HomeXidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Oo Tababar U Furay Garsoorayaasha Ciyaaraha Fudud

Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Oo Tababar U Furay Garsoorayaasha Ciyaaraha Fudud

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)– Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland, ayaa maanta tababar kor loogu qaadayo aqoontooda u furay garsoorayaasha ciyaaraha fudud.

blankTababarkan oo ka qoobsamay xarunta xadhiidhka ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xidhiidhka ciyaaraha fudud, guddoomiyaha garsoorka iyo khabiirka tabarkaas bixiyey oo u dhashay dalka Jabuuti laguna magacaabo Sacad Xasan Aadan.

Furitaankii tababarkaas oo uu hadal ka jeediyey xoghaya xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland Mustafe Cabdi Xaddi, ayaa sheegay in tababarkani yahay kii labaad ee uu bixiyo khabiir Sacad Xasan isla markaana uu qayb ka yahay tababarada kor loogu qaadayo aqoonta garsoorayaasha ciyaaraha fudud ee Somaliland.

“Si ay hawlaha ciyaaruhu u horumaraan waxa lagama maar amaan ah in la tayeeyo aqoonta garsoorayaasha oo muhiim ah wadista ciyaaha fudud ee dalka,” ayuu yidhi Mustafe.

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Xidhiidh ahaan waxa aanu walba ku dadaalaynaa inaanu ka wax ka bedelno aqoonta garsoorayaasha oo ah mishiinka wada hawsha ciyaaraha.”

blankWaxaa isugana halkaa ka hadlay guddoomiyaha garsoorka ee xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare] oo si weyn ugu mahadceliyey khabiir Sacad Xasan Aadan, “Waxa aan Sacad uga mahadcelinayaa wakhtigiisa qiimaha badan ee uu inoo soo huray isaga oo ka yimi dalka Jabuuti una yimi inuu garoorayaasheena inoo tababaro.” Ayuu yidhi Cabdishakuur Heersare.

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Maadaama oo ay foodda inagu soo hayaan ciyaarihii goboladu waxa muhiim noqotay in la dardargelinyo aqoonta garsoornimo ee garsoorayaasha ciyaaraha fudud ee waddanka. Waxaana tababarkani suurta gelinayaa inay garsoorayaashu si fiican u gartaan waajibaadka saaran iyo sida ay u garsoorayaan ciyaaraha.”

blankWaxa kale oo uu guddoomiyuhu sheegay inay xidhiidh ahaan mar kasta isku hawlayaan horumarinta aqoonta garsoorka, “Xidhiidh ahaan waxa aanu mar kasta diyaar u nahay inaanu kobcinno aqoonta garsoorayaasha, oo haddii aan aqoontooda la horumarin ay dhibaato badani ku imanayso geedisocodka ciyaaraha dalka.” Ayuu yidhi Cabdishakuur Heersare.

Waxaana uu garsoorayaasha kula dardaarmay inay ka faa’idaystaan tababarka loo furay, isla markaana ay dhaqangelinayaan aqoonta kala duwan ee lagu tabarayo.

Tababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah uuna bixinayo khabiir Sacad Xasan Aadan oo ka mid ah xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Jabuuti, ayaa garsoorayaasha ku tababaray siyaabaha loogu diyaargaroobo garsooridda ciyaaraha fudud ee ay ka midka yihiin orodada iyo booddooyinka, isaga sharraxaad ka bixiyey sida loo diyaari jadwalka ciyaaraha, habaynta orodada, qabashada saacadaha iyo siyaaha loo maamulo tartannada dhacaya.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories