HELSINKI, FINLAND (SLpost) – Jaaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Finland ayaa kulan soo dhawayn iyo martiqaad sharafeed ah u qabatay Hoggaanka Tababarrada Ciidanka Booliska Somaliland, Cabdiqani Ciise Maygaag, oo safar shaqo ku jooga dalka Finland.
Kulankan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya jaaliyadaha dibadda iyo hay’adaha amniga Somaliland, iyadoo sidoo kale lagu falanqeeyey doorka qurbo-joogtu ka qaadan karto horumarinta iyo tayeynta ciidamada ammaanka.
Martiqaadka iyo soo dhawaynta waxaa hormuud ka ahaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Finland, Xasan Cumar Hurre, oo ay weheliyeen xubno ka tirsan guddida jaaliyadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ee ku nool dalka Finland.
Guddoomiye Xasan Cumar Hurre ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay jaaliyadda inay martigeliso masuuliyiin ka socda hay’adaha ammaanka Somaliland, isaga oo xusay in qurbo-joogtu mar walba diyaar u tahay taageeridda horumarka iyo xasilloonida dalka.
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen horumarinta tababarrada Ciidanka Booliska Somaliland, fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Finland dhinaca tababarrada iyo kor u qaadista aqoonta ciidamada, iyo sidoo kale xaaladda guud ee horumarinta hay’adaha ammaanka dalka.
Hoggaanka Tababarrada Ciidanka Booliska Somaliland ayaa dhankiisa jaaliyadda uga warbixiyey dadaallada lagu tayeynayo ciidamada booliska, korna loogu qaadayo xirfaddooda iyo aqoontooda si ay u gutaan waajibaadka amniga qaranka.
Xafladda soo dhawaynta waxaa sidoo kale ka qayb galay Suldaanka Guud ee Jaaliyadda Qurbo-joogta Somaliland, Suldaan Cabdi Kayd Maxamed, oo bogaadiyey xidhiidhka dhow ee u dhexeeya jaaliyadda iyo hay’adaha qaranka.
Cabdiqani Ciise Maygaag ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda Somaliland ee Finland soo dhawaynta diirran iyo maamuuska ay u muujiyeen, isaga oo tilmaamay in taageerada iyo dhiirrigelinta qurbo-joogtu ay muhiim u tahay dadaallada lagu horumarinayo Ciidanka Booliska Somaliland.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo qurbo-joogteeda, iyadoo la raadinayo khibrado iyo iskaashi caalami ah oo gacan ka geysan kara casriyeynta iyo tayeynta hay’adaha amniga Somaliland.


