HomeWAR DEG-DEG AH: Seyf al-Islam Qaddaafi oo Gacanta lagu dhigay (SAWIRRO)

WAR DEG-DEG AH: Seyf al-Islam Qaddaafi oo Gacanta lagu dhigay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tripoli, (SLpost)- Hoggaamiyeyaal sarsare oo ka tirsan milatariga dalka Liibiya ayaa shaaciyey inay gacanta ku dhigeen Saif al-Islam Gadhafi wakhti uu ku dhuumaalaysanayey badhtamaha dhulka saxaaraha ah ee dalkaas, sida uu sheegay wasiirka Cadaaladda ee dawladda ku-meel gaadhka ah.

blankSida aanu ka soo xiganay telefishanka Maraykanka laga leeyahay ee CNN, waxa gacanta ku dhigay dagaalyahanno ka tirsan maamulka talada dalka la wareegay ka dib markii uu dhex maray dagaal ku dhex maray magaalada dhinaca Koonfur-galbeed ku taala ee Obari. Waxaana damaashaad iyo qoryaha oo kor loo ridayo laga maqlayey badhtamaha magaalada Tripoli wakhti uu soo shaac baxay warka sheegaya qabashada Saif al-Islam.

blank
Seyf (Dhexda) iyo qaar ka mid ah dadkii lala qabtay oo diyaarad saaran

Wasiirka Cadaaladda ee golaha ku-meel gaadhka ah Mohammed al-Alagy ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Saif al-Islam iyo dhowr xubnood oo ilaaladiisa ah iyaga oo isku dayaya inay u gudbaan xuduudda dalka Niger

blank
Bidix: Wiilka uu Qaddaafi dhalay oo diyaarad saaran

Dhanka kale, Cisman Mliegta oo abaan-duule ka ah guutada Al-Qa’aq ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey qabashada Saif al-Islam isla markaana lagu dhaawacay dagaal dhex maray dagaalyahannada wakhti ay isku dayeyeen inay gacanta ku dhigaan.

Waxa uu sarkaalkani sheegay inaanu hadda ku sugnayn magaalada Zintan balse la qorshaynayo in lagu soo qaaday diyaaradaha nooca qumaatiga u duula si loo geeyo magaalada Tripoli.

blank
Dadka reer Liibiya oo dabaal-degaya Qabashadii Seyf al-Qaddafi ka dib

Saif al-Islam oo intii dagaaladu dalkaas ka socdeen lagu suntay dambiile dagaal isla markaana booliska caalamiga ahi amreen in la soo xidho bishii September, waxa haatan laga doonayaa maxkamadda dambiyada caalamiga ah oo ku eedaynaysa dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories