somalilandpost News

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories